War Deg-Deg ah: Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Qaadacay Dorashadii Madaxtoyada Fariina U Diray Taageerayaasha Xisbigaasi
Sanaagmedia

War Deg-Deg ah: Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Qaadacay Dorashadii Madaxtoyada Fariina U Diray Taageerayaasha Xisbigaasi

November 20, 2017 5:03 pm in Features, Maqaalo, News.  by .

War Deg-Deg ah: Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Qaadacay Dorashadii Madaxtoyada  Fariina U Diray Taageerayaasha Xisbigaasi

Hargeysa (sm) Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo qaadacay doorashada aan weli natiijadeeda lagu dhawaaqin.
Wararka ka imanaya Caasimada Somaliland ee Hargeysa Murashaxa Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo iminka warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay innaan Somaliland doorasho Xor iyo Xalaal ahi ka dhicin, waxaanu soo qaatay qodobo dhawr ah oo Murashax Cirro u cuskaday qaadacaadiisa; qodobadaasi oo ay kamid yihiin 1-In Sanaaduuqdii dib loogu tiriyey laga helay codad dheeraad ah oo halkii sanduuq loogu talogalay shan boqol oo qof innay ka codeeyeen laga helay codad ka badan intii loogu talogalay 2- In Doorashada aannu jirin seerver “Server” kala saarayey qofka kaadhka sita inuu leeyahay iyo in kale taasi oo buu yidhi ay xataa codeeyeen dad dhintay, Caruuro shan jir iyo toban jir ah iyo qodobo kale oo dhawr ah.
Dhanka kale wuxuu taageerayaasha Xisbiga waddani ugu baaqay innay is dejiyaan oo nabada ilaaliyaan islamarkaana wax kasta loo mari doono dariiqa sharciga ah.

Share