MAXAAD KA TAQAANAA SADEXDA WASIIR EE KUSOO BIIRAY GOLAHA WASIIRADA SOMALIA
Sanaagmedia

MAXAAD KA TAQAANAA SADEXDA WASIIR EE KUSOO BIIRAY GOLAHA WASIIRADA SOMALIA

January 5, 2018 10:16 am in Features, News.  by .

MAXAAD KA TAQAANAA SADEXDA WASIIR EE KUSOO BIIRAY GOLAHA WASIIRADA SOMALIA

Laba wasiir waxay horey xilal uga soo qabteen dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, balse midka saddexaad waa nin ku cusub siyaasadda oo ganacsade ah.

Halkan ka akhriso taariikhdooda oo kooban:

  • Axmed Ciise Cawad:

Waa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Maraykanka. Wuxuu wax ku bartay Canada. Ka hor intii uusan noqon safiirka Soomaaliya ee Washinton, wuxu Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyey Suudaanta Koofureed. Isaga iyo Juxa waxay ka soo wada jeedaan deegaanada Puntland.

  • Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye):

Wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta ee xukuumaddii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirnimada ka sokow, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan.

Muddo dheer ayuu joogay koofurta, si toos ah iyo si dadbanna uu ugu jiray siyaasadda. Waxay isaga iyo Khadra Axmed Ducaale ka soo jeedaa Caynaba

  • Cabdi Maxamed Sabriye:

Waa injineer ka qalin jabiyey jaamacadda umadda Soomaaliyeed, waana ganacsade. Wuxuu takhasus waxbarasho u aaday 1986 jaamacad ku taalla New castle UK.

Inta badan siyaasadda laguma yaqaanno, waxay isku deegaan yihiin Yusuf Garaad, wuxuuna qaraabo dhow la yahay Cabdiraxmaan cabdi Shakuur oo dowladda uu khilaaf kala dhexeeyo.

Wuxuu dano ganacsi ku leeyahay shirkadda isgaarsiinta ee Nationlink. Dadka yaqaanna waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin qunyar socod ah

Share