Inta Badan Wadooyinka Magaalada Moqdisho Oo Saaka Xidhan , Kadib Weerarkii Xalay Lagu Qaadey Guriga Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Sanaagmedia

Inta Badan Wadooyinka Magaalada Moqdisho Oo Saaka Xidhan , Kadib Weerarkii Xalay Lagu Qaadey Guriga Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur

December 18, 2017 9:51 am in Features, News.  by .

Inta Badan Wadooyinka Magaalada Moqdisho Oo Saaka Xidhan , Kadib Weerarkii Xalay Lagu Qaadey Guriga Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxaa saaka xiran waddooyin dhowr ah oo halbowle u ah

isu socodka magaalada Muqdisho, iyadoo saaka la soo dhoobay ciidamo fara badan oo gaadiidka dagaalka wata.

Sida ay sheegayaan wararka meelaha xiran ayaa waxaa ka mid ah isgoyska KM4 illaa Zoobe, Banaadir dhanka wadada aada Tarbuunka, iyo qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama.

 Inta Badan Wadooyinka Magaalada Moqdisho Oo Saaka Xidhan , Kadib Weerarkii Xalay Lagu Qaadey Guriga Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Ciidamada ayaa feejignaan la geliyay, iyadoo la sheegayo in dadka ay ka shakiyeen iyo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay istaajinayeen, dabadeedna ay su’aalo weydiinayeen.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dadweynaha laga celinayo meelaha qaar ee ciidamada ku sugnaayeen, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo lugeynaya.

Lama oga sababaha saaka loo xiray waddooyinka, waxaase ay ku sii aadeysaa, xilli xalay Ciidamada Nabadsugida ay weerar ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur, dabdeedna ay xabsiga u taxaabeen.

Share