Moqdisho : Ciidamada NISA Oo Xalay Weeraray Guriga Xildhabaan C/Raxmaan C/Shakuur Isla Markaana Xabsiga Dhigay Isaga Oo Dhawaac Ah + Akhriso
Sanaagmedia

Moqdisho : Ciidamada NISA Oo Xalay Weeraray Guriga Xildhabaan C/Raxmaan C/Shakuur Isla Markaana Xabsiga Dhigay Isaga Oo Dhawaac Ah + Akhriso

December 18, 2017 9:53 am in Features, News.  by .

Moqdisho : Ciidamada NISA Oo Xalay Weeraray Guriga Xildhabaan C/Raxmaan C/Shakuur Isla Markaana Xabsiga Dhigay Isaga Oo Dhawaac Ah + Akhriso

Ciidamada Nabadsugida Somaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay Siyaasiga

C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaddib markii ay weerareen Guri uu ka degenaa magaalada Muqdisho oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida oo watay gaadiidka dagaalka ay xalay saqdii dhexe weerareen gurigiisa, iyadoo la maqlayay rasaas culus oo ay is weydaarsadeen Ilaaladiisa iyo Ciidamadii Nabadsugida.

Image result for Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Is rasaaseynta kaddib Ciidamada NISA ayaa u suuragashay inay la wareegaan gurigiisa, kaddibna ay ka soo kaxeeyaan, wararka ayaa sheegaya in la xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in is rasaaseynta lagu dilay afar ka mid ah Ilaalada C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan C/fataax Geesey oo xilliga la weeraray la joogay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaadhay gacanta midig.

C/raxmaan C/shakuur ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole lagu mucaaradayo dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay uu shirar dhowr ah ugu qabtay Hotelo ku yaalla Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo hada wax war oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka iyo Xukuumadda oo ku aadan howl galka xalay lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Share