Sanaagmedia
News
Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray
Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray
3 days ago

Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray

Share
  • Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray
    Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray
    Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray

    Daawo Muuse Biixi Oo Farmaajo U Hanjebay Beesha Calamkana Baaq U Diray

    Share
    January 20, 2018, 12:43 pm
  • Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada La Hadlay Warbaahinta Una Digay Farmaajo
    Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada La Hadlay Warbaahinta Una Digay Farmaajo
    Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada La Hadlay Warbaahinta Una Digay Farmaajo

    Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hada La Hadlay Warbaahinta Una Digay Farmaajo

    Share
    January 20, 2018, 11:40 am
  • MAAREEYAHA HAY’ADDA DUULISTA IYO MADAARADA SOMALILAND OO AMRAY IN GAROONKA CIGAAL LAGA DHEX RARRO XERO UU KU LEEYAHAY GANACSADE CUMAANE IYO MURAN XOOGLEH OO KA ALOOSAN.
    MAAREEYAHA HAY’ADDA DUULISTA IYO MADAARADA SOMALILAND OO AMRAY IN GAROONKA CIGAAL LAGA DHEX RARRO XERO UU KU LEEYAHAY GANACSADE CUMAANE IYO MURAN XOOGLEH OO KA ALOOSAN.
    MAAREEYAHA HAY’ADDA DUULISTA IYO MADAARADA SOMALILAND OO AMRAY IN GAROONKA CIGAAL LAGA DHEX RARRO XERO UU KU LEEYAHAY GANACSADE CUMAANE IYO MURAN XOOGLEH OO KA ALOOSAN.

    Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol uu amar ku siiyay Ganacsadaha Lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumaani inuu si dhakhso ah uga guuro oo uu Alaabta uga dhex rarto dhul ka mid ah xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaaladda Hargeysa,dhulkaasi oo uu sanadidii u dambeeyay uu degaan islamarkanaa uu ku shaqaysanayay ama xarun u ahayd.

    Sida Wararkani nagu soo gaadheen,Maareeyaha Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa amarkan soo saaray Todobaadkan,Waxaana uu Ganacsade Cumaani u sheegay in dhulkaasi uu ka mid yahay dhulka Madaarka cigaal ee ay Hay’adda Madaarada Dalku masuulka Qaranka uga tahay,islamarkaana uu alaabta ka gurto oo uu ka guuro balse sida ay wararkani sheegayaan Ganacsade Cabdirisaaq Cumaani ayaa arintaasi ganafka ku dhuftay isla markaana lasoo baxay Fayl lahaashiyo dhulkaasi ah oo uu Ku dooday inay Xukuumaddii hore siisay dhulkaasi islamarkaana looga jaray Dhulka Madaarka Cigaal ee u xayndaaban ee dadka Shacabka ah hore xooga looga raray.Ganacsade Cumaani ayaa waxa uu leeyahay shirkada Dayactirtay madaarka Cigaal islamarkaana sidoo kalena qandaraas dayactir ah Xukuumaddii hore ka qaadatay jidka Laamayda ah ee Madaxtooyadda Hortmara waxaanu gacan saar dhaw lalahaa Xukuumaddii hore.
    Wararkan ayaa intaasi ku daray in Muran Xooglihi ka dhex aloosan yahay Maareeye Rodol iyo Ganacsade Cumaani islamarkaana uu Ganacsade Cumaane maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa Sidii uu amarkaasi u baajin lahaa,isagoo Sida la sheegay Magaalada Hargeysa ka dhex urursaday Siyaasiyiin iyo Odayaal uu doonayo inay Madaxweynaha la kulmaan oo ay arintaasi kala soo hadlaan. Waxa uu ku doodayaa in dhulkaasi uu ku hantiyay oo uu ku mulkiyay Degreeto Madaxweyne oo uu madaxweynihii hore siiyay isagoo diidan inuu Dhulkaasi ka guuro ama uu alaabta ka gurto. Waxa Sidoo kale isaguna dhinaciisa dhaq dhaqaaq culus ugu jira Mareeyaha Duulista iyo Madaaradda Cabdi Maxamed Rodol oo doonaya inuu Amarkiisaasi fulo maadaama oo dhulkaasi hore xoog looga raray Dad Shacab ah oo dhulkaasi degay Markii dalka lagu soo laabtay.
    Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Iyo Madaarada Dalka oo ku saabsan arintan,Sidoo kale wali kamuu hadal arintani Ganacsade Cumaani,Balse waxa wararkani ay si hor dhac ah usoo gaadheen qaybta dabagalka iyo baadhista Xogaha Dahsoon ee Wargeyska Foore. Dhinaca kale xidhiidh aanu Xalay lasamaynay masuuliyiintan si aanu wax uga waydiino arintani ayaan noo suurta galin kadib markii aanu dhawr jeer garaacnay Telefankooda gacanta.

    Share
    January 20, 2018, 11:02 am
  • Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen
    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen
    Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Ka Wada Hadley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

    Madaxweynayaasha Dalalka Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi Iyo  Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ku wada hadley khadka telefoonka kadib xiisad ka dhex dhalatay Somaliland iyo maamulka Somaliya ee Puntland .Warar xog ogaal ah oo uu Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in labada madaxweyne ay Telefoon ku wada hadleen todobaadkan dhamaadey ka hor intii aanu madaxweyne Biixi u anbo bixin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya .

    Wada hadalkan telefoonka oo sida warku sheegay ay ka shaqeysay xarunta caalamiga ah ee ” CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE ” waxaa ay labada madaxweyne kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah xiisada ka dhalatey deeganka Tuko-raq iyo suurto galnimada inay dib u bilaabmaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadka Galay.

    Wararka Geeska Africa helay waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Biixi uu wada hadalkaas telefoonka ah ku soo bandhigay in xiisada Tuko-raq uu u arko dagaal ay Somaliya ku soo qaadey Somaliland isaga oo sheegay in aaney is heynin Somaliland Iyo Puntland lakiin uu aaminsan yahay in dawlada Somaliya ee madaxweyne Farmaajo ay bilowdey dagaal ciidan oo ka dhan ah Somaliland .

    Waxaana wararku sheegayaan in madaxweyne Biixi uu tusaale u soo qaatay wasiirkii qorsheynta Somaliya Mr Jamaal Xassan oo dhawaan socdaal ku yimid bariga Sanaag taas oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay in ay tahay Xad-gudub

    Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku dooday in aanu marnaba dooneen dagaal iyo dhiig daata lakiin uu jecel yahay nabad gelyada isla markaana uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii xiisada soo korodhey loogu dhameyn lahaa wada hadal , waxaa uu sidoo kale uu sheegay in uu jecel yahay in labadooduba [ Biixi iyo Farmaajo ] hormuud u noqdaan in xiisada la dejiyo isla markaana laga dheeraado dagaal dhaca .

    Warka uu geeska Africa helay waxaa kale oo uu sheegay in labada madaxweyne isla soo hadal qaadeen in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya waxaana ay isla garteen in wada hadaladu ay deg deg u bilowdaan isla markaana ay labadooduba ay Hormuud u noqdaan kulanka u horeeya ee wada hadalada lagu bilaabaayo waxaana ay wararku sheegayaan in ay suurto gal tahay in dawlada Tukriga laga wareejiyo wada hadalada loogana wareego in dawlado kale ay dhex dhexaadiyaan .Image result for somaliland iyo somaliya

    Ma jiro wax war ah oo ay Somaliland iyo Somaliya midkoodna ka soo saartey wada hadalkan telefoonka ee dhex maray labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya

    Share
    January 20, 2018, 10:35 am
  • Qiso Layaableh Oo Ka Dhacday Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Iyo Hanti Dhawrihii Hore Ee Shaqada Laga Eryay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xafiiska,Sheegtayna Inuu Wali Xil Ka Ha
    Qiso Layaableh Oo Ka Dhacday Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Iyo Hanti Dhawrihii Hore Ee Shaqada Laga Eryay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xafiiska,Sheegtayna Inuu Wali Xil Ka Ha
    Qiso Layaableh Oo Ka Dhacday Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Iyo Hanti Dhawrihii Hore Ee Shaqada Laga Eryay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xafiiska,Sheegtayna Inuu Wali Xil Ka Ha

    Hargeysa(SM) Hanti-Dhawrihii hore ee Shaqada laga eryay dhawaan Siciid Saleebaan Mire ayaa Doraad si kedis ah dib ugu soo laabtay Xarunta Xanti Dhawrka Qaranka Somaliland waxaana uu sheegtay inuu Wali Xafiiskaasi Shaqo ka hayo oo aanu ka tagin,Waxaanay Si weyn ugu dhex murmeen Xafiiska Hanti Dhawraha cusub Axmed Yuusuf Dirir isagoo warqado ogaysiis ahaa oo gidaarka ku dhejisnaa jar jaray.

    Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Siciid Saleebaan Mire uu isagoo cadhaysan orod ku soo galay Doraad Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka ee dhawaan uun xilkiisa laga tirsaday,waxaanu sida la sheegay si toos ah u abaaray Xafiiska Agaasimaha Shaqaalaha Hanti Dhawrka isagoo hadalo taag taagan kula hadlay Islamarkaana ku qabsaday,kuna canaantay ogaysiis shaqaalaha ku saabsanaa oo lagu dhejiyay gidaarka Afaafka hore ee laga galo Xafiisyada Hanti Dhawrka Qaranka,isagoo markii dambena Gacantiisa ula tagay Ogaysiiskaasi,kuna jarjaray Shaqaalaha Iyo Madaxda Hanti Dhawrka Hortooda,arintaasi oo fajac iyo yaab ku dhalisay Guud ahaan Shaqaalihii ka hawlgalayay Xafiiska ee Wakhtigaasi ku dhex sugnaa xarunta.
    Waxa uu sidoo kale ugalay Xafiiska Hanti Dhawraha Cusub ee uu dhawaan xilka ku wareejiyay Axmed Yuusuf Dirir waxaana sida la sheegay halkaasi ku dhex maray muran xoogleh,isagoo Hanti dhawrihii hore Siciid Saleebaan Mire ku dooday inuu Kusime ahaan u sii hayay Xafiiska Hanti Dhawraha ee uu dhawaan Madaxweynuhu ka qaaday balse uu gudoomiye ku xigeen ka ahaa Xafiiska islamarkaana aan wali laga qaadin Xilkiisii rasmiga ahaa ee Gudoomiye Ku xigeenka Hanti Dhawraha Qaranka,arintaasi oo ka daan degi wayday Hanti dhawraha Cusub. Waxa uu Hanti Dhawraha Cusub Axmed Yuusuf Dirir dhinaciisa ugu caqli celiyay oo uu u sheegay inay Ceeb ku tahay Siciid mire inuu dib ugu soo laabto xafiis uu madax ka ahaa mudo yar horteed oo lagaga tirsaday Degreeto madaxweyne waxaana uu u sheegay inuu degreeto Madaxweyne ula yimaado oo uu markale xafiiska ka tirsado ama uu Xafiiska uga baxo.
    Wararkan ayaa intaasi ku daray in markii dambe ay askarta illaalada Xafiiska Hanti dhawrku xoog kaga saareen Siciid Mire,iyadoo uu Hanti Dhawraha Cusubina amar ku siiyay Ciidanka afaafka hanti dhawrka illaaliya inaanay mar dambe gudaha Xafiiska usoo dayn Masuulkaasi haddii uu soo noqdo.

    Share
    January 20, 2018, 10:33 am
  • Deg Deg Daawo Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hada Kahadlay Arimo Doora Oo Somaliland Saameyn Kuleh
    Deg Deg Daawo Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hada Kahadlay Arimo Doora Oo Somaliland Saameyn Kuleh
    Deg Deg Daawo Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hada Kahadlay Arimo Doora Oo Somaliland Saameyn Kuleh

    Deg Deg Daawo Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hada Kahadlay Arimo Doora Oo Somaliland Saameyn Kuleh

    Share
    January 19, 2018, 12:42 pm
  • Maamulka Puntland oo markii u horeysay Somaliland (Xukumada Muuse Biixi) ugu yeedhay Maamulka Jeegaanta,kuna Hanjabay …
    Maamulka Puntland oo markii u horeysay Somaliland (Xukumada Muuse Biixi) ugu yeedhay Maamulka Jeegaanta,kuna Hanjabay …
    Maamulka Puntland oo markii u horeysay Somaliland (Xukumada Muuse Biixi) ugu yeedhay Maamulka Jeegaanta,kuna Hanjabay …

    Maamulka Puntland oo markii u horeysay Somaliland (Xukumada Muuse Biixi) ugu yeedhay Maamulka Jeegaanta,kuna Hanjabay …

    Share
    January 19, 2018, 12:16 pm
  • Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan
    Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan
    Magaalo maalinkii 6 daqiiqo oo kali ah dadku ay qorraxda arkaan

    Waxaa aan arkay wax koobaaban oo dahab la moodo oo caalamka intiisa kale mar walba ka dul muuqda balse ku yar magaalada Mosco.

    Waxa aan ka baaray barta Google waxa aana xaqiijiyay in waxa aan arkay uu yahay dayax yar.

    Balse markii aan mar labaad eegay waxaa markiiba qariyay daruuro.

    Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay ma arkin dayaxa mar dambe.

    Roman Vilfand, oo ah madaxa saadaasha hawada ee Ruushka ayaa sidoo kale arrintan xaqiijiyay .

    Bishii December ee 2017 ayaa markaasi noqotay bishii ugu madoobayd ee soo marta Mosco, iyada oo ay dadka magaaladaasi ay 6 daqiiqo oo kali ah qoraxda arki jireen maalinkii.

    .Lahaanshaha sawirka.
    Image caption.

    Mr Vilfand ayaa sheegay in arrintani ay keentay ceeryaamo badan ka dib na ay daruuro ka dhashaan.

    Dadka qaar uma suuragalayso in ay galaan oo ay aadaan xilliyada fasaxa meelo kale iyada oo barafka uu meelo badan daadsan yahay.

    Kumannan qof oo u dhashay Ruushka ayaa waxa ay fasaxooda ku qaataan guriyahooda.

    Share
    January 19, 2018, 11:51 am
  • Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda
    Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda
    Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay bixinta dhulalka dowladda

    Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo in dhulka dowladda la iibiyo ama qof la siiyo.

    Arrintan ayaa timi ka dib warar ku saabsan in dhulal ay dowladda leedahay oo siyaabo kala duwan loogu takri falay.

    War saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu yiri yiri “sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, dhulka waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Illaa inta laga soo saarayo habraacyada sharciga ee waafaqsan qodobka 43aad ee dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

    Go’aankan uu soo saaray madaxweyne Farmaajo wuxuu saameynayaa dhulkii la bixiyay laga soo bilaabo maalinkii madaxweynaha la doortay ee 8-da feberaayo, 2017-kii, sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

    “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017, uusan haysan ogolaansho sharci ah.”

    “Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah”, ayaa ku xusan qoraalka.

    Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay iibinta dhulka dowladda

    Arrinta dhulalka waxay weli Soomaaliya ka tahay mid muran dhaliso, waxaana jiro kuwo badan oo la isku haysto.

    Maxkamadaha qaar waxay weli dhageysanayaan guryo ay isku haystaan dad kala duwan, sidoo kale waxaa jiro meello dowladda ay lahayd oo dad rayid ah ay deggan yihiin.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku siiyay hay’adaha ka shaqeeyo arrimaha dhulalka in aysan bixin karin hanti dowladeed iyadoon “loo marin habraac sax ah iyo wareegto madaxweyne oo shuruucda waafaqsan”.

    Share
    January 19, 2018, 11:49 am