DAD WAYNAHA DAGMADA DAARASALAAM PUNLTNAD OO KA MUDAHAARAADAY FARAGALIN MASHAARIICDII DAGMADA
Sanaagmedia

DAD WAYNAHA DAGMADA DAARASALAAM PUNLTNAD OO KA MUDAHAARAADAY FARAGALIN MASHAARIICDII DAGMADA

December 13, 2017 9:56 am in Features, News.  by .

DAD WAYNAHA DAGMADA DAARASALAAM PUNLTNAD OO KA MUDAHAARAADAY FARAGALIN MASHAARIICDII DAGMADA

Maamulka puntland oo ah maamul hana qaaday oo ku guulaystay,midnimada iyo wada jirka bulshada ilaaliyayna amaanka guud ee dagaanada puntland ay maamusho.walaw ay dad badini qabaan in maamulku uusan ku fidin dagaanada puntland oo uu san gaarin meel walba,in kastoo warkaasi wax ka jiraan hadana waxaa la orankaraa maamuladii la dhisay way dadaaleen.marka laga eego dhanka hormarka hadii aynu barbar dhigno inta ay jirtay maamul ahaan puntland waxaa la orankaraa waa gaabis.waxaana uugu wacan musuqmaasuq ka jira maamulada oo inta badan dhaqaalaha ku bixiya meel aan iyagana waxba u tarin oo ah jeeb shaqsiyaal dantii dad waynaha seejiyay ee ahayd danta guud.

Musaaq maasuqa hada xarka goostay waxaa kamid ah in xataa mashaariicdii hormarineed ee dagmooyinka lagu tagri falo oo loo maareeyo si guracan.Tusaale hadaan u soo qaadano Magaalada DAARASALAAM oo kutaal gobolka Mudug Kana tirsan degmada Goldogob ayaa ah magaalo camiran oo si wanaagsan u dhisan dad bdanina ku nool yahay ee reer puntland ah.Magaalada waxaa yimid madaxwayne faroole iyo madaxwayne cabdi wali,dawladii faroole ayaa u sixiixday magaalada oo ubalan qaaday in laga dhisayo maxajar iyo kastam.dawladu waa calaamadisay halka laga dhigayo waana lasugayay mudo dheer.dawladii dr cabdiraxmaan faroole markii ay meesha ka baxday waxaa yimid arin lala yaabay oo ah in mashaariicdii laga leexiyay daarasalaam.

Magaranayno waxa loo afduubay mashaariicdaas?Waxaan si cad u sheegaynaa ninka ah wasiirka xanaanada xoolaha Cabdulaahi Shiikh Axmed oo ah nin hada kahor laga cayriyay wasaarada maaliyada arimo musuqmaasuq la xariira ah ayaa leh eedaan oo ka shaqeeyay iska horkeenka dagaanka iyo dawlada puntland.dagamada daarasalaam wax garadkeedu waxay u arkaan in arinkaan oo aanu aamin sanahay in dawladu bari ka tahay laakiin shaqsigaasi uu sixun uugu tagri falay mashaariicdii loo qoondeeyay ee ay lahayd dagmada daarasalaam.waxaanu dacwad ka nahay shaqsigaa shaatigii dawlada u adeegsaday danihiisa gaarka ee guracan kana dhanka ah dagmada daara salaam.

Waxaana rabnaa in sharciga la horkeeno maxaa yeelay nina sharciga kama wayna puntland maha meel nin walbaa waxa uu doono uu iska sameeyo oo ku tunto sharciga.madaxwaynaha iyo madax wayne ku xigeenka waxaan ka codsanaynaa in ay arinkaa soo fara galiyaan sharcigana la mariyo gabood falka uu dagmada u geestay wasiirkaas xanaanada xoolaha.intaa wixii ka danbeeya waa in dagmada laga hirgaliyaa siday balantu ahayd mashaariicdii loogu talagalay ee hore loo qoon deeyay.Magalada daarasalaam waa magaalo nabadeed waxayna raacsan tahay oo hiil iyo hooba la garab taagan tahay dawlada iyo shacabka puntland ee nabada jecel.Magaalada daarasalaam cidna gorgortan kalama galayso in mashaariicdii lagu soo celiyo magaalada waxaana ka digaynaa cidkastoo arintaa fidna ka abuurta.

Dagma walba oo deegaanka puntland ah in wax looqabto waa soo dhawaynaynaa,kamana xumin dagmooyin inbadan nasiib u helay mashaariic waana ku faraxsanahay, wax dacwo ah oo aan sheegaynay majirin oo ah maxaa anga naloo arki waayay,laakiin yeeli mayno wixii nasiibka uu nasiiyay dawladayaduna noo qoondaysay in nalaka leexeeyo waxaanaan aqbalayn weeye. waxaan ku kalsoonahay in dulmigaa dawladu wax ka qabato dagdag ah cidii ka danbaysayna sharciga la horkeeno.

Share