Kominshanka Doorashooyinku Waxay Noo Sheegeen In Aaney Doorasho Xiligeedii Dhaceen ..” Gudoomiyaha Guurtida
March 23, 2019 - Written by admin

Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay maanta fadhi albaabadu u xidhan yahiin ay la yeesheen Kominshanka doorashooyinka Somaliland isla markaana ay kaga wada hadleen qaabka ay kominshanku u wadaan hawlahooda shaqo ee ku saabsan doorashooyinka soo socda

Kulankan oo  saxaafadu dibad joog ka aheyd waxaa markii uu soo dhamaadey warbaahinta si kooban ula hadley gudoomiyaha golahaasi Saleeban maxamuud Aadan isla markaana waxaa uu shaaciyey in kominshanku uu golahooda u cadeeyey in aaney doorashadii golaha wakiilada iyo deeganku aaney dhaceen wakhtigii loo qoondeeyey oo aheyd dabo yaaqada sanadkan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS