Jeneraal Xasuuqay Muslimiin Oo Sun Cabay Xili Uu Hortaagnaa Maxkamada Caalamiga Ah + Muuqaal
Sanaagmedia

Jeneraal Xasuuqay Muslimiin Oo Sun Cabay Xili Uu Hortaagnaa Maxkamada Caalamiga Ah + Muuqaal

November 30, 2017 9:58 am in Features, News.  by .

Jeneraal Xasuuqay Muslimiin Oo Sun Cabay Xili Uu Hortaagnaa Maxkamada Caalamiga Ah + Muuqaal

Jeneraal Slobodan Praljak oo kamid ahaa hogaamiyayaasha Qawmiyada Croat ee  dalka Bosnia ayaa is dilay kadib markii uu sun cabay isagoo hortaagan Garsoorayaasha Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada dagaalka.

Maxkamada Caalamiga ah ee ku taal The Hague (Holland) ayaa ku xukuntay Jeneraalkan Xabsi 20 sano ah, kadib markii lagu helay inuu geystay xasuuqyo iyo danbiyo dagaal oo ka dhan ah Muslimiinta dalka Bosnia xiligii uu socday dagaalkii sokeeye ee wadamadii horey la isugu oron jiray Yugoslavia.

 

Arbacadii shalay ayuu Jeneraalka hortagay Maxkamada isagoo dhageystay xukunka lagu riday. Kadib markii uu maqlay in lagu xukumay 20 sano ayuu ku dhawaaqay inuusan Waxna Danbi ah gelin, wuxuuna jaakadii uu watay kala soo baxay dhalo yar oo ay sun ku jirto oo uu isla goobta ku cabay.

Jeneraalka ayaa Maxkamada u sheegay in waxa uu cabay ay tahay Sun, waxaana loola cararay isbitaal halkaasi oo uu markii danbe ku dhintay.

Illaa iyo hada macada qaabka uu ku helay suntan uu cabay, waxaana baaritaankan la wareegay Booliiska dalka Holland oo dabagal ku sameenaya qaabka ninkaasi xabsiga lagu hayey ku helay sunta uu isku dilay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Jeneraal Xasuuqay Muslimiin Oo Sun Cabay Xili Uu Hortaagnaa Maxkamada Caalamiga Ah  +[ Muuqaal ]

Share