Madaxweynaha Masar Oo Digniin Adag U Diray Dalalka Itoobiya Iyo Suudaan + Sababta
Sanaagmedia

Madaxweynaha Masar Oo Digniin Adag U Diray Dalalka Itoobiya Iyo Suudaan + Sababta

November 20, 2017 9:40 am in Features, News.  by .

Madaxweynaha Masar Oo Digniin Adag U Diray Dalalka Itoobiya Iyo Suudaan + Sababta

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa si adag uga hadlay biyo xidheenka ay Dowladda Itoobiya ku sameynayso biyaha Wabiga Niil , waxaanu fariin adag u diray dowladaha Itoobiya iyo Sudan.

Cabdifitaax al-Siisi ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xidheenka ay Itoobiya dhawaan sameysay.

Image may contain: 3 people, people smiling, beard

 

”Biyaha Wabiga Niil waxa ay nooga dhigan tahay geeri iyo nolol, waxaan idinka codsanayaa in aad is dejisaan , biyaha ilaahay ayaa abuuray, cidna shaqo kuma leh, kumanaan sano ayey sidaasi ahaayeen,” ayuu yidhi Al Sisi.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Masar in arinta Wabiga Niil uu kala hadlay Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Haila Mariam Daselegne.

Hadalka Madaxweynaha Masar ayaa imaanaya xili uu bur buray Wadahdalo Biyaha Wabiga niil ku saabsanaa oo u dhaxeeyay Dowladaha Masar, Sudan iyo Itoobiya.

Share