Madaxwaynaha Masar Oo Xabsiga Dhigay Sargkal Ka Tirsan Ciidamada Milatariga Oo Shaaciyay In Uu Isku Sharaxayo Jagada Madaxwaynaha Dalkaas
Sanaagmedia

Madaxwaynaha Masar Oo Xabsiga Dhigay Sargkal Ka Tirsan Ciidamada Milatariga Oo Shaaciyay In Uu Isku Sharaxayo Jagada Madaxwaynaha Dalkaas

December 20, 2017 6:49 pm in Uncategorized.  by .

Madaxwaynaha Masar Oo Xabsiga Dhigay Sargkal Ka Tirsan Ciidamada Milatariga Oo Shaaciyay In Uu Isku Sharaxayo Jagada Madaxwaynaha Dalkaas

Maxkamada Militariga Masar ayaa 6 sano ku xukuntay Korneyl ka tirsan

Militariga oo isu sharaxay xilka Madaxweynaha ee doorashooyinka sanadka soo socda.

Col. Ahmed Konsowa ayaa bishii hore muuqaal uu soo saaray ku shaaciyey inuu isu taagayo Doorashada Madaxweynaha, balse waxaa si deg degleh u xiray ciidamada booliiska Militariga.

 

Korneylkan ayaa 15kii maalmood ee lasoo dhaafay ku jiray xabsi ay leeyihiin militariga Masar.

Salaasadii shalay ayaa maxkamada lasoo hortaagay sarkaalkan doonayey inuu la tartamo Madaxweynaha xilka haya ee Cabdifatax Al Sisi oo isaguna kamid ahaa militariga dalkaasi.

Maxkamada ku xukuntay Sarkaalkan xabsiga lixda sano ah ayaa sheegtay inuu go’aanka sarkaalka uu ka horimaanayo sharciga u yaal militariga wadankaasi.

Col.Konsowa ayaa muuqaalkii uu ku shaaciyey qorshihiisa doorashada ku sheegay inuu tan iyo sanadkii 2014 codsanayey in laga fasaxo xilka uu militariga u hayo si uu siyaasada u galo, balse ay militariga ka diideen. Wuxuuna sheegay in uu wax badan ka bedali doono caqabadaha amniga iyo siyaasada ee dalkaasi soo wajahaya.

Sarkaalkan ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada xiligan ay dowlada dooneyso inay ku xaliso arrimaha argagaxisada oo uu sheegay inay tahay mid Qadiim ah oo laga tagay balse tilaabooyinka dowlada qaadeyso ay yihiin kuwo uun sii dhiirigelinaya inay argagaxisada kusii faafto dalkaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Image result

Share