Sanaagmedia
News
  • Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen
    Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen
    Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen

    Laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku kala calaf qaadeen dagaal gacan ka hadal ah iyaga oo ku sugan xarunta baarlamaanka Somaliland

     

    Labadan wasiir ayaa sida ay dad goob joog ah ay shabakada Ilaysnews.com u sheegen ayaa kala ah wasiir wasaarada macanta iyo tamarta Xussen Cabdi Ducaale iyo wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Mareexan

     

    Waxaana ay labadan wasiir isku gacan saareen xarunta golaha guurtida Somaliland iyaga oo ku sugan ka dib kulan ay la yeesheen gudoomiyaha golahaas Saleeban Maxamuud Aadan

    Sababta Kaliftey in labada wasiir dagaal gacanta ah ku kala calaf qaadan ayaa waxaa ay goob joogayaashu u sheegen Ilaysnews.com in ay tahay markii ay ku kala aragti duwaneed codsi ay u gudbiyeen gudoomiyaha golahaas oo ku saabsana muddo kordhinta xukuumada loo kordhinaayo inta ay noqon doonta

    Mid ka mid ah wasiiradaasi ayaa waxaa uu gudoomiye Saleeban Ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo muddo 2 (laba) sanadood ah

    Wasiirka kale ayaa waxaa uu isana gudoomiyaha ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo oo lagu daro mudadii lagu heshiiiyey muddo 6 bilood oo kale ah

    Balse waxaan si cad loo ogeyn labdaasi dalab in uu gudoomiye Saleeban ku gacan seydhay iyo waxaa uu kaga fal celiyey waxaana bulshada Somaliland ay u dhegtaageysaa go,aanka ay golaha guurtidu maalmaha soo socda ka gaadhan muddo kordhin mar labaad loo sameynaayo xukuumada madaxweyne Siilanyo

    Share
    February 26, 2017, 12:28 pm
  • Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago
    Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago
    Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago

    Cabdulqaadir Axmed Xarrago oo ka mid ah nabadoonnada gobolka Bari ee Puntland ayaa warar goor dhowayd nasoo gaadhay ay sheegayaan inay qabteen ciidamada amniga ee Puntland.

    Ilo dhinaca amniga ah oo codsaday in magacooda aan la sheegin, ayaa VOA u sheegay in nabaddoonka la xirey. Illaa iyo hadda ma cadda halka lagu xiray nabadoonka.

    Maamulka Puntland kama aysan hadlin hadallada nabadoonnka iyo xariggiisana dambe midna.

    Share
    February 26, 2017, 12:05 pm
  • Daawo Muuqaalka: Gudoomiyaha Cusub Ee Wasarada Waxbrashada G.Sanaag Loo Soo Magacaabay Oo Xilkii kala Wareegay Gudoomiye Ku Xigeenka Wasaaradaasi
    Daawo Muuqaalka: Gudoomiyaha Cusub Ee Wasarada Waxbrashada G.Sanaag Loo Soo Magacaabay Oo Xilkii kala Wareegay Gudoomiye Ku Xigeenka Wasaaradaasi
    Daawo Muuqaalka: Gudoomiyaha Cusub Ee Wasarada Waxbrashada G.Sanaag Loo Soo Magacaabay Oo Xilkii kala Wareegay Gudoomiye Ku Xigeenka Wasaaradaasi

    Daawo Gudoomiyaha Cusub Ee Wasarada Waxbrashada G.Sanaag Loo Soo Magacaabay Oo Xilkii kala Wareegay Gudoomiye Ku Xigeenka Wasaaradaasi

    Share
    February 26, 2017, 12:04 pm
  • Deg-Deg: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo Iscasilay
    Deg-Deg: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo Iscasilay
    Deg-Deg: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo Iscasilay

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.

    Dhawaan ayaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed in kastoo uu diiday xil ka qaadista.

     

    Share
    February 26, 2017, 12:01 pm
  • Hogaamiyaha Daalibaan oo shacabka iyo ciidankiisaba faray inay dalka dhir ku beeraan
    Hogaamiyaha Daalibaan oo shacabka iyo ciidankiisaba faray inay dalka dhir ku beeraan
    Hogaamiyaha Daalibaan oo shacabka iyo ciidankiisaba faray inay dalka dhir ku beeraan

    Hogaamiyaha Daaliban-ka Afghanistan, Hibatullah Akhundzada, ayaa ku tirtirsiyey dadka Afghanistan in ay dhir badan beeraan.

    Warbixin uu soo saaray ayaa ugu baaqday rayidka iyo dagaalyannada kooxdiisaba in ay “beeraan dhirta midhaha leh iyo ta kaleba si dhulka loo qurxiyo oo abuurta Alle na u quudato”.

    Afghanistan waxa ka jira dhibaato badan oo xaalufin ah taas oo ka dhalatay xaabaysiga ay dadku shitaan dhirta xiliga qaboobaha iyo iib geynta looxa sharci darrada ah.

    Warbixinaha noocan ah ee ay kaga hadlayaan ilaalinta deegaanka ayaa ah mid naadir ah oo aan looga baran Daaliban.

    Akhundzada oo noqday hogaamiyaha Daaliban bishii May ee sannadkii hore ayaa ah nin sumcad fiican oo diimeed ah leh oo ay dadku u tixgelinaan hogaamiye diimeed balse aanay u arkin inuu yahay hogaamiye milatari.Dagaalyahannada Taliban ayaa la faray in ay dhir beeraan.

    “Fariintan gaarka ah” ah ee lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee Daaliban, ayaa ahayd mid si aad ah uga duwan hadalkii kululaa ee kooxdu had iyo goor ku dhaliisho dawlada Afghanistan iyo isbahaysiga gaashaanbuurta NATO ee taageera xukuumaddaa

    Share
    February 26, 2017, 11:52 am
  • Daawo Muuqaal Xili Abaarta Ka Jirta  Gobolka sanaag Ka Drayso Ayaa Degaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag  Haayada ARC Gaadhsiisay Deeq Raashina
    Daawo Muuqaal Xili Abaarta Ka Jirta Gobolka sanaag Ka Drayso Ayaa Degaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Haayada ARC Gaadhsiisay Deeq Raashina
    Daawo Muuqaal Xili Abaarta Ka Jirta  Gobolka sanaag Ka Drayso Ayaa Degaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag  Haayada ARC Gaadhsiisay Deeq Raashina

    Daawo Muuqaal Xili Abaarta Ka Jirta  Gobolka sanaag Ka Drayso Ayaa Degaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag  Haayada ARC Gaadhsiisay Deeq Raashina

    Share
    February 26, 2017, 10:59 am
  • Xukuumada Somaliland Oo Dib Xoriyadiisii Ugu Soo Celisay Agaasime Maxamed Baashe Xaaji Xassan
    Xukuumada Somaliland Oo Dib Xoriyadiisii Ugu Soo Celisay Agaasime Maxamed Baashe Xaaji Xassan
    Xukuumada Somaliland Oo Dib Xoriyadiisii Ugu Soo Celisay Agaasime Maxamed Baashe Xaaji Xassan

    Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay caawa fiidkii dib xoriyadiisii ugu soo celisay agaasimihii telefishanka Star Tv Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xassan .

    Qoraa Maxamed Baashe ayaa maalmihii ugu danbeeyey xidhnaa ka dib markii lagu soo eedeyey in uu waday arimo lidi ku ah amniga Somaliland oo ku saabsanaa saldhiga Berbera laga siiyey dawlada Imaaradka oo uu diidaana.

     

    Maxkamada gobalka iyo maxkamada racfaankaImage may contain: 1 person gobalka Maroodi-Jeex ayaa maanta soo saarey amar damiin ah oo lagu sii deynaayo qoraa Maxamed Baashe

    Share
    February 25, 2017, 6:26 pm
  • Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Gacan Seydhay Dalab Uu U Fidiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Ujeedka Uu Ka Lahaa Dalabkaas
    Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Gacan Seydhay Dalab Uu U Fidiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Ujeedka Uu Ka Lahaa Dalabkaas
    Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Gacan Seydhay Dalab Uu U Fidiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Ujeedka Uu Ka Lahaa Dalabkaas

    Madaxweynaha dawladda Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku gacan-seydhay dalab uga yimi wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi oo ujeedkiisu daarnaa siddii ay wada-hadal uga sameyn lahaayeen arrinta saldhiga Milatari ee Imaaraadku ka sameysanaayo magaalada Berbera oo la sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan madaxda dawladda dalkaas Somaliya.

    Image may contain: 2 people, people standing

     

    Ma jiraan warar ka soo baxay dhanka wasiirka Madaxtooyada Somaliland, balse sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaas Somaliya oo socdaal ku joogay dalka Sucuudiga uu ku gacan-seydhay kulan uu ka soo dalbaday wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo isna markaa ku sugnaa magaalada Dubai , balse markii uu madaxweyne Farmaajo ka gows adeygay kulankaasi, ayaa uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland na uu si deg-dag ah ugu dhoofay Sucuudiga si uu halkaas ugu qabto isla mar ahaantaana uu kulan aan qorsheysneyn oo doc ka weerar ah kula kulmo Madaxweynaha dalkaasi Somaliya, haseyeeshee waxa ay wararku sheegeen in aanu kulankaasi ka suurto-gelin dhanka Madaxweynaha Somaliya.

     

    Dalabka Maxamuud Xaashi ee la kulanka Madaxweyne Farmaajo, ayey wararku sheegayaan in uu daarnaa siddii uu wada xaajoog uga la sameyn lahaa arrinta saldhiga Imaaraadka ee Berbera oo la sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan iyo weli ba sida oo kale siddii heshiis qarsoodi ah oo khuseeya dhanka saldhiga uu uga la hadli lahaa Madaxweyne Farmaajo.

    Maxamuud Xaashi iyo wasiiro uu hoggaaminaayey oo ku sugnaa Dubai , ayaa hada uu Maxamuud Xaashi ku sugan yahay boqortooyada Sucuudiga isaga oo diyaarad deg-dag ah u raacay dalkaasi si uu halkaas ugu la kulmo Madaxweyne Farmaajo balse aanay u suurto-gelin.

    Dhinca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ka soo anba baxay dalka Sucuudiga isla markaana galabta ka soo degay garoonka diyaaraa ee magaalada Moqdisho

    Share
    February 25, 2017, 6:22 pm
  • Qaraxyo ka dhacay magaalada Xums oo lagu dilay taliyihii sirdoonka milatariga Suuriya
    Qaraxyo ka dhacay magaalada Xums oo lagu dilay taliyihii sirdoonka milatariga Suuriya
    Qaraxyo ka dhacay magaalada Xums oo lagu dilay taliyihii sirdoonka milatariga Suuriya

    Sida ay sheegeen maamulka magaalada Xums, 32 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo miidaame ah oo lala beegsaday laba xarumood oo ciidamada nabad gelyadu ku leeyihiin magaalada Xums ee dalka Suuriya.

    Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale.

    Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka milatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul, isna lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidame ahaa.Sawirrada ay baahisay wakaaladda wararka ee SANA

    Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada.

    Ciidamada dawladda Suuriya ayaa gacanta ku hayey magaalada Xums ilaa bishii Diisembar ee 2015-kii oo ay la wareegeen markii ay ka baxeen dableydii mucaaradka ahayd ka dib markii heshiis xabad joogin ah la gaadhay.

    Weerarkan haatan dhacay wuxu ku soo beegmay iyadoo ay ka socdaan magaalada Geneva wada hadallo la doonayo in lagu gaadho xal nabadeed oo lagu soo af jaro xiisadda ka taagan Suuriya.

    Share
    February 25, 2017, 6:16 pm
  • Daawo:Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay Degaanka Arabsiyo
    Daawo:Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay Degaanka Arabsiyo
    Daawo:Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay Degaanka Arabsiyo
    Daawo:Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay Degaanka Arabsiyo
    Share
    February 25, 2017, 6:15 pm