Wasiiro iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumada Madaxweynaha Talada ka Sii Geya Ee S/land Axmed Siilaanyo Oo Dhaqaale Tiro badan Ku Bixiyay Sidii Social Mediaha Looga Buun Buunin lahaa Siro badan…..
Sanaagmedia

Wasiiro iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumada Madaxweynaha Talada ka Sii Geya Ee S/land Axmed Siilaanyo Oo Dhaqaale Tiro badan Ku Bixiyay Sidii Social Mediaha Looga Buun Buunin lahaa Siro badan…..

December 2, 2017 11:35 am in Features, News.  by .

Wasiiro iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukumada Madaxweynaha Talada ka Sii Geya Ee S/land Axmed Siilaanyo Oo Dhaqaale Tiro badan Ku Bixiyay Sidii Social Mediaha Looga Buun Buunin lahaa Siro badan…..

Hargeysa(SM) Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Madaxweynaha Talada ka Sii Geya Ee S/land Axmed Siilaanyo Ayaa Gucle Orod Ugu Jira  Sidii Ay Mar labaad Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uga Noqon Lahaayeen Wasiiro La Jaan Qaada Xukumadaasi Cusub Waxayna Wasiiradan OO Intooda Badani Habeen iyo Maalinba Dabada Ka Wadaan Madaxdhaqameed iyo Xubno Kale Oo Ay Ku Tuhmayaan In Ay Muuse Wax Ka Aqbalayo Taasi Oo Ay Ku Doonayaan In Boosaska Wasiirnimo Loo Daayo Ama Meelo Ka Tun Weyn Loogu Bedelo Hase Yeeshee Aan Meesha Laga Saarin Wasiir Nimadooda

Hadaba Madaxweynaha Cusub Ee Muuse Biixi Cabdi Ayaa Gebi Ahaanba Si Cad Ugu Sheegay Wasiirada iyo Masuuliyiinta Kale In Aanu Wax Tix Gelina Ka Siinayaynin Cidna Xukumada Uu Soo Dhisayo Iyo Cida Uu Soo Magacaabayo Hadaladaasina Waxa Uu ka Jeediyay Xaflado iyo Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Kale Gedisan Oo Wakhtigii Ololaha Halgan la Soo galay

Maxay Dadka Shacabka ah Ee Doortayaashu Ka Qabaan Soo Celinta Wasiiradii Hore 

Shacabka Somaliland Ayaa Iyagu Marnaba Aan Ku Faraxsanayn In La Soo Celiyo Wasiiro Tiro Badan OO Ka Tirsan Xukumada Siilaanyo Kuwasi Oo Ay Qabaan In Ay Ragaadiyeen Wasaaradihii Ay Masuulka Ka Ahaayeen Isla Markaasina Ka Door Bideen Mudo Dheer Danaha Gaar ah U Ah Ee Shaqsiyadeed Waxayna Shacabka S/land Qaar Kood Cadeeyeen In Halkii Wasiiro Loo Soo Magacabi lahaa Loogu Bedelo Wax Qabad Isla Markaasina Halkaasi Wasiirka Ay Kaga Maarmaan Taasina Waxay Si Cad Kuu Tusaysaa Sida Shacabku Qanaca Uga Istageen Wasiirada Mudada Dheer Soo Hor Taagnaa Ee Aan La Mahadin Wax Qabadkooda

Maxaa La Gudboon Madaxeynaha Cusub Ee Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Waxa La Gudboon In Aanu Dheg Jalaq U Siin Wasiirada Dnaha Gaar ah Ka Door Biday U Shaqayntii Shacabkii Loo Igmaday In Ay Madaxweyna Wakiil Uga Noqodaan Isla Markaasina Horumar Ku Hogaamiyaan madaxweynaha Cusub Waa In Uu isagu Soo Cushaa Ciyaar Yahano Cusub Oo La Jaan Qaadi Kara Xukumada Uu Soo Dhisayo isla Markaasina Aragti iyo La Ficilba ah Taasi Waxay madaxweynaha U Horseedaysaa In Uu Ka Midhadhaliyo Horumarka Uu Doonayo In Uu gaadhsiiyo Somaliland Waxay kaloo Muujinaysaa Sida UU U Doonayo Horumar La Gaadhsiiyo Dadka iyo Dalka Somaliland Waa Hadii Uu ka Gudbo Xayndaabka Wasiirada Ragaadiyay Xukumadii Ka Horaysay Ee Siilaanyo

Madaxweynaha Cusubi Waxa Uu Sheegay Musuq Maasuq Ragaadiyay Somaliland Taasi Waxay Muujinaysaa Sida Uu U Ogyahay Cida Musuq Maasuqa Waday Oo Ay K Mid Yihiin Wasiiro Hada Ganacnta U Hoorsanaya Sidii Mar Labaad Wasiir Looga Dhigi Lahaa

Wasiirada Waxan Tusaale U Siin Lahaa Hadii Aanay Kayd Sii Dhigan Xiligii Barwaaaqada Ay Dhex Jibaaxayeen Oo Aanay Horumarkii iyo Ka Midha Dhalintii Arimihii Loo Igmaday aany Fulin Maxay Haatan Ku Doonayaan Wasiiro kale Ilayn Baba Sii Dhigan Dhito Lagu Soo Celiyo Oo Shacabku Ugu Hiiliyaane Image result for Golaha Wasiirada Somaliland

 

Qormooyinkan Waxan Dhowaan Ku Soo Bandhigi Doonaa Wasiiro ka Tirsan Xukumada Siilaanyo OO Lacago iyo Qarashaad Ku Bixiya Sidii Warbaahinta Kala Duwan Oo Ay Ku Jiraan Social Mediaha Loogu Buun Buunin Laha Si In Uu Loo Yidhaahdo Allah Wasiirkaasi Waa Wasiir wanagsan Oo Shacabku Rabaan Ee Ha La Soo Celiyo Iyo Arimo Kale Uu Ugu Dhowaanayo madaxweynaha Cusub Dhowaan Ayaan Xaqiiqooyin Rasmiya halkan Idinku Soo Gudbixin Doonaa

Fadlan Wixii Talo iyo Tusaale Ah Noogu So Hagaaji Emalka: Sanaagmedia1@gmail.com

 

 

Share