Nuxurka Kulan Madaxtooyada Ku Dhexmaray Muuse Biixi iyo Cali Khaliif Galaydh
Sanaagmedia

Nuxurka Kulan Madaxtooyada Ku Dhexmaray Muuse Biixi iyo Cali Khaliif Galaydh

November 24, 2017 12:07 pm in Features, News.  by .

Nuxurka Kulan Madaxtooyada Ku Dhexmaray Muuse Biixi iyo Cali Khaliif Galaydh

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa

shalay qasriga Madaxtooyada kula kulmay Dr Cali Khaliif Galaydh

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka labada dhinac sidoo kalena ma jiro xogo ka soo baxay arrimaha laga wada hadlay.

Image result for Cali Khaliif Iyo Muuse Biixi

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada gobollada barigu qayb uga noqon lahayd siyaasadda Somaliland waxaanu heshiisyo salka ku haya wax wada lahaansho la gaadhay hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif kuwaas oo la filayo in ay meelmaraan muddo xilkeedka madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi.

Xukumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay ayaa indhaha lagu haya sida ay uga dhex muuqdaan gobollada darafyada oo mucaaradku ku xoog badna waxaana la rumaysan yahay in kulanka Dr Khaliif Iyo Madaxweyne Biixi salka ku hayo saamiga barigu ka helayo xukumadda soo socota iyo ajandeyaasha Dr Cali khaliif ee mustaqbalka oo ay ka mid tahay in dastuurka la furo si loo fadhiisiyo saamiga Somaliland ee qaybsiga kuraasta sare

Share