Sanaagmedia
News
  • Musharraxa KULMIYE oo 60,000$ ugu Deeqay Dhismaha Dugsiga Sare ee SULDAAN MAXAMED
    Musharraxa KULMIYE oo 60,000$ ugu Deeqay Dhismaha Dugsiga Sare ee SULDAAN MAXAMED
    Musharraxa KULMIYE oo 60,000$ ugu Deeqay Dhismaha Dugsiga Sare ee SULDAAN MAXAMED

     

    Hargeysa,, (SM)  Guddoomiyaha/Musharraxa Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray afar fasal oo lagu kordhiyay dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee magaalada Hargeysa.

    Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay xadhig-ka-jarka afar-tan fasal ayaa waxa sidoo kale lagu dhagax dhigay dhismaha xeyndaabka (deyrka) dugsiga sare ee Suldaan Maxamed, kaas oo uu kharashka ku baxaya oo dhan 60,000$ (iyo qalabaynta 4 fasal) ku deeqay Guddoomiyaha/Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi.

    Ugu horrayn waxa munaasibaddan ka hadlay Maamulaha/Aasaasaha Dugsiga sare ee Suldaan Maxamed, ahna afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, isaga oo ku dheeraaday maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigu iyo duruufaha uu wakhtigan ku sugan yahay.

    “Hindisaha aasaaska dugsigani waxa uu bilowday afar sanno ka hor, mar buu fikir qudh ah ku koobnaa, waxa Ilaahay mahaddii ah inaynnu maanta halkan joogno innaga oo u xafladaynayna dugsi toddoba fasal ah oo aynnu afar fasal oo ka mid ah maanta xadhigga ka jaraynno”.

    Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan waxa uu u mahadceliyay Ganacsade Idiris Cumar Cunaaye “Idiris Anchor” oo isagu bixiyay dhaqaalaha lagu dhisay afarta fasal ee xadhigga laga jarayay, waxaanu sheegay in deeqdiisu tahay mid taariikhi ah.

    “Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo runtii ku deeqay dhismaha deyrka dugsiga oo ay ku baxayso lacag ka badan 60,000$ isla markaana maanta halkan aannu ku dhagax dhigaynno. Muuse Biixi waxa uu sidoo kale ku deeqay qalabaynta afarta fasal ee aynnu hadda xadhigga ka jaraynno oo si casri ah loo qalabayn doono” ayuu yidhi, isaga oo intaa raaciyay: “Inshaa Allaah Muuse Biixi waa Madaxweynaha Somaliland ee Siilaanyo ku xigi doona.”

    Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca waxbarashada.

    “Idinku waxaydun joogtaan Hargeysa oo intaas oo dugsi-sare leh, oo intaas Jaamacadood leh, annaga wakhtigayagii xataa dugsi qudh ah oo Secondary ah Hargeysi ma lahayn oo magaalooyin kale ayaannu dugsiga sare ka galnay,” ayuu yidhi Md. Biixi.

    “Runtii may ahayn in dhisme deyr iyo qalabayn afar fasal intaas oo dhan la iiga mahadnaqo. Wax intaa ka weyn baa nalaga filayay oo da’dayda xil weyn baa nagu baaqday. May ahayn inay maanta hay’ado ajenabi ah dugsiyada carruurteenna inoo dhisaan. Waxay ahayd inaynnu innagu dhisanno” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Muuse Biixi Cabdi.

    Waxa kale oo iyaduna munaasibaddan hadal ka jeedisay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland/Somalia Ambassador Veronique Lorenzo, iyada oo xustay inay ku faraxsan tahay ka-soo-qaybgalka munaasibaddan, maadaama midawga Yurub bixiyay dhaqaalihii lagu dhisay saddexdii fasal ee lagu aasaasay dugsigan, isla markaasna ay tusaale uga dhigeen dugsiyadii ay EU-du maalgalisay.

    Veronique Lorenzo, waxay sheegtay inay sii wadi doonaan kaalmada Waxbarashada Somaliland, iyada oo xustay in loo baahan yahay in la kordhiyo tirada dumarka macallimiinta ka ah dugsiyada dalka.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday qiimaha waxbarashada, isaga oo is-dultaagay mudnaanta uu dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax u leeyahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

    Wasiir Habbane waxa uu xusay in ay ka go’an tahay sidii uu dugsigani u hanaqaadi lahaa, dhismaha fasalladiisuna u dhammaystirmi lahaayeen, isaga oo u mahadnaqay Ganacsade Idiris-Anchor oo uu sheegay inuu waxtar aad u qiime badan u geystay waxbarashada dalka.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Habbane waxa uu xusay inay rejaynayaan in ganacsatada kale ee dalku gacan ka geysan doonaan inta ka hadhay dhismaha dugsiga, isla markaana ay waraaqo u qoreen Ganacsade Maxamed Aw Siciid, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Ganacsade Khadar Ambassador iqk.

    Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Muuse Abees iyo Siyaasiga Maxamed Axmed Caalin “Tiinbaro” ayaa iyaguna xafladdan ka soo jeediyay hadallo daarran qiimaha waxbarashadu u leedahay guud ahaan mujtamaca.

    Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa heeso dareen-taabad leh ka qaadday fannaanadda qaranka ee Nimco Maxamed Deggan oo ay weheliyaan Kooxaha Fanka ee Dayax Band iyo SOCSA, waxaanay madashu ku dhammaatay jewi aad u qurxoon.

    Share
    February 27, 2017, 6:16 pm
  • War Deg-Deg Ah :- Suxufi/Samafale Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Xukuumadaba Ka Raali Galiyey Dareenkii Ay Ka Qaateen Safarkisii Xamar + Fariin Codsi Ah Oo Uu Xabsiga Ka Soo Dhex Diray.
    War Deg-Deg Ah :- Suxufi/Samafale Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Xukuumadaba Ka Raali Galiyey Dareenkii Ay Ka Qaateen Safarkisii Xamar + Fariin Codsi Ah Oo Uu Xabsiga Ka Soo Dhex Diray.
    War Deg-Deg Ah :- Suxufi/Samafale Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Xukuumadaba Ka Raali Galiyey Dareenkii Ay Ka Qaateen Safarkisii Xamar + Fariin Codsi Ah Oo Uu Xabsiga Ka Soo Dhex Diray.
    Waxa Todobaadki uu Dambeeyay Ku Xidhnaa Xabsiga Dhexe Magaalada Hargeisa Wariye Cabdmaalik Muse Coldoon ahna Samafale Si Weyn Uga Qayb Qaata Baahinta wararka Ummada Masaakiinta ah ee Taabaalaysan isla markaasina aan Haysan Gar-Gaar Biniaadnimo ama Caawimo Meel Kale uga Timaada, waxaana Sanadahii u Dambeeyay uu Ka Shaqeynaayay Umadda Caawimada uu Baahan Iyo Bulshada Ilaahay wax Siiyay Isu Tusi Lahaa, Si ay Ummadaas Islaamka ahi isu Gargaaran.
    Wariye ama Samafale Cabdimaalik oo ah Muwaadin Waddani Reer Somaliland oo aad uu tageersan Qaranimada Iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, isago La Dareen ah Dhamaan Shacabka Reer Somaliland Ee Dhibaatada uu Soo Maray Halganka Xorinimada Somaliland, waxaana Wariye Cabdimaalik Ka Qayb qaatay Inuu Ummada Afka Carabiga ku Hadasha Gaadhsiiyo Qaranimada Somaliland Iyo Dhamaan warbaahinta Carabtaba.
    Haddaba Samafale/Wariye Cabdimaalik Sheikh Muuse Coldoon oo Nala Soo Xidhiidhay aya Codsi Uu Diraya Dhamaan Ummada Reer Somaliland Meel Kasta ay Joogan Iyo Xukummada Jamhuuriyada Somaliland, Waxaana Dhamaantood Ka Raaligeliyay Dareenki Ay Ka Qaateen Safarkiisi Ugu Dambeeyay ee uu Xamar Ku Tegay, Isago Cadeeyay Ino Yahay Muwaaddin Reer Somaliland Marnaba Ogolaan Doonin inaan Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland Lagu Gafo. Waxaana uu u dhignaa codsigisii sida tan :-
    “Anigo Ah Cabdimaalik Muse Coldoon Waxaan Dhamaan Shacabkayga Iyo Xukummada Somaliland Ka Raaligelinaya Dareenki ay Ka Qaaten Safarki Aan Dhowaan Ku Tegay Magaalada Xamar ee Dalka Somalia,  Waxaanan Halkan Ka Cadeynaya Inaan ahay Muwaadin Somalilander ah, oo Marnaba Ogolayn in Khalad Gef Loola Yimaado Jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, Waxaanan Ummada Reer Somaliland uu Cadeynaya Inaan Aaminsanahay Waxi Ay Awooyaashay  Iyo Adeerayaashay uu Soo Dhinteen ee ah Jiritaanka Gooni Isutaaga Jamhuuriyada Somaliland, Qofka Bini Aaadamka waa Khaldama aana waan Khaldamay.
    Haddaba Waxaan Shacabkayga Reer Somaliland Iyo Weliba Dowladayda Ka Codsanaya Inay ii Cafiyaan!
    Share
    February 27, 2017, 6:07 pm
  • Ciidamada Ciraaq oo qabsaday buundada isku xirta qeybaha Mosul
    Ciidamada Ciraaq oo qabsaday buundada isku xirta qeybaha Mosul
    Ciidamada Ciraaq oo qabsaday buundada isku xirta qeybaha Mosul

    Sarkaal u hadlay Militariga dalka Ciraaq wuxuu sheegay inay daacish ka qabsadeen buundada wobiga Dalja ee Mosul.

    Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa hadda u guranaya dhanka Koofurta-Galbeed ee magaalada Mosul.

    Booliska sida militariga u tababaran ayaa si xowli ah ugu sii dhowaanaya qeybta degmada Jawsaq, kuwaas oo qabsaday Buundada afaraad.

    Garoonka Mosul oo daacish laga qabsaday

    Buundada shanaad waa midda sida xun u burburtay ka dib duqeymo xoog badan oo loo geystay.

    Laakiin haddii dayactiro buundada afaraad waxay caawineysaa ciidamada dagaalka ku jiro si ay u helaan garab iyo ciidamo dheeraad ah.Ciidamada Ciraaq ayaa ku sii siqaya Galbeedka Mosul, waxayna la kulmayaan iska caabin aad u xoog badan

    Dhanka kale, Shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey waxay sheegayaan inay si aad ah uga walaacsan yihiin xaaladda aadanaha ku nool meelaha ay weli daacish maamusho.

    Galbeedka Mosul ayaa la aaminsan yahay inay ku nool yihiin 750 kun oo qof oo shacab ah.

    Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay la hadashay qoysas ku nool Galbeedka Mosul.

    Diyaarado ayaa duqeynaya fariisimaha Daacish ee Mosul

    Waxay sheegeen in “Qiimaha raashiinka uu sare u kacay, dadka ku nool meelaha qaarna aysan haysan cunto oo dhan”.

    “Xaaladda maahan mid la aamini karo,” ayuu yiri nin 46 sano jir ah oo ku nool Mosul.

    “Cunto malahan, biyo nadiif ah ma haysano, wax la isku kululeeyo malahan maadaama qabow uu jiro, wax cunto lagu karsado malahan, daawo ma haysano, adeegyada aasaasiga ah way baabe’een”, ayuu yiri ninkaasi.

    Mosul waa magaalada weyn ee ugu dambeysa ee weli ay qeybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada daacish.

    Share
    February 27, 2017, 6:03 pm
  • Daawo.Warka Xisbiga Ucid Oo Komishanka Ugudbiyay Muuqaalada Muujinaya Xildhibaanada Ku Biiray Kulmiye
    Daawo.Warka Xisbiga Ucid Oo Komishanka Ugudbiyay Muuqaalada Muujinaya Xildhibaanada Ku Biiray Kulmiye
    Daawo.Warka Xisbiga Ucid Oo Komishanka Ugudbiyay Muuqaalada Muujinaya Xildhibaanada Ku Biiray Kulmiye

    Daawo.Warka Xisbiga Ucid Oo Komishanka Ugudbiyay Muuqaalada Muujinaya Xildhibaanada Ku Biiray Kulmiye

    Image result for ucid

    Share
    February 27, 2017, 10:42 am
  • Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.
    Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.
    Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.

    Weftigii  xukuumadda Somaliland ee u qaabilsanaa heshiiska balaadhinta dekada Berbera, ayaa shalay magaalada Dubia  kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Imaaraatka carabta. Xafladaas lagu qaabilay weftiga xukuumadda, waxa ka soo qaybgalay  Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka carabta, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) iyo Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar. Waxa kaloo madashaas ka soo xaadiray dadweyne tiro badan.

     

    Danjiraha Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraatka Carabta,  Baashe Cawil, ayaa jaaliyadda ugu mahadceliyey sida  wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen madaxda Iyo Masuuliyinka qaranka, waxaanu  ka warbixiyey taariikhda Jaaliyada uu masuulka u  yahay ee Imaaraatka.  “Jaaliyadani, waa jaaliyad fac wayn oo muddo soo jirtay, la mid ma ah kuwa Yurub ama waqooyiga Maraykanka ee waa jaaliyad taariikh wayn ku leh dalka, waa halkii dalka laga dhisay maanta waxa ay hormood u yihiin in ay is garab taagaan horumarka dalka ka socda.  safaaradan Somaliland ee Imaaraatku waxa ay horseeday maanta in shirkadaha dunida ugu waa weyn ay maanta dalka maalgashanayaan,” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

    Md. Baashe waxa uu sheegay in shaqaaleysiinta dadka ka hawlgalaya saldhiga millatari ee imaaraatka, mudnaanta koowaad la siin doono jaaliyada degan dalkaasi, waxaanu yidhi;  “Waxaan idinku busharaynayaa shaqalaysinta saldhiga Mellateri in ay mudnanta kowaad yeelan doonan bulshada Somaliland ee ku dhaqan Imaraadka Carabta “

     

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey dhammaystirka heshiiska dekedda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland iyo Shirka DP World waxaana uu yidhi, “Waxaan doonaynaa in aan samayno heshiis wanaagsan oo sodonka sanno ee aynu kiraynayno dekeddeenna uu noqdo heshiis dano wanaagsan salka ku haya oo ay dhaxlaan da’da naga dambaysa ee dhalan doonta.”

    “Adduunyada gacanta la is-geliyaa oo  la is-marooojiyaa, waana wax ka dhaca suuqa xorta,  waayo waa sunaha nolosha iyo ganacsiga,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

     

    Sidoo kalena Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe),  ayaa Siyaasiyiinta  ugu digay in weji cabsi ah u yeelaan Heshiiska maalgashi ee u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo waddanka Imaraatka Carabta,  Waxaannu yidhi,  “Xukumadda Somaliland waxa ay wada hadal la furtay toddoba shirkadood, DP-World ayaa noqotay tii ugu Sanduuqa wanaagsanayd ee yaan bulshada lagu  hodin Itoobiya diidaysa iyo Xutiyiinta ayaa idin tooganaysa.”Jaaliyadda Imaaraatka oo Kulan ku Foolladeeyay Weftigii  Somaliland u Qaabilsanaa Heshiiska Casriyaynta Dekadda Berbera

     

    Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo xafladaas ka hadashay ayaa hoga tusaalaysay  bulshada ku dhaqan wadanka Imaaraatka Carabta , Waxaana ay ugu warbixisay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray iyo sidii  uu uga soo gudbay.

    Xubno ku hadlayay magaca Jaaliyadda Imaaraatka,  ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey Weftiga ballaadhan ee ka socda Xukumadda Somaliland iyo fursadaha Maalgashi ee ay dalka u soo hooyeen iyaga oo ku soo bandhigay qaab tix iyo tiraaba iskugu jirtay.

    Share
    February 27, 2017, 9:35 am
  • Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.
    Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.
    Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.

    Madaxtooyadda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in mudaharaadka lagaga soo horjeedo heshiiska saldhigga Millatari ee laga sameynayo Berbera, ay fikradiisa keeneen masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee Ingiriiska, kuwaasi oo gacan-saar la leh kooxo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, hase ahaatee aaminsan riyadii dhimatay ee Soomaali-weyn.

    Waxa kaloo Madaxtooyadu sheegtay inay la socoto xarakaadka dawladda Muqdisho oo ay ku eedeysay inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay dhaawacdo nabadda iyo dawladnimada aan caalamku waxba ku darsan ee ka jirta Somaliland.

    Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo xalay waraysi gaar ah siiyay Tifaftiraha guud ee wargeyskaDawan, Cumar Maxamed Faarax, waxaanu waraysigaasi qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan UK ku booriyay inay ka dhiidhiyaan isku-day kasta oo lagu waxyeelaynayo masiirka dalkooda hooyo.

    Afhayeen Xuseen Deyr oo la weydiiyay cidda xukuumadda Somaliland u aragto inay qaban qaabinayso mudaraharaadka London laga iclaamiyay ee ka dhanka ah heshiiska saldhigga Millatari ee Berbera, waxaanu ku jawaabay;”Xukuumad ahaan waxaanu la soconaa isla markaana aanu si weyn isha ugu haynaa abaabulka Mudaharaado guud ahaanba ka dhan ah Qaddiyadda Madaxbanaanida, jiritaanka iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland. Mudaharaadkaa waxaa la doonayaa in laga hordhigo Safaaradda Dawladda Imaaraatku ay ku leedahay Magaalada London, waxana abaabulaya ama dabada ka riixaya Safaaradda Xukuumadda Xamar u fadhida Magaalada London oo gacan saar iyo wada shaqayn dhawba la leh xubno asal ahaan u dhashay Somaliland oo iyagu si weyn u aaminsan una ololeeya fikirka Federaaliga ah, balse haatan foodsaar ka dhiganaya arrinta Saldhiga Millatari ee Dawladda Imaaraatku ka hirgelinayso Berbera, balse leh ujeedo fog iyo ajenda dhagaraysan oo lagu waxyeelaynayo qarannimada iyo qaddiyadda Madaxbanaanida ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

    “Waxa xusid mudan in Somaliland ay leedahay cadow badan (gudaha iyo dibaddaba) iyo xoogag mar walba xusul-duub ugu jira sidii ay u carqaladayn lahaayeen nabadda, xasiloonida, wada-jirka, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland kaga caan baxday qaaradda Afrika iyo Dunida kaleba. Xukuumad ahaan waxaanu Muwaadiniinta qiimaha leh ee reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ku baraarujinaynaa in ay ka digtoonaadaan si dhab ah oo shuruucda waafaqsana uga dhiidhiyaan talaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimadeenna ama lagu wiiqayo talaabooyinka horumarka ah ee uu qarankeenu qaaday,”ayuu yidhi Afhayeenku.

    Md. Xuseen Deyr, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ee ku nool UK ay dawladda imaaraadta carabta u muujiyaan siday u taageersan yihiin heshiisyada ay la gashay Somaliland, waxaannu yidhi; “Haddiiba ay dhacdo in xukuumadda Soomaaliya iyo dadka u ololeeya fikirka Federaaliga ah ee horumar-diidka ahi ay dhigaan mudaharaadkaa lagaga soo horjeedo Saldhiga Millatari ee Dawlada Imaaraatku ka hirgelinayso Berbera, Jaaliyadaha waaweyn ee Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska waxa iyagana u bannaan inay Safaaradda Dawladda Imaaraatka ee London ka hor dhigaan Mudaharaad Salmi ah oo lagu taageerayo Talaabooyinka taariikhiga ah ee ku dhiiratay dawlada aynu walaalaha nahay ee Imaaraatka carabtu. Waa inaynu Dawladda Imaaraatka carabta u muujino sida ay Ummadda Somaliland ee ku nool gudaha iyo dibeddaba, gaar ahaan UK ay u taageersan yihiin Maashaariicda horumarineed ay Somaliland ka hirgelinayso, sida mashruuca DP World & Berbera Investment iyo Saldhiga Millatari ee dawlada Imaaraatku ka hirgelinayso marinka caalamiga ah ee Istaraatijiga ah ee Berbera.”

    Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii mudaharaadka lagu naqdiyayo heshiiska saldhigu uu ka dhaco Ingiriiska, cawaaqibka ka dhalan kara, waxaanu sheegay in aanu siyaasiyan waxba u dhimaynin horumarka Somaliland mudaharaad ay soo abaabushay Soomaaliya.”Waxaan ku kalsoonahay in Mudaharaad kasta oo ay dhigaan Xukuumadda Soomaaliya iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u ololeeya fikirka Federaaliga ah ama horumar-diidka ahi aanay haba yaraatee siyaasad ahaan, sharci ahaan iyo dhaqaale ahaan toona waxba ka bedeli doonin Heshiisyada iyo Mashaariicda Caalamiga ah ee JSL la gasho dalka UAE iyo dunida kaleba,”ayuu ku dooday Afhayeenka Madaxtooyadda.

     

    Md. Xuseen Deyr oo aanu weydiinay waxa ay kala socdaan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Sucuudiga oo la sheegay inay qayb ka tahay isku-day lagu carqaladeynayo heshiiska saldhigga millatari, waxa uu arrintaas kaga jawaabay “Xukuumad ahaan waxaanu la soconaa in Xukuumadda ka talisaVilla Somaliaay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah nabadda, Wada-jirka, Horumarka, danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee qaranka Somaliland. Heshiiska ay Dawladda Imaaraatka Carabtu Saldhiga Millatari kaga dhisanayso Marsada Berbera Xukuumadda Xamar waxay geed dheer iyo mid gaabanba u koraysaa sidii ay uga hortagi lahayd, dareenkaasina ma aha mid naga qarsoon. Laakiin, Xukuumadda ka talisaVilla Somaliawaxaanu leenahay: ‘Shacabka iyo dawladda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa ay yeelayaan. Annaga ayaa leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Hurumarinta dalkayaga iyo Heshiisyada aanu cid kale la gelayno haba yaraatee maaha mid xukuumadda Soomaaliya loo daba fadhiisanayo oo meeli uga bannaan tahay ama wax laga weydiinayo.”

    Share
    February 27, 2017, 9:30 am
  • Aabo dhalay askari Maraykan ah oo dhintay oo diiday in uu la kulmo Trump
    Aabo dhalay askari Maraykan ah oo dhintay oo diiday in uu la kulmo Trump
    Aabo dhalay askari Maraykan ah oo dhintay oo diiday in uu la kulmo Trump

    Aabo dhalay askari Maraykan ah oo lagu dilay hawlgal lagu bartilmaameedsanayay dad looga shakisnaa Al-Qaacidda oo ku sugnaa guri ku yaalla Yemen ayaa sheegay in uu diiday in uu la kulmo madaxweyne Donald Trump, ka dib markii maydka wiilkiisa lagu soo celiyay dalka Maraykanka.

    “Waan ka xumahay, ma doonayo in aan arko,” wuxuu sheegay in uu wakhtigaas sidaa ku yiri wadaado.

    Hawlgalkii dhacay 28 Janaayo ayaa ahaa kii koobaad ee fasaxay Trump.

    Bill Owens oo dhalay William “Ryan” oo la dilay ayaa wargeyska Miami Herald u sheegay in hawlgalkaasi uu ahaa doqonimo, maadaa uusan madaxweynuhu xafiiska joogin “xataa todobaad”. Sabab?” ayuu ku yiri waraysigaas wargeyska oo Axaddii la daabacay.

    Trump ayaa weerarkan ansixiyay markii uu xilka hayay lix maalmood oo kali ah, waxaa la rumaysan yahay in ay ku dhinteen dad shacab ah oo ay ka mid yihiin carruur.

    Saddex ruux oo kale oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, qorshaha weerarkaas ayaase billawday markii uu Maraykanka ka arriminayay maamulkii Obama.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa booqasho aan la sii shaacinin ku tagay garoonka ciidammada cirka ee Dover Air Base 1dii bishan FeebaraayoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
    Image captionMadaxweyne Donald Trump ayaa booqasho aan la sii shaacinin ku tagay garoonka ciidammada cirka ee Dover Air Base 1dii bishan Feebaraayo
    Share
    February 27, 2017, 9:18 am
  • Dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
    Dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
    Dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

    Wararka laga helayo magaalda Muqdisho waxay sheegayaan in uu dab wayn ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

    Uuro wayn oo ka kacday suuqa ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada ah.

    Dabka ayaa billawday waaberigii muddana sii socday sida uu BBC u sheegay qof goob jooge ah.

    Qiiqa suuqa Bakaaraha ka soo baxaya oo cirka isku shareeray
    Image captionQiiqa suuqa Bakaaraha ka soo baxaya oo cirka isku shareeray

    lama oga khasaaraha ka dhashay balse dabdamiska iyo dadkii hantida ku lahaa suuqa ayaa la sheegay in ay gaareen, si ay isugu dayaan in ay badbaadiyaan hantida una xakameeyaan dabka.

    Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray, sidoo kale maamulka gobolka ayaa iguna tagay meesha gubaneysa.

    Ganacsada suuqa waxay dadka ka codsanayaan inaan la bililiqeysan suuqa.

    Qaybaha uu dabku waxyeeleeyay waxaa ka mid ah, qeybta maacuunta, hilibka, iyo qudaarta

    Dab kan la mid ah ayaa bishii aanu soo daafnay ee January qabsaday seddax xarumo ganacsi oo ku yaalla Bakaaraha.

    Waxay u muuqataa in dabka suuqa Bakaaraha uu soo noqnoqday.

    Share
    February 27, 2017, 9:16 am
  • Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen
    Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen
    Deg Deg :- Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Kala Calaf Qaadey , Wasiirada Ay Yahiin Iyo Waxa Ay Isku Dileen

    Laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku kala calaf qaadeen dagaal gacan ka hadal ah iyaga oo ku sugan xarunta baarlamaanka Somaliland

     

    Labadan wasiir ayaa sida ay dad goob joog ah ay shabakada Ilaysnews.com u sheegen ayaa kala ah wasiir wasaarada macanta iyo tamarta Xussen Cabdi Ducaale iyo wasiirka wasaarada hawlaha guud Cali Mareexan

     

    Waxaana ay labadan wasiir isku gacan saareen xarunta golaha guurtida Somaliland iyaga oo ku sugan ka dib kulan ay la yeesheen gudoomiyaha golahaas Saleeban Maxamuud Aadan

    Sababta Kaliftey in labada wasiir dagaal gacanta ah ku kala calaf qaadan ayaa waxaa ay goob joogayaashu u sheegen Ilaysnews.com in ay tahay markii ay ku kala aragti duwaneed codsi ay u gudbiyeen gudoomiyaha golahaas oo ku saabsana muddo kordhinta xukuumada loo kordhinaayo inta ay noqon doonta

    Mid ka mid ah wasiiradaasi ayaa waxaa uu gudoomiye Saleeban Ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo muddo 2 (laba) sanadood ah

    Wasiirka kale ayaa waxaa uu isana gudoomiyaha ka codsadey in xukuumada loo kordhiyo oo lagu daro mudadii lagu heshiiiyey muddo 6 bilood oo kale ah

    Balse waxaan si cad loo ogeyn labdaasi dalab in uu gudoomiye Saleeban ku gacan seydhay iyo waxaa uu kaga fal celiyey waxaana bulshada Somaliland ay u dhegtaageysaa go,aanka ay golaha guurtidu maalmaha soo socda ka gaadhan muddo kordhin mar labaad loo sameynaayo xukuumada madaxweyne Siilanyo

    Share
    February 26, 2017, 12:28 pm
  • Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago
    Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago
    Ciidanka Puntland oo Xiray Nabaddoon Cabdulqadir Axmed Xarrago

    Cabdulqaadir Axmed Xarrago oo ka mid ah nabadoonnada gobolka Bari ee Puntland ayaa warar goor dhowayd nasoo gaadhay ay sheegayaan inay qabteen ciidamada amniga ee Puntland.

    Ilo dhinaca amniga ah oo codsaday in magacooda aan la sheegin, ayaa VOA u sheegay in nabaddoonka la xirey. Illaa iyo hadda ma cadda halka lagu xiray nabadoonka.

    Maamulka Puntland kama aysan hadlin hadallada nabadoonnka iyo xariggiisana dambe midna.

    Share
    February 26, 2017, 12:05 pm