Sanaagmedia
Sports
  • Warbixin: Kalee Ayuu Wayne Rooney Ka Gali Karaa Shaxda Kooxda Everton
    Warbixin: Kalee Ayuu Wayne Rooney Ka Gali Karaa Shaxda Kooxda Everton
    Warbixin: Kalee Ayuu Wayne Rooney Ka Gali Karaa Shaxda Kooxda Everton

    Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ahna kabtanka xulka qararnka Englad ee Wayne Rooney ayaa la sheegayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United isaga oo lala xiriirinayo in uu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Everton.

    Weeraryahanka oo ah xiddiga ugu goolasha badan xulka qaranka England ayaa boos joogto ah ka waayay kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

    Taas ayaa keentay in xiddigan lala xiriiriyo horyaalka chinese super league iyo kooxo ka dhisan horyaalka Dalka America.

    Laakiin waxa jira war soo baxaya oo sheegaya in uu xiddigan ku biiri doono kooxdiisii yaraantii ee Everton iskan sii joogi doono horyaalka Premeier League.Wayne Rooney at Everton XI

    Hadaba Shabakada Kooxda.com ayaa warbixintan ku eegi doonta meeshaha uu Wayne Roone ka gali doono shaxda Everton Hadii Uu Dib ugu laabto xagaaga.

    Share
    March 2, 2017, 7:05 pm
  • Koox Premier League Ah Oo Tababare Jose Mourinho Dalab Ula Tagtay Ka Hor Inta Uuna Qaban Shaqada United Waa Kooxdee
    Koox Premier League Ah Oo Tababare Jose Mourinho Dalab Ula Tagtay Ka Hor Inta Uuna Qaban Shaqada United Waa Kooxdee
    Koox Premier League Ah Oo Tababare Jose Mourinho Dalab Ula Tagtay Ka Hor Inta Uuna Qaban Shaqada United Waa Kooxdee

    Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in dalab ka gudbisay tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ka hor intii uuna qaban shaqada kooxda Man United xagaagii hore.

    Yahoo Sport ayaa sheegtay in ay Gunners ay dalab ka gudbisay tababarahan reer Portugal markii laga cayriyay kooxda chelsea sanadkii hore.

    Run ahaantii The Specia one ayuu hor yaalay dhowr dalab oo kooxo waaweyn ah xilli United qarka u fuushay in ay lumiso tababarahan maadama ay wakhtigaas ka meer-meeraysay in ay erido tababare Louis van Gaal.

    Image result for Jose Mourinho TO Arsenal

    Kooxda Reer France ee Paris St-Germain ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku dhowaatay in ay la wareegto Tababare Mourinho laakiin Tabababrahan ayaa doonayay in uu qabto shaqada United.

    Everton, Inter Milan, Real Madrid iyo Roma ayaa dhamaatood xiiso waali ah u hayay tababarahan muranka badan dhaliya ee reer Portugal.

    Ugu Dambayn Jose ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Man United 4 cisho kadib markii United eriday tababare Van Gaal.

    Share
    March 2, 2017, 7:04 pm
  • Leonardo Bonucci, Lorenzo Insigne, Cesc Fabregas Iyo Wararkii Ugu Waaweynaa Ee Wargeysyada Ingiriisku Ka Qoreen Suuqa Kala iibsiga Maanta Oo Talaada Ah.
    Leonardo Bonucci, Lorenzo Insigne, Cesc Fabregas Iyo Wararkii Ugu Waaweynaa Ee Wargeysyada Ingiriisku Ka Qoreen Suuqa Kala iibsiga Maanta Oo Talaada Ah.
    Leonardo Bonucci, Lorenzo Insigne, Cesc Fabregas Iyo Wararkii Ugu Waaweynaa Ee Wargeysyada Ingiriisku Ka Qoreen Suuqa Kala iibsiga Maanta Oo Talaada Ah.

    Asc dhamaan akhristayaasha qiimaha iyo qadarintaba naga mudanoow kusoo dhawaada wararkii goosgooska ahaa ee wargeysyada dalkaan ingiriisku ay ka qoreen suuqa kala iibsiga maanta oo talaado ah .

    Bilo dhawr ah ayaa ina xiga wakhtiga ay furmi doonto daaqada suuqa kala iibsiga ee xagaagu balse kooxaha ayaa haatanba wada hadalo kula jiro xiddigo gaar ah oo ay doonayaan isla markaana doonaya in xili horeba sii dhamaystiraan heshiisyadaas ka hor inta uusan cadaadisku kusii kordhi isla markaana aysan kooxo kale ku cidhidhiin heshiisyadaas .

    Wararkeena goosgoska ah saaka waxa ugu waaweyn.

    daily mirror

    • Macallinka kooxda Arsenal ayaa iska diiday dalab uga yimi horyaalka China oo sannadki ku qaadan lahaa mushahar dhan  £30m.
    • Zlatan Ibrahimovic ayaa isu diyaarinaya in uu ka hulelo kooxda Manchester United iyadoona ay jirto in Jose uu aad u danaynayo in uu sii haysto weeraryahankaan.
    • Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa loo sheegay in ay maankooda ka saaraan soo qaadashada Virgil van Dijk.

    daily telegraph

    • Kooxda AC Milan ayaa isu diyaarinaysa in ay dalab £27m ah ka gudbiso Cesc Fabregas.

    the sun

    • Antonio Conte ayaa doonaya in u ka faa’idaysto mushkilada Leonardo Bonucci ku haysata kooxdiisa Juventus isagoona doonaya in uu xagaaga soo qaato daafacaas.
    • Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaan wax heshiis ah saxiixi doonin dhawaan isla markaasna ka war sugi doona ilaa inta mulkiyada kooxdan ay la waregi doonaan maalqabeenada Chinese -ka ah.
    • Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in soo qaadato lamaanaah kooxda Napoli ee Lorenzo Insigne and Faouzi Ghoulam.
    • Jose Mourinho ayaa il gooni ah ku haya xaalada Cesc Fabregas.
    Share
    February 28, 2017, 9:28 am
  • Muxuu Roberto Lewandowski Ka Yidhi Is Barbardhiga Lagu Sameeyo Isaga Iyo Halyeeygii Kooxda Bayern Ee Gerd Muller?
    Muxuu Roberto Lewandowski Ka Yidhi Is Barbardhiga Lagu Sameeyo Isaga Iyo Halyeeygii Kooxda Bayern Ee Gerd Muller?
    Muxuu Roberto Lewandowski Ka Yidhi Is Barbardhiga Lagu Sameeyo Isaga Iyo Halyeeygii Kooxda Bayern Ee Gerd Muller?

    Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Roberto Lewandowski ayaa sheegay in doonayo in uu samaysto taaariikhdiisa u gaarka ah tiiyoo ay jirto in dhawaan la barbardhigay halyeeygii reer German iyo kooxda Bayern Munich ee Gerd Muller.

    Polishkaan ayaa mar kale qaadanaya xilli ciyaareed indho qabad leh isagoona saddexley dhaliyey kulankii kooxdiisa Bayern ay 8-0 uga badisay Hamburg isagoona sidaas ku gaadhay goolkiisa 28-aad.

    FBL-GER-BUNDESLIGA-BAYERN-MUNICH-HAMBURG

    Lewa ayaa sidoo kale hiigsanaya in uu jabiyo rikoorkiisii 50-ka gool ee uu xilli ciyaareedkii hore ka dhigtay Bundesliga midaas oo madax weynaha kooxda Bavaria ku khasabtay in uu weeraryahankiisan la barbar dhigo halyey Gerd Muller.

    Ger Muller ayaa ah ninka ugu goolasha badan kooxdan Bayern sidooo kalena ay German-ka keli ah ee dhaliyey in kabadan 350 gool, Lewandowski ayaana midaas farxad ka muujiyay balse sheegay in doonayo in uu qorto taariikhdiisa u gaarka ah.

    Bayern Muenchen II v Fortuna Koeln - 3. Liga Playoff Leg 2

    “Aad ayay u adag tahay in lagula barbar dhigo xiddigo 20 ama 30 sano ka hor ciyaari jiray” ayuu Lewandowski u sheegay weybka kooxda.

    “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helo fursad la iigu mataalo halyeeyadii Bayern Munich iyo weeraryahanadeedii ugu fiicnaa, balse waxaan doonayaa in aan taariikhdayda qorto, isla markaasna aan soo bandhigo wax cusub sameeyana wax aanay cidina hore u samaynin’ ayuu Lewa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay

    Share
    February 28, 2017, 9:27 am
  • Kooxda AC Milan Oo Ay Dhab Ka Tahay Soo Qaadashada Xiddig Uu Dilooday Kursiga Kaydka Kooxda Chelsea.
    Kooxda AC Milan Oo Ay Dhab Ka Tahay Soo Qaadashada Xiddig Uu Dilooday Kursiga Kaydka Kooxda Chelsea.
    Kooxda AC Milan Oo Ay Dhab Ka Tahay Soo Qaadashada Xiddig Uu Dilooday Kursiga Kaydka Kooxda Chelsea.

    Mulkiilayaasha reer China ee kooxda AC Milan ayaa xaagaaga doonaya in ay boodhka ka jafaan kooxdooda isla markaasna ay lasoo wareegaa xiddigo magac iyo xirfadba leh si koxdan ay ugu soo celiyaan booskoodii isla markaana ay uga soo dhex muuqdaan masraxa yurub.

    Sida ay kusoo warramaysa The Telegraph kooxdan ayay dhab ka tahay in ay xagaaga soo qaataan khadka dhexe ee reer Spain Cesc Fabregas kaas oo aan boos jogto ah ka haysa safka macallinka kooxda Chelsea ee Antonio Conte.

    cesca

    Booska joogtada ah ee Cesc Fabreaga ayaa mudo badan oo uu usoo ciyaarayey kooxo badan ahaa mid laba taabtaan ah isagoo sidoo kalena door muhiim ah ka qaatay horyaalkii u danbeeyay ee kooxda Blues ay ku guulaysatay waxaana laga yaaba in kursiga kaydku uusan ahayn mid uu waayo aragani ku qanci karo.

    Si kastaba kooxda AC Milan ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso £27m si ay Catalan-kaan uga furdaamiso kursiga kaydka Chelsea isla markaana ay nafteeda uga faa’idayso khibrada iyo xirfada xiddigaan.

    Fabregas ayaa dhawaan saftay kulankiisii 300-aad ee Premier League isagoona sheegay in 100% uu xagaaga sii joogi doono kooxda Chelsea isla markaana sheegay in uu aad uga yaryahay da’dii uu ugu biiri lahaa horyaalka China.

    Share
    February 28, 2017, 9:26 am
  • WARBIXIN XIISO LEH: 5-tii Xiddig Ee Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigay Todobaadkan Kee Ayaa U Qalma In Loo Magacaabo Xiddiga Todobaadka
    WARBIXIN XIISO LEH: 5-tii Xiddig Ee Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigay Todobaadkan Kee Ayaa U Qalma In Loo Magacaabo Xiddiga Todobaadka
    WARBIXIN XIISO LEH: 5-tii Xiddig Ee Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigay Todobaadkan Kee Ayaa U Qalma In Loo Magacaabo Xiddiga Todobaadka

    Todobaadkan ayaa ahaa mid ay kooxo badan gaareen guulo waaweyn oo wax ku ool ah xilli ay jireen xiddigo kale oo sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuwaas oo kooxooda ka caawiyay in ay gaaraan guulo muhiim ah.

    Weeraryahanka kooxda Man United Zlatan Ibrahimović ayaa lugihiisa ugu qaaday kooxda Man United koobka league kaabka halka uu sidoo kale dhaliyay 3 gool oo Europa league ah.

    Weeraryahanka Sergio Agüero ayaa isna kooxdiisa Man City ka caawiyay in ay 5 gool ka dhaliso kooxda Monaco iyada oo hal lug la soo gashay wareega xiga.

    Weeraryahankan Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern Munich  ka caawiyay in ay 8 gool ku xaaqdo kooxda Hamburger SV kuwaas oo hogaanka u dheeraystay horyaalka

    Hadaba Waxa la soo saaray xiddigaha u sharax xiddigii ugu fiicnaa todobaadkan iyo bartamihii todobaadka kulamadii la ciyaaray xiddigee ayaad isleedahay wuu u qalmaa in loo magacaabo xiddiga todobaadka.

    Share
    February 27, 2017, 5:52 pm
  • Héctor Bellerín u Oo Iska Diiday Barcelona Balse Koox Kale Ingiriiska Ah Ayuu Doonayaa In Uu Ku Biiro.
    Héctor Bellerín u Oo Iska Diiday Barcelona Balse Koox Kale Ingiriiska Ah Ayuu Doonayaa In Uu Ku Biiro.
    Héctor Bellerín u Oo Iska Diiday Barcelona Balse Koox Kale Ingiriiska Ah Ayuu Doonayaa In Uu Ku Biiro.

    Saxaafadda Spain ayaa sheegeysa in xiddiga Arsenal ee ay baacsaneyso Barcelona ee Héctor Bellerín uu gaashaanka u daruuray in uu dib ugu laabto qalcadda Camp Nou

    Wargeyska AS ayaa sheegayaa in laacibkaas ka soo baxay akdeemiyadda Barcelona uu dalabayo ka helayay muddooyinkaan kooxdiisa hore ee Barca .

    Wargeyakas ayaa ilo wareedyo ay ka soo xigteen Ingiriiska ku sheegay in laacibka uu door bidayo in uu u wareego kooxda Man City

    Wargeyska AS ayaa sheegaya in Héctor Bellerín uu doonayo in uu la shaqeeyo macalinkii hore Barcelona ee Pep oo uu si wacan u yaqaan isla markaana uu ka helo falsafaddiisa tababaranimo .
    Héctor Bellerín ayaa la xusayaa in uu go`aansaday in xagaagaan uu ka huleeo koxodaas Arsenal inkastoo uu dhawaan saxiixay hishiis cusub waxa ayna kaga dhagan tahay kooxda Man City oo dhankooda doonaya saxiixiisa

    Share
    February 27, 2017, 5:50 pm
  • Sidee Wax U Jiraan Saaxiibkii Muu Ka Dhex Bilaabay:Andrés Iniesta Oo Ku Dhaga Hadlay Gerard Piqué
    Sidee Wax U Jiraan Saaxiibkii Muu Ka Dhex Bilaabay:Andrés Iniesta Oo Ku Dhaga Hadlay Gerard Piqué
    Sidee Wax U Jiraan Saaxiibkii Muu Ka Dhex Bilaabay:Andrés Iniesta Oo Ku Dhaga Hadlay Gerard Piqué

    Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ahna kabtanka kooxdaasi ee Andrés Iniesta ayaa ku dhaga hadlay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Gerard Piqué.

    Gerard Piqué ayaa bogiisa twitter-ka soo dhigay hadal uu ku dhaleecaynayo garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii Real Madrid iyo Villarreal ee xalay ay guushu ku raacday Real Madrid.

    Laakiin xiddiga khabiirka ah ee reer Spain ayaa sheegay in uu isagu ka duwan yahay dadka kale ee ka hadla garoosaraha iyo khaladaadkiisa.

    Xiddigan oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Anigu waan ixtiraamaa hadalada ay xiddigaha kale yiraahdaan laakiin anigu ma jecli in aan ka hadlo go,aamada garsoorayaasha”

    “Kaliya anigu waxan awooda saaraa oo aan jecelhay in aan ka hadlo marka garoonka dhexdiisa lagu jiro waxanan markaas ka hadlaa lugaha kaliya”

    Share
    February 27, 2017, 5:46 pm
  • Sababatii Indho Indheeyaal Arsenal Ah U Soo Daawadeen Kulankii AC Milan Iyo Sassuolo Oo La Ogaaday
    Sababatii Indho Indheeyaal Arsenal Ah U Soo Daawadeen Kulankii AC Milan Iyo Sassuolo Oo La Ogaaday
    Sababatii Indho Indheeyaal Arsenal Ah U Soo Daawadeen Kulankii AC Milan Iyo Sassuolo Oo La Ogaaday

    Saxaafadda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in indho indheeyaal ka socday kooxda Arsenal ay daawadeen kulankii sabtidii ee Ac Milan la soo ciyaareen kooxda Sassuolo ee horyaalka Italy

    Tutto Sport oo Italy ah ayaa laga soo xigtay in saraakiishaas Arsenal ay u tageen kulankaas in ay soo dawaadaan qadka dhexe AC Milan ee Manuel Locatelli kaasi oo ay xiiseynayaan

     

    Balse laacibkaas keydka ayuu fadhiyay xitaa hal daqiiqo lagama ciyaarsiin kulankaas

    Laacibkaas 19 sano jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha Italy u soo baxaya waxa uuna kooxda door weyn u ciyaary ka dib dhaawacii kabtan Montolivo balse kulamadii ugu dambeeyay keydka ayuu ku jiray

    Arsenal ayaa qorsheyneysa in ay dalab rasmi ka geeyaan da`yarkaas lamana helin qiimaha ay ku doonayaan

    Waxaa xusid mudan in Arsenal ay laacibkaas dooneysay illaa xagaagii hore balse weli dalab rasmi ah ma aysan geyn

    Share
    February 27, 2017, 5:45 pm
  • UN Again Set To Vote On Ending Israeli Settlements
    UN Again Set To Vote On Ending Israeli Settlements
    UN Again Set To Vote On Ending Israeli Settlements

    The UN Security Council will vote on Friday on a resolution demanding

    an end to Israeli settlements, a day after Egypt withdrew the measure under pressure from Israel and US president-elect Donald Trump.

     

    New Zealand, Malaysia, Venezuela and Senegal, who were co-sponsors of the draft resolution, have requested the vote, which diplomats said was to take place at 1900GMT.

     

    The 15-member council had been due to vote on Thursday and western officials said the United States would allow the draft resolution to be adopted, which would be a major reversal of US practice of protecting Israel from action.

    Share
    February 20, 2017, 1:56 pm