CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar
Sanaagmedia

CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar

November 19, 2017 6:51 pm in Features, Maqaalo, Sports.  by .

CODKIINA HA IIBSANINA Abwaan Xuseen Farjar

 

Hordhac

Maansadan waxaa curiyey Abwaan Xuseen Maxamed Cali “Xuseen Farjar” Maansaduna waxay ka hadlaysaa ololihii doorashooyinka iyo dadku sida ayna xisbnimada ugu bislayn, halkay mabda’, xisbinimo iyo waxqabad ku dooran lahaayeen ayay ku doorananayaan qablyaalad hunguri, Haddaba Maansadu waxay tilmaamaysaa haduu ninku laaluush/lacag ku soo boxo oo uu ku helo xilka inay yartahay si uu u guto dantii caam ahaaneed ee bulshadu ka sugaysay, ilayn codkii baa laga iibiyey eh, Hadaba waatan maansadii oo dulucdeeda xambaarsan.


Hadii caashaq guur ku galo

Haday naftu codato inan

Cid loo diidaad ogtahay

Adowgeed cuud ku xidhay

Horweyn geel lagaa cugtamo

Haday kaa cakiranto talo

Ilaahbaa la cuskadaa

Awood baa la ciirsadaa

Waxaad calalaafto iyo

Waxaad cid kazoo heshoba

Haddaad ka carowdo godol

Adoo caydh lagaaga tegey

Wax caws gooya aan lahayn

Haddii canab aad hantido

Adaan caantayn lahadhin

Calaacalo madhan fadhiya

Ninkaad cuudka siisay shalay

Haduu soo carraabo galab

Hadduu kuu yami caweys

Haduu calaf kaa martiyo

Miyaad caaniyo baruur

Caloosha u buuxisaa.

 

Cadkii uu kugu lahaa

Ciskiisi miyaad guddaa

Adaan u calool xumayn

Haddii dhaqan lagu cabiro

Wixii ceeb halkaa ka dhaca

Canaano hadhow ka tami

Bulshow u cadaalad qaad

Cid saaroo dhab u caddee.

 

Islaamku waxbaanu cunin.

Abiid caado u lahayn

Waxbaa ceeb kuu diloo

Hadana aan cadiyad lahayn

Ciddii caynkaa fashana

Calaamad ku taala noqon

Ujeedadu way cadahay

Cadaalad hadaad rabtaan

Bulshoy iyo cidhib danbeed

Codkina ha iibsanina.

Qabyaalad ha caawinina

Ninkaad calankaa dhan iyo

Masiirkiinii cuslaa

Ciddiiba ku aaminteen

Bulshoy aad cawaansan layd

Hadii aad cago jartaan

Codkiinii ka iibisaan

Miyaan cidhib xumo ku jirin

 

Cadceediba waa cadceed

Cusaybkeeday la tami

Caddaalad haddaad rabtaan

Codkiinna ha iibsannina

Qabyaalad ha caawanina

Cisi iyo nabad loo caweyn

Dan caamiyo cidhibdanbeed

Inaad caafimaad leddaan

Caddaaladna aad heshaan

Ciddaad caawa doorataan

Codkiinnay ku xidhan tahay

 

Ninkii aad cawaansanlayd

Hadaad caydh uga tagtaan

Asuu guul culusba helo

Kursiga caynkaa latago

Muxuu ku caloolsamaan

Muxuu ku cadaalad fali

Sidaad barito uga caban

Canaantu xagay ka qaban

Codkii baad ka iibisoo

Cuudkiisuu ku soo baxee.

 

Cashuurtii halkay martiyo

Wixii caawimo lahelay

Hadaad ku calaacashaan

Haddii aanu caanad qaban

Iskuul caamiyo caqeel

Adeegyadii caafimaad

Cidhiidhi galaan biyuhu

Maxaad kaga caban bulshoy

Codkii baad ka iibisoo

Cuudkiisuu ku soobaxee

Canaantu halkay ka qaban

Ujeedadu way cadahay

Cadaalad hadaad rabtaan

Codkiina ha iibsanina

Qabyaalad hacaawinina

Image result for Xuseen Farjar

Share