Sanaagmedia
Maqaalo
CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
11 hours ago

  Hordhac Maansadan waxaa curiyey Abwaan Xuseen Maxamed Cali “Xuseen Farjar” Maansaduna waxay ka hadlaysaa ololihii doorashooyinka iyo dadku sida ayna xisbnimada ugu bislayn, halkay mabda’, xisbinimo iyo waxqabad ku dooran lahaayeen ayay ku doorananayaan qablyaalad hunguri, Haddaba Maansadu waxay tilmaamaysaa haduu ninku laaluush/lacag ku soo boxo oo uu ku […]

Share
  • CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
    CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
    CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar

     

    Hordhac

    Maansadan waxaa curiyey Abwaan Xuseen Maxamed Cali “Xuseen Farjar” Maansaduna waxay ka hadlaysaa ololihii doorashooyinka iyo dadku sida ayna xisbnimada ugu bislayn, halkay mabda’, xisbinimo iyo waxqabad ku dooran lahaayeen ayay ku doorananayaan qablyaalad hunguri, Haddaba Maansadu waxay tilmaamaysaa haduu ninku laaluush/lacag ku soo boxo oo uu ku helo xilka inay yartahay si uu u guto dantii caam ahaaneed ee bulshadu ka sugaysay, ilayn codkii baa laga iibiyey eh, Hadaba waatan maansadii oo dulucdeeda xambaarsan.


    Hadii caashaq guur ku galo

    Haday naftu codato inan

    Cid loo diidaad ogtahay

    Adowgeed cuud ku xidhay

    Horweyn geel lagaa cugtamo

    Haday kaa cakiranto talo

    Ilaahbaa la cuskadaa

    Awood baa la ciirsadaa

    Waxaad calalaafto iyo

    Waxaad cid kazoo heshoba

    Haddaad ka carowdo godol

    Adoo caydh lagaaga tegey

    Wax caws gooya aan lahayn

    Haddii canab aad hantido

    Adaan caantayn lahadhin

    Calaacalo madhan fadhiya

    Ninkaad cuudka siisay shalay

    Haduu soo carraabo galab

    Hadduu kuu yami caweys

    Haduu calaf kaa martiyo

    Miyaad caaniyo baruur

    Caloosha u buuxisaa.

     

    Cadkii uu kugu lahaa

    Ciskiisi miyaad guddaa

    Adaan u calool xumayn

    Haddii dhaqan lagu cabiro

    Wixii ceeb halkaa ka dhaca

    Canaano hadhow ka tami

    Bulshow u cadaalad qaad

    Cid saaroo dhab u caddee.

     

    Islaamku waxbaanu cunin.

    Abiid caado u lahayn

    Waxbaa ceeb kuu diloo

    Hadana aan cadiyad lahayn

    Ciddii caynkaa fashana

    Calaamad ku taala noqon

    Ujeedadu way cadahay

    Cadaalad hadaad rabtaan

    Bulshoy iyo cidhib danbeed

    Codkina ha iibsanina.

    Qabyaalad ha caawinina

    Ninkaad calankaa dhan iyo

    Masiirkiinii cuslaa

    Ciddiiba ku aaminteen

    Bulshoy aad cawaansan layd

    Hadii aad cago jartaan

    Codkiinii ka iibisaan

    Miyaan cidhib xumo ku jirin

     

    Cadceediba waa cadceed

    Cusaybkeeday la tami

    Caddaalad haddaad rabtaan

    Codkiinna ha iibsannina

    Qabyaalad ha caawanina

    Cisi iyo nabad loo caweyn

    Dan caamiyo cidhibdanbeed

    Inaad caafimaad leddaan

    Caddaaladna aad heshaan

    Ciddaad caawa doorataan

    Codkiinnay ku xidhan tahay

     

    Ninkii aad cawaansanlayd

    Hadaad caydh uga tagtaan

    Asuu guul culusba helo

    Kursiga caynkaa latago

    Muxuu ku caloolsamaan

    Muxuu ku cadaalad fali

    Sidaad barito uga caban

    Canaantu xagay ka qaban

    Codkii baad ka iibisoo

    Cuudkiisuu ku soo baxee.

     

    Cashuurtii halkay martiyo

    Wixii caawimo lahelay

    Hadaad ku calaacashaan

    Haddii aanu caanad qaban

    Iskuul caamiyo caqeel

    Adeegyadii caafimaad

    Cidhiidhi galaan biyuhu

    Maxaad kaga caban bulshoy

    Codkii baad ka iibisoo

    Cuudkiisuu ku soobaxee

    Canaantu halkay ka qaban

    Ujeedadu way cadahay

    Cadaalad hadaad rabtaan

    Codkiina ha iibsanina

    Qabyaalad hacaawinina

    Image result for Xuseen Farjar

    Share
    November 19, 2017, 6:51 pm
  • War Deg Deg Ah  Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka
    War Deg Deg Ah Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka
    War Deg Deg Ah  Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka

    Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay

    xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada.

    Wararka ayaa sheegaya in go’aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay ka dib markii ay guddida doorashadu ka hor istaageen in la baadho qaar ka mid ah sanduuqyadii Gabiley oo ay cabasho ka qabeen xisbigaasi.

    Image result for Wadani iyo Komishanka

    Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xisbiga Waddani uu si gaar ah u bartilmaameedsaday afar sanduuq oo lagaga codeeyey khayriyada magaalada Gabiley, kuwaas oo loo tirinayey in lagaga codeeyey kaadhadh aanay gacanta ku haysan dadkii lahaa.

    Warka ayaa intaas ku daray in markii ay muraaqibiinta xisbiga Waddani u qaabilsanaa guddida doorashadu ay damceen inay baadhaan sanduuqyadaasi ay ka hor istaageen guddida doorashada ee heer qaran,kuwaas oo muraaqibiinta xisbiga Waddani ku war geliyey inay iyagu baadheen sanduuqyadaasi oo lagu kalsoonaado, taas oo xubnaha xisbiga Waddani ka biyo diideen

    Sarakiisha iyo hogaanka sare ee xisbiga Waddani ayaa hada kulan xasaasi ah foodka isku daray

    Share
    November 19, 2017, 6:04 pm
  • Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan
    Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan
    Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan

    Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan

    “..Saaxibkay Saleebaan Maxamuud Aadanow adiga iyo Walalkay Axmed Siilaanyo waxaad joogtaan labadii boos ee daalka ugu sarreeyey, ee yaanay gacantiina ku guban Somaliland, Saleebaanow Maanta..”

    Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf

    Burco(Qaran news)-Madaxweyne Siilaanyo habar-wadaaggii rumaad, ayaa ka hadlay Xaaladda maanta Somaliland soo food-saartay iyo masuuliyadda iyo waajibaadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo ku kala fadhiya labadii Kursi ee dalka ugu sarreeyey.

    Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan gaal ugu baaqay inay Caddaaladda iyo Xaqa u hiiliyaan, isla markaana Afar Wiil oo Somaliland Sumcaddeeda dilaya aan lagu sii dayn, sidoo kale waxa uu ugu baaqay in la ilaaliyo Qarannimada, Midnimada, Wada-jirka, Nabadda Bulshada ilaaliyaan, Dalkana badbaadiyaan Maanta oo ay si cadaalad ah uga taliyaan doorashada Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay oo Xisbiga Waddani shaaciyey in Kulmiye ku Shubtay, Caddaymo kashifmayna uu soo bandhigay, Murankuna ka taagan yahay, Fadeexaddeeduna dul-hoganayso Guddiga doorashooyinka Somaliland.

    Related image

    “..Walaalkay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxan leeyahay, Ilahay waxan kaga baryayaa inaad caafimaad iyo nabad-gelyo ku dhamaysato xilkaaga. Waxad Maanta ku jirtaa Xaalad, Waqtigaagii waa gebo-gebo, ee Bi’iwaayee walaal yaanay Maanta Somaliland gacantaada ku burburin. Walal Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dhabbee tii uu kugula taliyey madaxweynihii ka horeeyey saaxibkaa Daahir Riyaale, ee dal iyo dad mideysan. Ilahay-baan kugu dhaariyee, afartaa xubnood ee lagugu dardaaray dalka ku dhiib. Madaxweyne soo celi sumcadii Somaliland oo cadaaladda ka shaqee”.

    Waxa kaloo uu intaa ku daray “..Saaxibkay Saleebaan Maxamuud Aadan adiga iyo Axmed Siilaanyo waxaad joogtaan labadii boos ee daalka ugu sarreeyey, ee yaanay gacantiina ku guban Somaliland, Saleebaanow Maanta”. Ayuu yidhi. Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf.

    Share
    November 19, 2017, 12:13 pm
  • Daawo Komishanka Maalintii Dhowaydna Jawaabtooda Waad Maqlayseen Hadana Way Qireen In Buugnu Bawaagtooda Kamid Yahay C/raxmaan Ciro
    Daawo Komishanka Maalintii Dhowaydna Jawaabtooda Waad Maqlayseen Hadana Way Qireen In Buugnu Bawaagtooda Kamid Yahay C/raxmaan Ciro
    Daawo Komishanka Maalintii Dhowaydna Jawaabtooda Waad Maqlayseen Hadana Way Qireen In Buugnu Bawaagtooda Kamid Yahay C/raxmaan Ciro

    Daawo Komishanka Maalintii Dhowaydna Jawaabtooda Waad Maqlayseen Hadana Way Qireen In Buugnu Bawaagtooda Kamid Yahay C/raxmaan Ciro

    Image result for Cabdiraxmaan Ciro

    Share
    November 18, 2017, 12:46 pm
  • Deg Deg :- Xisbiga Waddani Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Ay Gabi Ahaanba Joojiyey Wada Shaqeyntii Kominshana Soona Bandhigay Warqado Been Abuur Ah + Muuqaal
    Deg Deg :- Xisbiga Waddani Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Ay Gabi Ahaanba Joojiyey Wada Shaqeyntii Kominshana Soona Bandhigay Warqado Been Abuur Ah + Muuqaal
    Deg Deg :- Xisbiga Waddani Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Ay Gabi Ahaanba Joojiyey Wada Shaqeyntii Kominshana Soona Bandhigay Warqado Been Abuur Ah + Muuqaal

    Masuulyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee u qaabilsan kominshanka

    doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd warbaaahinta u shaaciyeen in ay gabi ahaanba ay joojiyeen wada shaqeyntii ay la lahayeen kominshanka doorashooyinka Somaliland .

    Image may contain: 3 people

     

    Image may contain: 3 people

    Xisbiga Waddani ayaa waxaa uu sabab uga dhigay wada shaqeynta ay ay joojiyeen oo kominshanka doorashooyinka ka dib markii kominshanku uu wax ka qaban waayey cabashooyin ay u gudbiyeen

    Image may contain: 2 people

    Image may contain: 1 person

    Masuulyiintani waxaa ay sheegeen in cabashooyinkaas ay ka mid tahay warqado been abuur ah oo la sameeyey isla markaana si sharci daro ah loogu codeeyey kuwaas oo ay warqadahaas u soo bandhigeen warbaahinta

    Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

    [Deg Deg] :- Xisbiga Waddani Oo  Iminka Ku Dhawaaqey In Ay Gabi Ahaanba Joojiyey  Wada Shaqeyntii Kominshana Soona Bandhigay Warqado Been Abuur Ah + [Muuqaal ]

    Share
    November 16, 2017, 2:02 pm
  • Daawo Gudida Komishnka Oo Ceerigaabo Qaybtii Ugu Danbaysay Ee Shaqaalaha Ka Anba Bixisay
    Daawo Gudida Komishnka Oo Ceerigaabo Qaybtii Ugu Danbaysay Ee Shaqaalaha Ka Anba Bixisay
    Daawo Gudida Komishnka Oo Ceerigaabo Qaybtii Ugu Danbaysay Ee Shaqaalaha Ka Anba Bixisay

    Daawo Gudida Komishnka Oo Ceerigaabo Qaybtii Ugu Danbaysay Ee Shaqaalaha Ka Anba Bixisay

    Share
    November 12, 2017, 1:11 pm
  • Daawo:Wasiir ka baxay Xukumada Kulmiye,kuna biiray Xisbiga Waddani+ Sirro uu Kashifey
    Daawo:Wasiir ka baxay Xukumada Kulmiye,kuna biiray Xisbiga Waddani+ Sirro uu Kashifey
    Daawo:Wasiir ka baxay Xukumada Kulmiye,kuna biiray Xisbiga Waddani+ Sirro uu Kashifey

    Share
    November 8, 2017, 1:41 pm
  • Daawo Waftigii Musharax Ciro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Degaanka Yubbe Ee Bariga G.Sanaag
    Daawo Waftigii Musharax Ciro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Degaanka Yubbe Ee Bariga G.Sanaag
    Daawo Waftigii Musharax Ciro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Degaanka Yubbe Ee Bariga G.Sanaag

    Daawo Waftigii Musharax Ciro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyay Degaanka Yubbe Ee Bariga G.Sanaag

    Share
    November 8, 2017, 1:04 pm
  • Daawo Muuqaaladii Saaka Soo Dhoweyntii Musharax Ciro iyo Reer Ceerigaabo
    Daawo Muuqaaladii Saaka Soo Dhoweyntii Musharax Ciro iyo Reer Ceerigaabo
    Daawo Muuqaaladii Saaka Soo Dhoweyntii Musharax Ciro iyo Reer Ceerigaabo

    Daawo Muuqaaladii Saaka Soo Dhoweyntii Musharax Ciro iyo Reer Ceerigaabo

     

    Share
    November 7, 2017, 1:41 pm
  • Daawo Musharax Muuse Biixi Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Kala Qayb galay Isu So baxa Ceerigaabo
    Daawo Musharax Muuse Biixi Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Kala Qayb galay Isu So baxa Ceerigaabo
    Daawo Musharax Muuse Biixi Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Kala Qayb galay Isu So baxa Ceerigaabo

    Daawo Musharax Muuse Biixi Oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Kala Qayb galay Isu So baxa Ceerigaabo

    Share
    November 6, 2017, 1:12 pm