Wasaarada Warfaafinta ,Telefishanka , Idaacada Iyo Wargeyska Dawlada Oo Ay Maamulaan Masuulyiin Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Muuse Biixi
Sanaagmedia

Wasaarada Warfaafinta ,Telefishanka , Idaacada Iyo Wargeyska Dawlada Oo Ay Maamulaan Masuulyiin Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Muuse Biixi

February 14, 2018 10:15 am in Features, News.  by .

Wasaarada Warfaafinta ,Telefishanka , Idaacada Iyo Wargeyska Dawlada Oo Ay Maamulaan Masuulyiin Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Muuse Biixi

Dawlada Somaliland waxaa ay leedahay isla markaana ay maamuusha warbaahin afkeeda ku hadasha isla markaana isku jirta Wasaarada , Telefishan , Idaacada Iyo Wargeys .

Dhamaan warbaahintaasi kala duwan waxaa ka shaqeeya shaqaale badan taas oo warbaahin waliba ay leedahay masuulyiin sar sare ee maamusha .

Hadaba bulshada Somaliland ayaa waxaa ay maalmihii ugu danbeeyey ay falaqeynsay isla markaana ay cadaalad daro iyo sad barsi ku sifeeyeen dhamaan masuulyiinta ugu sareeya warbaahinahaas dawlada oo noqdey mid ay maamulaan Masuulyiin ka soo jeeda Beesha madaxweyne Muuse waxaana ay masuulyiintu kala yahiin

1. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo – Sacad Muuse

2. Mareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cakule – Sacad  Muuse

3. Maareeyaha Wargeyska Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayyid ) – Sacad Muuse

4. Maamulaha Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumad – Sacad Muuse

Arintan ayaa waxaa ay tusaale u noqon kartaa sad bursi inta badan bulshada Somaliland ku eedeyaan in madaxweyne Muuse Biixi ay beeshiisu kaga badan tahay beelaha kale dhinaca mansab-yada siyaada .

Sidoo kale arintan ayaa waxaa ay u muuqan kartaa in madaxweyne Muuse Biixi uu Agaaga laga difaacayo xukuumadiisa ay u joogan masuulyiin ay isku beel yahiin , iyada oo  dhanka kale dadka qaar ay ku doodan in mansab yadii ay heysteen masuulyiinta ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse Biixi uu madaxweynuhu qaar kale ugu sii daray markii uu talada dalka qabtey Wasaarada Warfaafinta ,Telefishanka , Idaacada  Iyo Wargeyska Dawlada Oo Ay Maamulaan Masuulyiin Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Muuse Biixi

Share