Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Baahinta Wararkiisa Kooto Ugu Xidhay Saxaafad Gaar Ah Iyo Warbaahintii Kale Oo Uu Takooray
Sanaagmedia

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Baahinta Wararkiisa Kooto Ugu Xidhay Saxaafad Gaar Ah Iyo Warbaahintii Kale Oo Uu Takooray

February 14, 2018 10:13 am in Features, News.  by .

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Baahinta Wararkiisa Kooto Ugu Xidhay Saxaafad Gaar Ah Iyo Warbaahintii Kale Oo Uu Takooray

Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi

ayaa waxaa uu baahinta wararkiisa uu kooto ugu xidhay isla markaana uu u yeedha oo kaliya telefishano gaar ah kuwaas oo badankooda laga leeyahay Somaliland.

Image result for wasiirka cusub ee maaliyada Somaliland

Wasiirka ayaa waxaa uu takooraa isla markaana wasaaradiisa laga celiyaa markuu hadalaayo inta badan saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ka hawl gasha .

 

Faquuqan uu warbaahinta qaarkood ku sameynaayo wasiirka maaliyadu ayaa waxaa ugu danbeysay maanta oo uu wasiirku la hadlay warbaahinta , taas oo uu warbaahin gaar ah u yeedhay halka saxaafadeeda inteedi badneedan dibada la dhigay

Lama garnaayo ujeedka uu wasiirka maaliyada sidaas u sameynaayo iyo waxa uu ka baqanaayo ee uu warbaahinta madaxa banaan badankeeda uga gabanaayo

Share