Mareykanka Oo Cunaqabatayn La Saaray Laba Nin Oo Uu Sheegay In AY Gantaallada U Hormariya Kuuriyada Waqooyi + Sawiro
Sanaagmedia

Mareykanka Oo Cunaqabatayn La Saaray Laba Nin Oo Uu Sheegay In AY Gantaallada U Hormariya Kuuriyada Waqooyi + Sawiro

December 27, 2017 12:52 pm in Features, News.  by .

Mareykanka Oo Cunaqabatayn La Saaray Laba Nin Oo Uu Sheegay In AY Gantaallada U Hormariya Kuuriyada Waqooyi + Sawiro

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay

, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dalka ku hogaamiyay in uu hormariyo gantaalladiisa nukliyeerka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay magacyada Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol iyada oo ku sheegtay “in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

Image may contain: 2 people, people smiling

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh saaray Kuuriyada Waqooyi Jimcihii, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabo dagaal” ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Labadan nin ee cunaqabataynta la saaray ayaa si joogto ah loogu ag sawiraa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un markaste oo gantaal la tijaabinayo.

Sannadkii horana dalkaasi wuxuu tijaabiyay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Share