Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safar Ku Imanaya Garoowe Iyo Suurtogalnimada In Uu Ku Soo Xad Gudbo Somaliland Oo Uu Soo Gaadho Sanaag Bari
Sanaagmedia

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safar Ku Imanaya Garoowe Iyo Suurtogalnimada In Uu Ku Soo Xad Gudbo Somaliland Oo Uu Soo Gaadho Sanaag Bari

January 6, 2018 12:08 pm in Features, News.  by .

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Safar Ku Imanaya Garoowe Iyo Suurtogalnimada In Uu Ku Soo Xad Gudbo Somaliland Oo Uu Soo Gaadho Sanaag Bari

Madaxweynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la  filayaaa inuu soo gaadho magaalada Garoowe ee maamulka Puntland , halkaas oo hada laga dareemaayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa .

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhulka Puntland ku sugnaan doono Muddo Afar Maalmood ah waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu booqasho ku tagi doono deegano ka tirsan gobalka Sanaag ee Somaliland , Gaar ahaan Sanaag Bari .

Image result for Farmaajo Oo Safar Ugu Baxay

 

Wararka ayaa sheegaya inuu waftiga Farmaajo hordhac u ahaa wasiirkii qorsheynta Somaliya ee dhawaan Socdaalka ku yimid gobalka Sanaag , kaas oo kulmo uu la yeeshay odayaasha deeganka iyo wax garadka u sheegay in madaxweyne Farmaajo soo booqan doono jidka isku xidha Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo oo uu sheegay in dawlada Moqdisho ay lacag ku dareyso dhismaha jidkaas.

Mr Farmaajo ayaa waxaa uu furi doonaa mashariic ka hir galay Puntland oo lala sugaayey inuu isagu furo sida dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyey madaarka Garoowe , waxaana uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Puntland .

Dawlada Puntland ayaa la eegi doonaa talabada ay qaado hadii Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado deegano ka tirsan Somaliland , iyadoo xukuumadu socdaalkii wasiirka qorsheynta ku tilmaantey daandaansi

Share