Sanaagmedia
News
  • DAAWO-MAXKAMADA SII DAYSAY MAXAMED BAASHE +XUKUMADA IS HORTAAGTAY+SOLJA CANBARAYSAY
    DAAWO-MAXKAMADA SII DAYSAY MAXAMED BAASHE +XUKUMADA IS HORTAAGTAY+SOLJA CANBARAYSAY
    DAAWO-MAXKAMADA SII DAYSAY MAXAMED BAASHE +XUKUMADA IS HORTAAGTAY+SOLJA CANBARAYSAY

    DAAWO-MAXKAMADA SII DAYSAY MAXAMED BAASHE +XUKUMADA IS HORTAAGTAY+SOLJA CANBARAYSAY

    Share
    February 25, 2017, 4:11 pm
  • Dibadbaxyada K/Afrika ee ka dhanka ah soo galootiga
    Dibadbaxyada K/Afrika ee ka dhanka ah soo galootiga
    Dibadbaxyada K/Afrika ee ka dhanka ah soo galootiga

    Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa adeegsaday xabado caag ah, gaas iyo biyo si ay u kala ceyriyaan dhallinyaro diidan soo galootiga oo isugu soo baxay magaalada Pretoria.

    Diyaarad boolis oo joog-hoose ku duuleya ayaa sidoo kale gaas ku furay dibadbaxayaasha.

    Labada koox ee isu soo baxay oo oo kala ahaa ajaaniibta iyo muwaadiniinta Koonfur Afrika waxay wateen budad, dhagxaan iyo baangado.

    Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan.

    Image captionAjaaniibta ku sugan Koonfur Afrika ayaa dhankooda banaanbaxay

    Dad badan oo shaqo la’aan ah oo u dhashay South Afrika waxay ajaaniibta ku eedeynayaan in shaqadii oo dhan ay qaateen.

    Madaxweyne Zuma wuxuu cambaareeyay ficillada rabshadaha ah iyo kicinta ka dhanka ah dadka Afrikaanka ah ee ka shaqeysta dalkaasi.

    Horraantii isbuucan, dad careysan ayaa waxay weerareen ganacsato Nigerian ah, waxaana la boobay tukaamo ay Soomaali lahaayeen.

    Dadka kale ee Soo galootiga ah sida Pakistan kuwa ka soo jeedo ayaa sidoo kale lagu boobay qeybo ka mid ah Pretoria iyo Johannesburg.

    Image captionDibadbaxayaasha ayaa waxay wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyeen waxa ay ka cabanayaan
    Image captionNin Somali ah oo dhagxaan sita si uu isaga difaaco dibadbaxayaasha

    Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha diidan ajaaniibta waxay wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyeen cabasho.

    Cabashada wasaaradda loo gudbiyay waxaa ka mid ah eedo loo jeedinayo dadka ka soo jeedo Zimbabwe.

    Waxaa lagu eedeeyay inay baabi’inayaan meelaha dad weynaha isugu yimaadaan.

    Waxay sidoo kale ka cabanayaan in soo galootiga ay yihiin “doqomo aan garaneyn sida loo hadlo, gaaar ahaan Nigerian-ka”.

    Image captionIsbuucii aanu soo dhaafnay, dad Nigeria u dhashay ayaa lagu weeraray Pretoria

    Balse, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma wuxuu sheegay in dad badan oo soo galooti ah ay u hogaansameen sharciga, gacanna ay ka geysteen koboca dhaqaalaha dalkaasi.

    Wuxuu wacad ku maray inuu keeni doono tallaabo lagula dagaallamayo dembiyada si loo helo bulshooyiin nabad kuwada nool.Dad badan oo reer Koonfur Afrika ah ayaa ku dibadbaxay Pretoria.

    Image captionQaar ka mid ah dibadbaxayaasha magaalada ayay ku wareegayaan, waxayna raadinayaan ajaaniib

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa Khamiistii sheegtay inay billaabeyso baaritaan ay ku raaadineyso soo galootiga sharcidarada ah.

    Waxay dowladda sheegtay in xarumaha ganacsiga laga raadin doono dad aan sharci haysan oo ku sugan dalkaasi.

    Wasiirka arrimaha gudah ee Koonfur Afrika, Malusi Gigaba, ayaa ku dhawaaqay tallaabadaas lagu baacsanayo soo galootiga aan sharciga haysan.

    Image captionBooliska Pretoria waxay xireen in ka badan 100 qof

    Wuxuu sheegay in illaa iyo hadda la xiray 60 qof oo ka shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Spar oo “sharci la’aan aha

    Mr Gigaba wuxuu ugu digay shirkadaha in la ganaaxi doono haddii ay sharciga ku xadgudbaan.

    Wuxuu shidoo kale u sheegay shirkadaha in aysan isku dirin ajaaniibta iyo muwaadiniinta shaqo la’aanta ah.

    Wuxuu intaa raaciyay in 33,339 qof laga musaafuriyay Koonfur Afrika sanadahii 2015-2016-kii”.

    Share
    February 24, 2017, 5:38 pm
  • Qarax 41 qof ku dilay’ meel ku dhow Al-Bab, Suuriya
    Qarax 41 qof ku dilay’ meel ku dhow Al-Bab, Suuriya
    Qarax 41 qof ku dilay’ meel ku dhow Al-Bab, Suuriya
    Mucaaradka uu Turkiga taageerayo ayaa bartamaha Al-Baba la wareegay khamiistii Gaari wax-yaabo qarxa lagu xiray oo ku qarxay deegaan ku dhow Al-Bab ayaa waxaa ku dhintay 41 qof, sida ay sheegayaan kooxaha kor kala socda xaaladda Suuriya.

    Qaraxa wuxuu burburiyay xarun ay degan yihiin mucaaradka, sida kooxda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ay sheegtay.

    Tuulada oo 8km dhanka galbeed kaga beegan Al-Bab waxaa dhowaan laga qabsaday ururka la baxay Khilaafada Islaamka.Mucaaradka uu Turkiga taageerayo ayaa bartamaha Al-Baba la wareegay khamiistii

    Turkiga wuxuu sheegay in mucaaradka ay ku dhow yihiin inay wada qabsadaan magaalada Al-Bab oo dhan.

    Mucaaradka ayaa hadda sheegay inay sifeynayaan magaalada oo dhanLahaanshaha sawirkaAFP
    Image captionMucaaradka ayaa hadda sheegay inay sifeynayaan magaalada oo dhan

    Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah 35 qof oo shacab ah iyo lix mucaaradka ka mid ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Reuters oo soo xigatay dad ku sugan deegaanka ayaa sheegtay in weerarka lala damacsanaa saldhigga mucaaradka ee halkaasi ku yaalla.

    Dadka rayidka ah ee dhintay waxay ahaayeen kuwa saldhigga u tagay inay helaan ogolaansho ay ugu laabtaan magaalada Al-Bab.

    Wakaalad warar oo mucaaradku leeyihiin ayaa sidaas ku warrantay.

    Dagaalyahannada FSA waxay sheegeen in magaalada oo dhan ay miineysan tahayLahaanshaha sawirkaAFP
    Image captionDagaalyahannada FSA waxay sheegeen in magaalada oo dhan ay miineysan tahay

    Al-Bab oo ku taalla dhanka Woqooyi-Bari ee Xalab waxaa gudaheeda ku nool 100 kun oo qof, tuulooyiinka ku hareereysanna waxaa ku nool 50 kun oo qof.

    Magaalada waxay mucaaradka qabsadeen sanadkii 2012-kii, Daacish ayey gacanta u gashay 2014-kii ka dibna waxay noqotay hoyga jihaaddoonayaasha ajaaniibta ah.

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sanadkii tagay sheegay in qabsashada Al-Bab ay muhiim u tahay in daacish laga saaro magaalada Raqa oo loo arko inay tahay xaruntooda Suuriya.

    Share
    February 24, 2017, 12:30 pm
  • Kooxda Daacish oo dagaal looga saaray garoonka dayuuradaha magaalada Mosul (Daawo Sawirro)
    Kooxda Daacish oo dagaal looga saaray garoonka dayuuradaha magaalada Mosul (Daawo Sawirro)
    Kooxda Daacish oo dagaal looga saaray garoonka dayuuradaha magaalada Mosul (Daawo Sawirro)

    Milateriga Ciraaq ayaa dib u qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Mosul ka dib dagaal culus oo halkaas ka socday shalay illaa xalay.

    Kooxda Daacish oo garoonkaas gacanta ku hayay ayaa hadda u guratay dhanka galbeedka magaalada.
    Dagaalka lagu qabsaday ayaa qaatay saacado fara badan ayaa kooxda Daacish waxay weli madaafiic ku rideysaa garoonka.

    Xoogaga kooxda ayaa isugu tagay xero military oo ku dhow garoonka diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ciraaq.

    Bariga magaalada Mosul waxaa daacish laga qabsaday bishii aanu soo dhaafnay ka dib dagaalo socday dhowr bilood oo khasaare fara badan dhaliyey.

    Run-weyga garoonka ee dayuuraduhu ay soo caga dhigtaan ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, balse wararka ayaa sheegayaa in weli diyaarado ay ku degi karaan.

    Goobta uu garoonka ku yaallo waxay isku xirtaa koonfurta iyo galbeedka Mosul, sida weriyaha uu sheegayo.

    Kumannaan ka mid ah ciidamada dowladda Ciraaq oo garab ka helaya diyaarado ayaa weli doonaya in daacish ay ka sifeeyaan galbeedka Mosul.

    Qeybaha daacish ay maamulaan waxaa horey loogu daadiyay warqado digniin ah oo ku saabsan howlgalka. Dadka waxaa looga digay inay jidadka isugu soo baxaan.

    Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa in ay suuragal tahay in magaalada ay ku go’doonsan yihiin qiyaastii 650 kun oo qof.

    Inkastoo Galbeedka Mosul ay ka yar-tahay dhanka Bariga, hadana waxaa loo arkaa meel dhib badan oo ay ku taallo degmo si weyn looga taageero daacish.






    Share
    February 24, 2017, 9:51 am
  • TOPNEWS:Xisbiga WADDANI Oo 36 Jir U Magacaabay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxweynaha
    TOPNEWS:Xisbiga WADDANI Oo 36 Jir U Magacaabay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxweynaha
    TOPNEWS:Xisbiga WADDANI Oo 36 Jir U Magacaabay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxweynaha

    Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa 36-jir reer Gebilay ah u magacaabay Madaxa Ololaha heer qaran ee Xisbiga doorashada madaxtooyada Somaliland ee bisha October ee sannadkani la filayo inay dalka ka qabsoonto.

    Sida ku cad warqad uu ku saxeexan yahay Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa loo magacaabay inuu noqdo Madaxa Ololaha ee xisbiga Mudane Xamse Khayrre oo ka mid ah dhallinyarada ugu firfircoon xagga siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.

    Md. Khayrre ayaa ka mid ahaa U-doodayaasha fagaare siyaasadeed oo u furan qaybaha bulshada, isaga oo sidoo kale na kaalin cuddoon ka qaatay hirgalinta olole ay dhallinyarada reer Somaliland ku rabeen inay kaga qayb-galaan golayaasha deegaanka JSL oo SONYO hormuud ka ahayd. Guushii ololahii xeer lambar 20 ee furista dabarka sharci ayaa ah ta keentay in la helo goleyaal deegaan oo dhallinyaradu aqlabiyad ka tahay.

    Inkasta oo uu Xamse yahay nin marka aad aragto aad u laf weyn, haddana waxa uu dhashay sannadkii 1981-kii, isla markaana waxa uu bartay ganacsiga iyo dhaqaalaha.

    Xamse inkasta oo uu siyaasadda ku cusub yahay, haddana maamulka kuma cusba, balse waxa uu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda Somaliland, Ganacsiga gaarka ah, iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee wadanka ka hawlgala.
    Hase yeeshee, sida uu Xamse sheegay hammigiisa waxa ku jira inuu hoggaaminta Somaliland ka qayb qaato. “Waxaan doonayaa kow, in asalka siyaasadda dib aan u qeexo. Dadkeennu siyaasadda waxay u qaateen inay tahay “BEEN”. Horta waxaan doonayaa in siyaasaddu tahay “RUN” iyo “Samatalisnimo” tahay muujiyo. Waxaan kale oo doonayaa in siyaasadda Somaliland ee hal-abuur la’aantu daashatay, ku soo kordhiyo aragtiyo horu-socodnimo iyo isbeddel togan keena ku biirsado. Waxaan doonayaa in aanan uga sii darin ee ugu soo daro dheeraad wixii halgamayaashii hore soo kordhiyeen ee wanaag ahaa” ayuu yidhi Xamse oo ka warramayay sababta ku kelliftay siyaasadda.

    Xamse waxa uu Xisbi siyaasaddeed si rasmi xubin uga noqday sannadkii 2012-kii doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxaanu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii Ummadda la odhan jirey ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdi Gabboose. “Arrimaha axsaabta waxaan soo galay sannadkii 2012, waxaanan ka mid noqday aasaasayaashii Ururkii Ummadda. Magaca Ummadda ee xisbiga wuxuu ahaa mid Alle i waafajiyay, Mabda’a xisbigana dajintiisii qayb baan ka ahaa” ayuu yidhi Xamse.

    Share
    February 24, 2017, 9:25 am
  • Daawo. Madaxweyne farmaajo oo Boqortooyada Sucuudigu Soo Dhoweysay iyo Qodobo Ay Isla Qaateen
    Daawo. Madaxweyne farmaajo oo Boqortooyada Sucuudigu Soo Dhoweysay iyo Qodobo Ay Isla Qaateen
    Daawo. Madaxweyne farmaajo oo Boqortooyada Sucuudigu Soo Dhoweysay iyo Qodobo Ay Isla Qaateen

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

    Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday markii ay ka degeen magaalada Riyaad waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Riyad Boqor Feysal bin Bandar bin Cabdulaziz iyo Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban oo ah Wasiiru dowlaha Boqortooyada Sacuudiga.

    Sidoo kale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

     

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah dalka oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

    2 16864681_1492289357461513_6484940473096367337_n

    Share
    February 23, 2017, 6:34 pm
  • Dawlada Itoobiya Oo Deeq Raashin Ah Ku Caawisay Somaliland + [Muuqaal]
    Dawlada Itoobiya Oo Deeq Raashin Ah Ku Caawisay Somaliland + [Muuqaal]
    Dawlada Itoobiya Oo Deeq Raashin Ah Ku Caawisay Somaliland + [Muuqaal]

    Dawlada Itoobiya ayaa waxaa ay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee reer Somaliland ku caawisay deeq rashin oo loogu talo galay isla markaana ka kooban 18 gaadhi oo raashin ah

     

    Halan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

    Share
    February 23, 2017, 6:05 pm
  • Deg Deg :- Qurbo Jooga Reer Somaliland Ee Dalka UK Oo Mudaharaad Dhigi Doona , Goobta Ay Ka Dhigi Doonan Iyo Sababta Ay Mudaharaadka U Sameyn Doonan .
    Deg Deg :- Qurbo Jooga Reer Somaliland Ee Dalka UK Oo Mudaharaad Dhigi Doona , Goobta Ay Ka Dhigi Doonan Iyo Sababta Ay Mudaharaadka U Sameyn Doonan .
    Deg Deg :- Qurbo Jooga Reer Somaliland Ee Dalka UK Oo Mudaharaad Dhigi Doona , Goobta Ay Ka Dhigi Doonan Iyo Sababta Ay Mudaharaadka U Sameyn Doonan .

    Wararka naga soo gaadhay caasimada dalka UK ee London waxaa ay sheegayan in

    qurbo jooga reer Somaliland ee halkaasi ku sugani ay dhigi doonan mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan saldhiga Military ee dawlada imaraadka laga siiyey magaalada Berbera

    Image may contain: text

     

    Waxaana sida lanoo sheegay uu mudaharaadkani dhici doona bisha March ama Saddexaad ee soo socota , waxaana ay mudaharaadayaashu ay fasax ama ogolaansho ka soo qaaten ciidan Booliska dalkaasi

     

    Sidoo mudaharaadkan ayaa goobta lagu dhigaayo waxaa lagu sheegay in ay noqon doonto safaarada uu dalka Imaraadku ku leeyahay magaalada London ee dalka UK , waxaana uu madaharaadkani uu imanayaa wakhti uu magaaladaasi ku sugan yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo

    Share
    February 23, 2017, 6:02 pm
  • Daawo. Gudoomiyaha Garabka Asalka Kulmiye Oo ka Shiftay Cidii Afduubatay Sheegtayna In Ay Kulmiye Kamid Tahay
    Daawo. Gudoomiyaha Garabka Asalka Kulmiye Oo ka Shiftay Cidii Afduubatay Sheegtayna In Ay Kulmiye Kamid Tahay
    Daawo. Gudoomiyaha Garabka Asalka Kulmiye Oo ka Shiftay Cidii Afduubatay Sheegtayna In Ay Kulmiye Kamid Tahay

    Daawo. Gudoomiyaha Garabka Asalka Kulmiye Oo ka Shiftay Cidii Afduubatay Sheegtayna In Ay Kulmiye Kamid Tahay

    Share
    February 23, 2017, 11:13 am
  • Wasiiru Dowlaha Ganacsiga Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu ka Baxay Alleh Ha U Naxariistee Marxuum Mustafe Boqor Axmed
    Wasiiru Dowlaha Ganacsiga Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu ka Baxay Alleh Ha U Naxariistee Marxuum Mustafe Boqor Axmed
    Wasiiru Dowlaha Ganacsiga Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu ka Baxay Alleh Ha U Naxariistee Marxuum Mustafe Boqor Axmed

    Inaalilaa wa inaa ilaayhi raajicuun Waxaan Tacsi tiiraanyo le u dirayaa REER BOQOR AXMED CALI DUCAALE Geerida ku Timi Mustafe Boqor Axmed Cali Ducaale (MADAX) Oo ku Geeriyooday mglda ceergaabo dhamaanteen Rabi samir iyo Iimaan ha inaga siiyo Qoyskii Qaraabadii Asxaabtii iyo Ehelkii Aamiin Aamiin

    Share
    February 23, 2017, 10:54 am