Deg Deg; Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay U Wateen Mas’uuliyiinta Hay’adda Hello-Trust Oo dalka kala Baxayay
Sanaagmedia

Deg Deg; Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay U Wateen Mas’uuliyiinta Hay’adda Hello-Trust Oo dalka kala Baxayay

December 7, 2017 10:22 am in Features, News.  by .

Deg Deg; Laamaha Ammaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay U Wateen Mas’uuliyiinta Hay’adda Hello-Trust Oo dalka kala Baxayay

Booliska Somaliland ee Kaantaroolka bariga Magaalada Hargeysa ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gaadiid ay leedahay hay’adda Helloo Trust oo ka shaqaysa Miino Baadhista,kuwaas oo la doonayay in si qarsoodi ah dalka looga saaro loona geeyo dalka Somaliya.

Waxaana gaadiidkan ay ciidamada Boolisku gacanta kusoo dhigeen iyaga oo ka talaabaya kaantaroolka bari ee magaalada Hargeysa,waxaana ay hadda darawaliintii waday gaadiidka qaarkamid ah iyo gaadiidkiiba ay ku xidhan yihiin xarunta dambi-baadhista Somaliland ee C.I.D-da.

Gaadiidkan oo tiradoodu dhan tahay 4 gaadhi oo ah gaadiidka loo yaqaan Haadh-toob (Hard-top) ayaa sida  xaqiijiyay ay wasaaradda maaliyadda Somaliland hore u xayirtay islamarkaana ay ku amartay inaanay dalka dhinacna u dhaafi karin ,madaama oo ay hay’addu cashuurf dhaaf loo sameeyey kusoo dajisatay gaadiidkan isla markaana loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan gaadiidkan gudaha dalka Somaliland.Image result for booliska somaliland

Sidoo kalena darawaliintii afartan gaadhi waday qaar kamid ah ayaa ka baxsaday ciidanka,kuwaas oo ilaa hadda aan la garanayn halka ay ku sugan yihiin.

Waxaana gaadiidkii ay ku xidhan yihiin xarunta dambi baadhista Somaliland ee Hargeysa.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay labada dhinac,waa dhinaca Hay’adda Hello Trust iyo dhinaca xukuumadda Somaliland.

Share