Maayarka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Danbi Baadhista Hargeysa Ee C.I . D
Sanaagmedia

Maayarka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Danbi Baadhista Hargeysa Ee C.I . D

November 14, 2017 1:05 pm in Features, News.  by .

Maayarka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Danbi Baadhista Hargeysa Ee C.I . D

Ilo xog ogaal ah oo aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamada dambi baadhista

ee C.I.D-du u yeedheen maayirka magaalada Hargeysa.

Maayir Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la sheegayaa in lagu haysto faro gelin uu shalay isku deyey inuu ku sameeyo goob doorasho ku taala xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Maayarka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Danbi Baadhista Hargeysa  Ee C.I . D

Related image

Maayirka ayaa la sheegay in uu watay ciidamo aad u tiro badan markii uu goobtaasi gaadhey, waxaana isku dhacay dadkii goobtaasi ka codaynaayey .

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in maayirka looga yeedhay xarunta C.I.D-da , isaga oo markii dambe ku andacooday inuu hawlo badan hayo oo aanu haleel hayn.

Ciidamada ayaa ku haysta maayirka magaaalada Hargeysa inuu faro gelin ku sameeyey goobtaasi codbixintu ay ka dhacaysay, waxaanu maayirku ciidamada u sheegay in uu maalinta berry ah tegi doono xarunta C.I.D-da.

Share