Daawo :- Qaramada Midoobay Oo Qaraar Ku Diiday Aqoonsiga Trump Ee Qudus + Tirada Dalalka Diidey Iyo Kuwa Ogolaadey
Sanaagmedia

Daawo :- Qaramada Midoobay Oo Qaraar Ku Diiday Aqoonsiga Trump Ee Qudus + Tirada Dalalka Diidey Iyo Kuwa Ogolaadey

December 22, 2017 11:41 am in Features, News.  by .

Daawo :- Qaramada Midoobay Oo Qaraar Ku Diiday Aqoonsiga Trump Ee Qudus + Tirada Dalalka Diidey Iyo Kuwa Ogolaadey

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn u taageeray

qaraarka Maraykanka ugu baaqaya in uu ka laabto in uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Qaraarkan oo dhaqangalintiisu aysan qasab ahayn waxaa meelmariyay 128 dal, waxaa ka aamusay35 dal waxaana ka soo horjeedsaday 9 dal.

 

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku hanjabey in uu kaalmada dhaqaale ka jari doono dalalka taageera qaraarkaas.

Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsaday Maraykanka, Israa’iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.

Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico

Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka. , waxaana Codayntana ka soo xaadirin 21 dal.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

[Daawo] :-  Qaramada Midoobay Oo Qaraar Ku Diiday Aqoonsiga Trump Ee Qudus + Tirada Dalalka Diidey Iyo Kuwa Ogolaadey

Share