Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dawlad La’aani Ka Jirto Dhul Ka Mid Ah Somaliland + Waa Halkee
Sanaagmedia

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dawlad La’aani Ka Jirto Dhul Ka Mid Ah Somaliland + Waa Halkee

February 14, 2018 11:59 am in Features, News.  by .

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dawlad La’aani Ka Jirto Dhul Ka Mid Ah Somaliland + Waa Halkee

Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dawlad La’aani Ka Jirto Magaalada Buuhoodle.

 

Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa ka soo laabtay gobolka Buuhoodle, halkaas oo uu maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in uu soo arkay degaanno ka arradan adeegga dawladda, islamarkaana aanay jirin jaho ay haystaan,Wasiirka oo Burco kula hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in dhulkaasi u baahan yahay in hadda wax laga qabto

“Dadkaas xaaladdooda ayaan eegayay Image may contain: one or more peoplesidii nabadda iyo horumarka dawladdan cusub wax uga qaban lahayd ayaan u tagay,Anigu meesha uguma tagin caafimaad shaqaynaya oo dawladeed, uguma tagin biyo shaqaynaya, cid kale oo meesha ka shaqaysa ma arag wax kale oo ka socdana ma arag, meel wax walba ay isku burbureen oo baahi taallo oo dhibaato weyn naga qabsatay oo imika u baahan in dib loo habeeyo nooc ay tahayba weeye,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Mr Qambi waxa uu sheegay in bulshadaasi tahay mid aan jahaba la haysan nidaamka dawladnimada “Meel jaho haysata iyo meel meel ku xidhan iyo meel dawlad ku xidhan midna ma arag. Biyo ma jiraan oo qaxoonti ayaa dhulka qabsaday oo dad la yidhaahdo isdabar oo xoolo beelay ayaa dhulkiiba qabsaday marka Illaahay haddii laga yaabo meel wax jiraan maaha.”

Share