Sanaagmedia
Features
CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
11 hours ago

  Hordhac Maansadan waxaa curiyey Abwaan Xuseen Maxamed Cali “Xuseen Farjar” Maansaduna waxay ka hadlaysaa ololihii doorashooyinka iyo dadku sida ayna xisbnimada ugu bislayn, halkay mabda’, xisbinimo iyo waxqabad ku dooran lahaayeen ayay ku doorananayaan qablyaalad hunguri, Haddaba Maansadu waxay tilmaamaysaa haduu ninku laaluush/lacag ku soo boxo oo uu ku […]

Share
  • CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
    CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
    CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar

     

    Hordhac

    Maansadan waxaa curiyey Abwaan Xuseen Maxamed Cali “Xuseen Farjar” Maansaduna waxay ka hadlaysaa ololihii doorashooyinka iyo dadku sida ayna xisbnimada ugu bislayn, halkay mabda’, xisbinimo iyo waxqabad ku dooran lahaayeen ayay ku doorananayaan qablyaalad hunguri, Haddaba Maansadu waxay tilmaamaysaa haduu ninku laaluush/lacag ku soo boxo oo uu ku helo xilka inay yartahay si uu u guto dantii caam ahaaneed ee bulshadu ka sugaysay, ilayn codkii baa laga iibiyey eh, Hadaba waatan maansadii oo dulucdeeda xambaarsan.


    Hadii caashaq guur ku galo

    Haday naftu codato inan

    Cid loo diidaad ogtahay

    Adowgeed cuud ku xidhay

    Horweyn geel lagaa cugtamo

    Haday kaa cakiranto talo

    Ilaahbaa la cuskadaa

    Awood baa la ciirsadaa

    Waxaad calalaafto iyo

    Waxaad cid kazoo heshoba

    Haddaad ka carowdo godol

    Adoo caydh lagaaga tegey

    Wax caws gooya aan lahayn

    Haddii canab aad hantido

    Adaan caantayn lahadhin

    Calaacalo madhan fadhiya

    Ninkaad cuudka siisay shalay

    Haduu soo carraabo galab

    Hadduu kuu yami caweys

    Haduu calaf kaa martiyo

    Miyaad caaniyo baruur

    Caloosha u buuxisaa.

     

    Cadkii uu kugu lahaa

    Ciskiisi miyaad guddaa

    Adaan u calool xumayn

    Haddii dhaqan lagu cabiro

    Wixii ceeb halkaa ka dhaca

    Canaano hadhow ka tami

    Bulshow u cadaalad qaad

    Cid saaroo dhab u caddee.

     

    Islaamku waxbaanu cunin.

    Abiid caado u lahayn

    Waxbaa ceeb kuu diloo

    Hadana aan cadiyad lahayn

    Ciddii caynkaa fashana

    Calaamad ku taala noqon

    Ujeedadu way cadahay

    Cadaalad hadaad rabtaan

    Bulshoy iyo cidhib danbeed

    Codkina ha iibsanina.

    Qabyaalad ha caawinina

    Ninkaad calankaa dhan iyo

    Masiirkiinii cuslaa

    Ciddiiba ku aaminteen

    Bulshoy aad cawaansan layd

    Hadii aad cago jartaan

    Codkiinii ka iibisaan

    Miyaan cidhib xumo ku jirin

     

    Cadceediba waa cadceed

    Cusaybkeeday la tami

    Caddaalad haddaad rabtaan

    Codkiinna ha iibsannina

    Qabyaalad ha caawanina

    Cisi iyo nabad loo caweyn

    Dan caamiyo cidhibdanbeed

    Inaad caafimaad leddaan

    Caddaaladna aad heshaan

    Ciddaad caawa doorataan

    Codkiinnay ku xidhan tahay

     

    Ninkii aad cawaansanlayd

    Hadaad caydh uga tagtaan

    Asuu guul culusba helo

    Kursiga caynkaa latago

    Muxuu ku caloolsamaan

    Muxuu ku cadaalad fali

    Sidaad barito uga caban

    Canaantu xagay ka qaban

    Codkii baad ka iibisoo

    Cuudkiisuu ku soo baxee.

     

    Cashuurtii halkay martiyo

    Wixii caawimo lahelay

    Hadaad ku calaacashaan

    Haddii aanu caanad qaban

    Iskuul caamiyo caqeel

    Adeegyadii caafimaad

    Cidhiidhi galaan biyuhu

    Maxaad kaga caban bulshoy

    Codkii baad ka iibisoo

    Cuudkiisuu ku soobaxee

    Canaantu halkay ka qaban

    Ujeedadu way cadahay

    Cadaalad hadaad rabtaan

    Codkiina ha iibsanina

    Qabyaalad hacaawinina

    Image result for Xuseen Farjar

    Share
    November 19, 2017, 6:51 pm
  • War Deg Deg Ah  Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka
    War Deg Deg Ah Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka
    War Deg Deg Ah  Xisbiga Waddani Oo Caawa Mar Kale Kala Baxay Muraaqibiintiisa Kominshanka Doorashooyinka

    Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay

    xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada.

    Wararka ayaa sheegaya in go’aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay ka dib markii ay guddida doorashadu ka hor istaageen in la baadho qaar ka mid ah sanduuqyadii Gabiley oo ay cabasho ka qabeen xisbigaasi.

    Image result for Wadani iyo Komishanka

    Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xisbiga Waddani uu si gaar ah u bartilmaameedsaday afar sanduuq oo lagaga codeeyey khayriyada magaalada Gabiley, kuwaas oo loo tirinayey in lagaga codeeyey kaadhadh aanay gacanta ku haysan dadkii lahaa.

    Warka ayaa intaas ku daray in markii ay muraaqibiinta xisbiga Waddani u qaabilsanaa guddida doorashadu ay damceen inay baadhaan sanduuqyadaasi ay ka hor istaageen guddida doorashada ee heer qaran,kuwaas oo muraaqibiinta xisbiga Waddani ku war geliyey inay iyagu baadheen sanduuqyadaasi oo lagu kalsoonaado, taas oo xubnaha xisbiga Waddani ka biyo diideen

    Sarakiisha iyo hogaanka sare ee xisbiga Waddani ayaa hada kulan xasaasi ah foodka isku daray

    Share
    November 19, 2017, 6:04 pm
  • Daawo Ciidamada Putland Oo Qaybo kamida Xadka Somaliland Gudaha U Soo galay iyo Moogananta Xukumada Somaliland
    Daawo Ciidamada Putland Oo Qaybo kamida Xadka Somaliland Gudaha U Soo galay iyo Moogananta Xukumada Somaliland
    Daawo Ciidamada Putland Oo Qaybo kamida Xadka Somaliland Gudaha U Soo galay iyo Moogananta Xukumada Somaliland

    Daawo Ciidamada Putland Oo Qaybo kamida Xadka Somaliland Gudaha U Soo galay iyo Moogananta Xukumada Somaliland

    Share
    November 19, 2017, 12:29 pm
  • Daawo Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey In la xoogay Natiijada Doorashada Musuqna Aanu ka Madhnayn
    Daawo Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey In la xoogay Natiijada Doorashada Musuqna Aanu ka Madhnayn
    Daawo Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey In la xoogay Natiijada Doorashada Musuqna Aanu ka Madhnayn

    Daawo Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyey In la xoogay Natiijada Doorashada Musuqna Aanu ka Madhnayn

    Share
    November 19, 2017, 12:07 pm
  • ” Doorashada Laguma Dhawaaqi Karo Inta Tabashada La Dhameynaayo ..” Musharax Ciro + Muuqaal
    ” Doorashada Laguma Dhawaaqi Karo Inta Tabashada La Dhameynaayo ..” Musharax Ciro + Muuqaal
    ” Doorashada Laguma Dhawaaqi Karo Inta Tabashada La Dhameynaayo ..” Musharax Ciro + Muuqaal

    Image result for musharax ciro

    Share
    November 19, 2017, 12:01 pm
  • Deg Deg Daawo Xil Saleebaan Cali Koore Oo Hada Ka Hadlay Arimaha Doorashada Somaliland
    Deg Deg Daawo Xil Saleebaan Cali Koore Oo Hada Ka Hadlay Arimaha Doorashada Somaliland
    Deg Deg Daawo Xil Saleebaan Cali Koore Oo Hada Ka Hadlay Arimaha Doorashada Somaliland

    Deg Deg Daawo Xil Saleebaan Cali Koore Oo Hada Ka Hadlay Arimaha Doorashada Somaliland

    Share
    November 19, 2017, 10:42 am
  • Dawlada Masar Oo Sheegtay In Biyaha Wabiga Nile-Ku Ay Lama Taaban Karo
    Dawlada Masar Oo Sheegtay In Biyaha Wabiga Nile-Ku Ay Lama Taaban Karo
    Dawlada Masar Oo Sheegtay In Biyaha Wabiga Nile-Ku Ay Lama Taaban Karo

    Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

    Dawlada Masar Oo Sheegtay In  Biyaha  Wabiga Nile-Ku Ay Lama Taaban Karo

    Madaxweyne al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay labada Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.
    Share
    November 19, 2017, 9:58 am
  • Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartey War Bixin Ay Kaga Hadlayso Saldhiga Berbera Iyo Dp World, Shaacisayna Lacagta Baashe Cawil Loo Soo Dhiibay Tiradeeda + Lacagtii ….
    Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartey War Bixin Ay Kaga Hadlayso Saldhiga Berbera Iyo Dp World, Shaacisayna Lacagta Baashe Cawil Loo Soo Dhiibay Tiradeeda + Lacagtii ….
    Kooxda UN Monitoring Group Oo Soo Saartey War Bixin Ay Kaga Hadlayso Saldhiga Berbera Iyo Dp World, Shaacisayna Lacagta Baashe Cawil Loo Soo Dhiibay Tiradeeda + Lacagtii ….

    Kooxda Un Monitoring Group ayaa warbixinteedii sanadlah ahayd oo lasoo dhajiyya todobaadkan dhamaaday waxa ay qaybi kamid ah kaga hadashay Somaliland,gaar ahaana saldhiga Milateri ee Imaaraadka laga siiyay Berbera iyo heshiiska ay Dp World kula wareegtay dekeda Berbera.

    Image result for Baashe Cawil

     

    Warbixinta waxa lagu sheegay in codayntii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska Dp World iyo waliba codkii ay labada gole Baarlamaan ku meel mariyeen heshiiska Saldhiga Milateri iyo Dekeda Berbera ay banaanka usoo saareen walaac musuq maasuq oo laga qabo in si khaldan loo isticmaalo hantida qaranka Somaliland.

    Warbixinta waxa lagu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu wakiilka Somaliland ee UAE Baashe Cawil oo uu madaxwayne Siilaanyo Sodog u yahay ay soo mariyeen Shan Milyan oo DOllar oo ku socotay wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan taas oo lagu sheegay inay tahay horumarinta 15 Milyan oo Dollar oo ah kharashka kiradda dekeda.

    Warbixintan waxa lagu ladhay sawir wasiir Samsam Cabdi Aadan oo gudoomiyaha Baanka Maxamed Cabdi ku wareejinaysa lacag Shan Milyan oo Dollar ah.

    Warbixintan sidoo kalena waxa lagu sheegay in xildhibaanadii ansixiyay heshiiska Dekeda la siiyay min 15000 $ (Shan Iyo Toban Kun oo Dollar) ,iyada oo xildhibaanada mucaaradka ah ee WADDANI ay warbixintu sheegtay in loo soo mariyay gudoomiye ku xigeenkii wakhtigaasi ee Baarlamaanka haddana ah gudoomiyaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

    Sidoo kalena ansixinta saldhiga Milateri waxa xildhibaan kaste la siiyay 10,000$ (Toban Kun oo Dollar) .

    Waxa warbixinta lagu sheegay in 9-kii May 2016 in ergo ka socotay Somaliland iyo Imaaraadku heshiis is faham ah kala saxeexdeen kaas oo ku saabsanaa dekeda magaalada Berbera.Warbixintu waxay sheegtay in sida heshiiska ka muuqatay ay Dp World harumarin ku samayn doonto dhulka suuqa xorta ah ee Berbera,maal gashi iyo horumarina ku samayn doono dekeda,sidoo kalena ay dawlada SOmaliland ka taageeri doonto dhismaha jidka Berbera ku xidha xuduudka Itoobiya.

    Waxa kale oo warbixintan lagu soo qaaday sida ay Dp World iyo dawlada Somaliland u kala leeyihiin saamiga heshiiska dekeda Berbera.Warbixinta oo ka hadlaysa fadhigii golaha wakiilada ee lagu ansixiyay heshiiskii dekeda Berbera ay Dp World kula wareegtay waxa lagu yidhi

    ” 9-August 2016 golaha wakiilada SOmaliland ayaa shir ku yeeshay Hargeysa,73 xubnood ayaa goob joog ahaa,sagaal xubnood ayaana ka maqnaa,Shir gudoonkii golaha ayaa xildhibaanada ku wargeliyey in madaxwaynuhu uu Dp World u doortay inay horumarin ku samayso dekeda Berbera,xildhibaanada waxa lagu war geliyey in Dp World ay soo bixisay 5 Milyan Oo Dollar oo ah wajigii hore ee 15 Milyan oo Dollar oo ah kharashkii wareejinta dekeda Berbera,taas oo ay wasiirada maaliyadda Samsam Cabdi Aadan usoo marisay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil oo ah wiil uu madaxwayne Siilaanyo sodog u yahay”.

    Warbixintu waxay intaasi raacisay “Waxa kale oo markaas lagu dhawaaqay in dhamaan xildhibaanada mashruucan taageera la siin doono midkiiba 15,000$ (Shan iyo Tobban Kun Oo Dollar).Codkii la qaaday wuxuu ku ansaxay 69 xildhibaan oo ogolaaday iyo Afar kasoo horjeestay,xubnaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxay kooxdan Un Monitoring Group u sheegeen in qaybtooda loo soo mariyay Baashe Maxamed Faarax oo markaasi ahaa ku xigeenka koowaad ee gudoomiyaha wakiilada Somaliland”.

    Warbixinta UN Monitoring Group oo kasii hadlaysa fadhigii labada gole ee uu gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ee la ansixiyay saldhiga Miateri ayaa lagu yidhi .

    “12 February 2017,waxa labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) loo qabtay fadhi lagaga wada hadlayay saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ee Berbera,gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hagayay fadhiga.Wuxuu xildhibaanada ku war geliyey in madaxwaynuhu golaha soo hordhigay codsi ah in ay ansixiyaan saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta,ka hor cod qaadista, 8 xubnood oo WADDANI ah oo kasoo horjeestay heshiiska ayay ciidamada amaanku si cad uga saareen dhismaha Baarlamaanka,waxaana uu codkii noqday 144 ansixiyay iyo laba kasoo horjeestay. Xildhibaanadii u codeeyey heshiiska Saldhiga waxa la siiyay 10,000 $ (Toban Kun Oo Dollar),Baashe Maxamed Faarax ayaa mar labaad lacagta u qaybiyay xubnihii WADDANI”.

    Warbixintan UN Monitoring Group waxay sheegtay in labadaasi fadhi ee lagu ansixiyay dekeda Berbera iyo Saldhiga Milateri ay banaanka soo dhigeen walaaca laga qabo in hantida Qaranka si khaldan loo isticmaalo.

    “Marka lagu daro raadadka ka dhalan kara cuna qabataynta hubka,waxa dheer in labadaasi codaynood ay kor usoo qaadeen walaacii la xidhiidhay musuq-maasuqa iyo suurtogalnimada in si qaldan loo isticmaalo ilaha dhaqaalaha ee dalka”sidaas ayay tidhi Warbixinta UN Monitoring Group

    Share
    November 19, 2017, 9:54 am
  • Hogaamiyihii Kenyaanka ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Ururka
    Hogaamiyihii Kenyaanka ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Ururka
    Hogaamiyihii Kenyaanka ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Ururka

    Warbxin la hellay ayaa lagu sheegay in hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo jeeda daka Kenya uu doonayo inuu kooxda ka tago, isagoo baxsad ah, kaddib markii ay isku dhaceen hoggaanka Al-Shabaab.

    Wargeyska Standard Media oo soo xiganaya War Sir ah oo la hellay ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab.

    Axmed Imaan iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu u socdo wada hadal la doonaayo in dib loogu celiyo dalka Kenya si uu u sii wado hawlgalada ka dhanka ah dowladda Kenya.

    Hogaamiyahan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin dollar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.

    Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaaftay toogtay dhawr nin oo ka tirsan iyaga, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin u ahaayeen reer Galbeed iyo dowladda Kenya.

    Share
    November 19, 2017, 9:52 am
  • Mustaqbalka Mugabe oo maanta go’aan laga gaarayo
    Mustaqbalka Mugabe oo maanta go’aan laga gaarayo
    Mustaqbalka Mugabe oo maanta go’aan laga gaarayo

    Labo kulan oo xasaasi ah ayaa maanta la filayaa in ay dalka Zimbabwe ka dhacaan, si go’an looga gaaro mustaqbalka Madaxweyne Mugabe.

    Saacadaha soo socda Mr Mugabe waxa uu la kulmi doonaa madaxda ciidamada la wareegay awoodda dalkaasi.

    Kulamadani ayaa la filayaa in Mugabi lagu cadaadiyo in uu xilka ka dago.

    Hogaamiyayaasha xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee Zanu Zanu-PF ayaa ka wadaxaajoon doona in Mugabi laga qaado xilka hogaamiyaha xisbigaasi.

    Wadahadalada ayaa noqon doona kuwa ku qotama waxa laga yeelayo mustaqbalka madaxwayne Robert Mugabi.

    Kulamada maanta dhacaya ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalintii shalay ahayd ay dibadbaxyo balaaran ka dhaceen magalooyiinka waawayn ee Zimbabwi ,kuwaasi oo mugabi ugu baaqayay in uu xilka ka dago.Robert Mugabe waxa uu Zimbabwe ka talinayay tan sanaddii 1980

    Balse wararka ka imanaya dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in Mr Mugabe, oo xabsi guri ku jira lagu wado in uu ku gacan sayro baaqa ah in uu iscasilo.

    Caqabada imika haysata militariga Zimbabwe ayaa ah in ay ku gulystaan sidii ay ugu qancin lahaayeen Mugabi in uu xilka baneeyo.

    Si kastaba ha ahaatee dadka reer Zimbabwe ayaa cadeeyay in aysan doonayn Mr Mugabi iyo xaaskiisa Grace oo uu doorbidayay in ay badasho marka uu xilka ka dago.

    Share
    November 19, 2017, 9:49 am