Khilaaf Ka Dhex-Qarxay Maayirka Berbera Iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose + Arimaha La Isku Maan Dhaafey
Sanaagmedia

Khilaaf Ka Dhex-Qarxay Maayirka Berbera Iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose + Arimaha La Isku Maan Dhaafey

January 1, 2018 11:56 am in Features, News.  by .

Khilaaf Ka Dhex-Qarxay Maayirka Berbera Iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose + Arimaha La Isku Maan Dhaafey

Khilaaf ba’an, ayaa la sheegay inuu ka Dhex-qarxay Maayirka Magaalada

Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin iyo Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Kuwasoo isku maandhaafay dhaqaale tiro badan oo kasoo baxay dhul Dan-guud ah oo waqtigii Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay wada cuneen, isla markaana siffo qarsoodiyo uga wada Iibiyeen ganacsato waaweyn.

Image may contain: 2 people

 

Khilaafkan cusub ee la weriyey inuu ka dhex curtay Maayirka iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin, ayaa la sheegay in ismaandhaf ka taagan yahay lacago boqolaal kun oo Doolar oo ay si dadban ugu shubteen Acounno ku yaala dalka Jabuuti.

Warar u dhuun-daloola khilaafkan, ayaa intaa raaciyey inuu istaagay wada shaqeyntii iyo hawlmaalmeedkii shaqada Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera. Iyadoo aanu muddo sadex maalmood ah Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin usoo shaqo tagin

Share