Sanaagmedia
Maqaalo
  • SHACBIGA GOBOLKA SANAAG OO MAHADIYAY WAXQABADKA BADHASABKA SANAAG AXMED CABDI FALAY. DIYAARIYE:-CADNAAN MADAR DUCAALE.
    SHACBIGA GOBOLKA SANAAG OO MAHADIYAY WAXQABADKA BADHASABKA SANAAG AXMED CABDI FALAY. DIYAARIYE:-CADNAAN MADAR DUCAALE.
    SHACBIGA GOBOLKA SANAAG OO MAHADIYAY WAXQABADKA BADHASABKA SANAAG AXMED CABDI FALAY. DIYAARIYE:-CADNAAN MADAR DUCAALE.

    Waxqabadka Muuqda ee gudoomiyaha Gobolka Sanaag ka sameeyay Gobolka waa mid Taarikhdu xusi doonto Sideedaba waxa dabciga insaanka ka mid ah inuu wax dhaliilo waxna amaano, hadii aad rabto in aad cid maagto wax dow ah oo lagaaga markhaati kaci karo ayaa lagu dhaliilaa qofka aad dhaliileyso balse waxa qofku sheegayaa waa in ay noqotaa wax xaqiiqda ku qotoma, isla markaana waa in uu cadaynteeda hayaa. Beryahan danbe, waxa caado noqotey in madaxda gobolka sanaag qaarkood la aflagaadeeyo, iyada oo sabab la’aan loo maagayo. Waxa nasiib daro ah in dadka dhaleecaynta iyo ceebaynta madaxda caadaystey ay waxba xeerin waayaan, oo xataa iska dhaaf wax kalee Madaxweynihii Qaranka ay dhaafi waayeen, iyada oo dabcan Madaxweynuhu yahay haybadii iyo sharaftii Umadda oo ay tahay in la ixtiraamo lana ilaaliyo karaamada uu huwan yahay. Caadeystayaasha xalaashadey in ay madaxda gobolka ceeb aanay lahayn dusha ka saaraan waxa u danbeeyay kuwa wakhtigan warar aan sal iyo raad toona lahayn ka sheegaya Badhasabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly oo la yaqaan shakhsiyadiisa dahabiga ah kuna suntan wanaag, sharaf, Milgo iyo Maamuus. Kaalinta Waxqabad ee Axmed Cabdi Fly Hadii aan is idhaa Gudomiye Axmed Fly Shakhsiyadkiisa ka sheeke wakhti badan bay iga qaadanaysaa in aan ka sheekeeyo wanaaga faraha badan iyo samaha Eebe ku manaystay ee uu leeyahay. Mudane Fly Waa Shakhsi ku sifoobey daacadnimo, sida lagu yaqaan waaa mas’uul ilaaliyay oo dhawray hantidii iyo Shaqadii gobolka ee uu madaxda ka aha. Gudomiyuhu waa qof tawaaduc badan, , naxariis badan oo aan dadka iska kibrin, qof kastana la saaxiib ah oo si isku mida u soo dhaweeya hadii ay yihiin Waayeel iyo Caruur, Rag iyo Haween, ku yar iyo waynba. Axmed Cabdi Fly waa qof dulqaad badan, dadkana cafiya waxaana tusaale kuugu filan in mudadii uu gudoomiyaha aha laga sheegayay wax aanushaqo ku lahayn,iyadoo laga faafiyey warar la rabay in lagu ceebeeyo sumcada iyo sharafta balaadhan ee ay ku dhex leeahay qarankiisa S/land, hase yeeshee Gudomiye Fly dheg jalaq umu dhigin wuuna iska dhaafey oo iska cayiyey, taaso muujinaysa shakhsiyada qaaliga ah ee Gudomiyaha . Gudoomiye Axmed Cabdi Fly waa qof caawimo badan, dadka gargaara kuna tara waxii awoodiisa ah, wuxuu caan ku yahay taagerida dadka tabaaleysan waana mas’uul aan mooganayn ee ka warhaya shacabke Gobolka Sanaag. Sido kale Gudomiyaha Gobolka Sanaag Wuxuu ku gulaystay xalinta iyo soo afjarida shaqaaqoyin badan oo ka dhacay Gobolka. Waxa Taarikhda Markii u horaysay Mr fly uu ka shaqeeyay horumarinta Dhalinyarada iyo ciyaaraha isagoo roogaga casriga ah ku gulaystay inuu garoonka Magalada Cerigaabo u keeno isago ku keenay dedaal iyo Karti. Gudomiye Axmed Cabdi Fly wuxuu sanadadii ugu danbeeyay wuxuu dadaal naf hur ah oo aanu waxba la hadhin ugu jirey sidii Gobolka Sanaag u dhismi lahaa, u horumari lahaa, u hanaqaadi lahaa, una hiigsan lahaa Gobolada la midka ah. Runtii Taarikhda xusi doonta gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi falay.Image result for Gudoomiye Falay

    Diyaariye Cadnaan Madar ducaale

    Share
    February 28, 2017, 6:01 pm
  • XADHIGU RAGGA WUU BILAA EE MA BADHAQ JABIYO!
    XADHIGU RAGGA WUU BILAA EE MA BADHAQ JABIYO!
    XADHIGU RAGGA WUU BILAA EE MA BADHAQ JABIYO!

    bal qofkastaa maanta meeshii ugu xumaydee lagu xidhay haka sheekeeyo, Axmed Bile iyadoo dhowr goor maxamed case saldhiga daloodho igu xidhay ciyaalo xaafadnimadii, marna mandheera LA I geeyey oo aan jabhad jeelasha kasoo laacay isu haysto sowtii 2008 ADDIS ABABA, la igu xidhay 32 cisho Ayaan BILAA maxkamad xidhnaa oo weliba xitaa inaan xidhanahay la ogayn sababtoo ah markii magacyga la diiwaangelinayey ayaa khalad dhacay oo luuqada amhariga xarafka ” X” Kuma jiro Ana 2 jeer buu magacayga ku jiraa axmed bile maxamed, khalad labaad baa dhacay oo magaca bile ayaa biley loo qoray khalad kalaa dhacayoo maxamed ayaa muhamed loo qoray, wiigiiba markastoo maxaabiista La yeedhinayona sidaasaan kaga hadhi jiray oo maxkamad la ii hor geyn jirin, nasiib wanaag subaxdii dambe Ayaan xanuunsaday ka dibna bacadka ayaa La ii Yara ogolaaday 20 daqiiqo, intaa bacadkii joogaan nasiib u helay inaan kelmad ku tuuro taliyaha saldhiga waxan idhi 32 cisho xidhanahay maxkamadna La ima geynin miyaanan xaq u lahayn! Maadaama xaaladayda cuslad Wuu ii damqaday, wuxuuna baadhay faylashii mise magacaygiiba Kuma jiro! 3 cisho oo baadhis adag la I mariyey waxa la ogaaday in wax isdaba mareen, sidiibaa la iigu saxay maxkamad la igu geeyey inkastoo xabsi aan xabsi daa’im waxba dhaamin la igu xukumay haddana alle ha janeeyee boqor #MALES ayaa cafis nagusoo daayey saacad walba waan u duceeyaa!

    Jeelka aan ku xidhnaa God baa lagu dhaadhici jiray qof walba madaxiisa waxa u yaalay caag uu Kuna kaajo Kuna saxaroodo 7 cisho markuu yaalo ayaa laga qaadi jiray hada waa Barta aad seexanayso EE madaxaaga ah!

    Xadhiga weligiin haka biqina dhalinyarooy bal u fiirsada dadka dunida xabsiyada ugu dheer galay waa kuwa ku guulaystay isbedeladii ay rabeen,

    Share
    February 27, 2017, 5:59 pm
  • MUMIN SEED OO QIRTAY IN AAN KULMIYE XIL U MAGACAABI-DOONIN BY ABDI MUSTAFE
    MUMIN SEED OO QIRTAY IN AAN KULMIYE XIL U MAGACAABI-DOONIN BY ABDI MUSTAFE
    MUMIN SEED OO QIRTAY IN AAN KULMIYE XIL U MAGACAABI-DOONIN BY ABDI MUSTAFE

    Haduu Kulmiye bilaash ku taageerayo muxuu uuga tegay xilkii xisbiga Waddani ee uu ku soo caan baxay

    Mumin Seed, gudoomiya ku xigeen kii hore ee xisbiga Waddani ayaa afkiissa ku qirtay mar uu shalay Borama ka hadlayay in aan xisbiga Kulmiye wax xil ah u magaacin uuna magacaabi doonin bal se uu sidaa kula shaqayn doono.

    Haduu Kulmiye bilaash ku taageerayo muxuu uuga tegay xilkii xisbiga Waddani ee uu ku soo caan baxay ee ahaa gudoomiye ku xigeenka kowaad. Markii Mumin Seed is bedelay ee uu is yidhi malaa xilkaa ka soo bixi maysid oo hadii madaxweynuhu dalka ka baxo oo aja-nanebi yimaado luqad aad kula hadasho ma taqaanid na waxa loo soo bandhigay in uu jagadiisa iska fadhiyo Maxamed

    Cali musharax madaxweyne ku xigeen noqdo marka guusho timaadana laga dhigi doono wasiirka arimaha gudaha weliba aqal iyo lacagna loola diyaar ahaa. Hadaba haduu mumin Seed caqli leeyey laba la isku doorsado maaha bilaash baan ku shaqaynayaa oo xil la ii magacaabi maayo kuwii i sharfay ee xilalka iila diyaar ahaana waan ka cararayaa.

    Horta siyaasada Mumin Seed intaasaa inagaga filan oo aannu caanaha iyo biyaha kala saarayn. Waxa hadal kiisii ku jiray Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali xil waraaba u taaga ayay u magacaabeen oo Xirsi buu isku dhererinayaa.

    Subxaan … Xirsi waa hogaanka Waddani, waa gudoomiyaha kaambaynka isla markaana waa gudoomiyaha dhaqaale ururinta. Teeda kale Mumin in uu xirsi ku dherer sadaa wax macquula maaha. Haduu Mumin caqli caafimaad qaba leeyey ama uu siyaasad wax ka garanayo muu yidhaahdeen Kulmiye ayaan madiidin u noqonayaa iyagoon xil ii magacaabin oo bilaash baan uugu shaqaynayaa.

    Abmustafe123@gmail.com

    Share
    February 27, 2017, 9:21 am
  • Somaliland: The Dilemma Of A Military Base
    Somaliland: The Dilemma Of A Military Base
    Somaliland: The Dilemma Of A Military Base
    Back in the early 1990’s, a few years after the devastating civil war, Somaliland was in dire straits. The cities were in ruins, the people destitute and the central authority kept things under control solely on the shoulders of the nation’s elders.
    During this precarious time, a respected former United States admiral came to Hargeisa to see the late President Mohamed Ibrahim Egal. The admiral had a proposition to make. If Somaliland were to allow UNISOM forces to be deployed in the country, then all of the nation’s needs would be met. It would seem everything was on offer, except de-jure recognition.
    The late president, an emotional man by nature, was torn. How could he turn down the offer of much needed assistance on everything bar recognition?. The people were in need, the land was full of mines, the cities destroyed, and so on. Can he reject such an offer?
    It was indeed a dilemma. The late president talked with his advisors, some were in favour of the deal, and others were vehemently opposed. Thankfully, the president made a momentous decision to reject the offer.

    UNISOM floundered in our neighbour, Somalia. That disastrous mission is still being felt in Somalia. It has led from warlords to piracy to terrorism. Today, the people of Somalia would like to see the back of AMISOM.

    The decision to reject the admiral’s, and in reality, President Bill Clinton’s deal, had some adverse effects on Somaliland. There were unfortunate internal strife and the nation is still desperately poor, but, it was the right decision.
    Somaliland has had more than two decades of peace and progress. The foundations that were laid for the nation’s institutions have flourished. Granted, we do not yet posses de-jure recognition, but we are a de-facto state. We are captains of our own vessel.
    It is therefore, galling to see the Somaliland parliament spearheaded by the late president and elected by popular franchise abused in such a way. If the administration of President Ahmed Mohamed Mohamud Siilanyo believes that a United Arab Emirates military base in Somaliland is in the nations interest, then by all means present your case, line by line, word by word.
    It is ridiculous to hand out a sheet printed by a local printer to parliamentarians and ask for a vote. Where was the debate? Where were the relevant ministers of Foreign & Defense? And who came up with a figure $1.2 million dollars in rent? when the prices is a thousand times more than that and when did the Chair of the House of Elders become Speaker of parliament? And why were those parliamentarians who opposed the dealer ejected, manhandled and imprisoned?
    The administration states that the base will lead to economic and social developments. There will be new roads, new jobs, new Air Force and so on. I beg to differ.
    The United Arab Emirates is a good friend of the Somali people. The ties between Somaliland and the former Trucial States goes back centuries. It is worth remembering that the food and other basic goods from Somaliland were the lifeline of the people of Abu Dhabi, Dubai & Sharjah. Today and yesterday, the United Arab Emirates was and is the lifeline of the people of Somaliland. Somalilanders live and work in the UAE, we have a bustling trade with the UAE, and there is a large community in the UAE who trace their roots back to the Horn of Africa.

    However, a military base in Berbera, whether it is to safeguard the routes in the a Gulf of Aden, or to protect the substantial investment in the port of Berbera, is not and will not be in the interest of Somaliland.

    Lest we forget, for almost the entire duration of the defunct union with Somalia, Somaliland was to all intent and purposes a military garrison. The soldiers of the defunct Somali Republic forces harassed, oppressed and slaughtered the people of the Somaliland, eventually hiring mercenaries to bomb the major cities and their residents.
    Granted a military base in the hands of the UAE forces will not lead to such an outcome, but, it will attract the attentions of the enemies of the United Arab Emirates. Essentially, the UAE wants to fight it’s proxy wars in the Horn of Arica.
    In the 1990’s the late president, Mohamed Ibrahim Egal had the integrity and strength of character to reject Admiral Howe’s offer. He was wise enough and brave enough to ride the current backlash and look at the long term outcome, and he was proven right. Displaying image.jpg
    Today, Somaliland is not so fortunate with its leadership. But, every cloud has a silver, if this deal is forced thorough, then, Insha’Allah, future administrations and it’s leaders will have the chance to do the right thing.

    Allaa Mahad Leh

    Share
    February 20, 2017, 2:02 pm
  • Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA Oo Bogaadisay Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Maanta La Xusay.
    Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA Oo Bogaadisay Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Maanta La Xusay.
    Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA Oo Bogaadisay Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Maanta La Xusay.
    Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay maalinta Dhalinyarada Somaliland ee UFO (Hambalyona u diraysa Dhalinyarada Somalilnad)

     

    Dallada Iskuxidhka iyo wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA waxa ay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhamaan dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan Munaasabada Xuska Maalinta loo asteeyey dhalinyarada Somaliland February 20
    Maalintan oo ku wayn shacbi waynaha Jamhuuriyada Somaliland iyadoo ay ahayd Maalintii Dhagax-tuurka ee dhalinyaro reer Somaliland ahi ay kala hor tageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, iyadoo taliskaasi uu xukun ku qaaday dhalinyaradii xidhnayd eeUFO.
    Dallada isku xidhka iyo wacyigelinta dhalinyarada Somaliland ee SYNA waxa ay dhalinyarada reer Somaliland urajaynayaan in ilaahay Saanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bashbash iyo Barwaaqo.
    Dallada SYNA waxay ugu baaqeysaa Dhallinyaradda JSL inay la yimaadaan Midnimo, Wax-wada-qabsi, Afkaar toolmoon iyo Tabaruc ay xoogooda u tabo-rucaan dalkooda iyo dadkoodaba.
    Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SYNA waxay hambalyo u direysaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Dhallinyaradda Somaliland iyadoo u rajaynaysa Somaliland Guul waarta iyo Gobonimo.
    Sannad-guuro wacan, Somaliland ha jirto oo ha waarto,
    ALLAA MAHADLEH
    Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)
    Gudoomiyaha Dallada SYNA
    Burco/ Somaliland
    Syna.org@hotmail.com
    +252-63-4331708/ +252-65-9309754

    ShareThis

     

    Share
    February 20, 2017, 1:46 pm