Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan
Sanaagmedia

Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan

November 19, 2017 12:13 pm in Maqaalo, Sports.  by .

Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan

Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo kula Dardaarmay inuu Wareejiyo Dal iyo Dad Mideysan

“..Saaxibkay Saleebaan Maxamuud Aadanow adiga iyo Walalkay Axmed Siilaanyo waxaad joogtaan labadii boos ee daalka ugu sarreeyey, ee yaanay gacantiina ku guban Somaliland, Saleebaanow Maanta..”

Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf

Burco(Qaran news)-Madaxweyne Siilaanyo habar-wadaaggii rumaad, ayaa ka hadlay Xaaladda maanta Somaliland soo food-saartay iyo masuuliyadda iyo waajibaadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo ku kala fadhiya labadii Kursi ee dalka ugu sarreeyey.

Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan gaal ugu baaqay inay Caddaaladda iyo Xaqa u hiiliyaan, isla markaana Afar Wiil oo Somaliland Sumcaddeeda dilaya aan lagu sii dayn, sidoo kale waxa uu ugu baaqay in la ilaaliyo Qarannimada, Midnimada, Wada-jirka, Nabadda Bulshada ilaaliyaan, Dalkana badbaadiyaan Maanta oo ay si cadaalad ah uga taliyaan doorashada Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay oo Xisbiga Waddani shaaciyey in Kulmiye ku Shubtay, Caddaymo kashifmayna uu soo bandhigay, Murankuna ka taagan yahay, Fadeexaddeeduna dul-hoganayso Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Related image

“..Walaalkay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxan leeyahay, Ilahay waxan kaga baryayaa inaad caafimaad iyo nabad-gelyo ku dhamaysato xilkaaga. Waxad Maanta ku jirtaa Xaalad, Waqtigaagii waa gebo-gebo, ee Bi’iwaayee walaal yaanay Maanta Somaliland gacantaada ku burburin. Walal Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dhabbee tii uu kugula taliyey madaxweynihii ka horeeyey saaxibkaa Daahir Riyaale, ee dal iyo dad mideysan. Ilahay-baan kugu dhaariyee, afartaa xubnood ee lagugu dardaaray dalka ku dhiib. Madaxweyne soo celi sumcadii Somaliland oo cadaaladda ka shaqee”.

Waxa kaloo uu intaa ku daray “..Saaxibkay Saleebaan Maxamuud Aadan adiga iyo Axmed Siilaanyo waxaad joogtaan labadii boos ee daalka ugu sarreeyey, ee yaanay gacantiina ku guban Somaliland, Saleebaanow Maanta”. Ayuu yidhi. Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf.

Share