Half Time: Chelsea iyo Man United oo Is Mari Weesay Cayaar La Is Gaad Gaadayo
Sanaagmedia

Half Time: Chelsea iyo Man United oo Is Mari Weesay Cayaar La Is Gaad Gaadayo

November 5, 2017 7:14 pm in Sports.  by .

Half Time: Chelsea iyo Man United oo Is Mari Weesay Cayaar La Is Gaad Gaadayo

Qaybta hore ee cayaarta kulanka weyn Stamford Bridge ka socoto ayaa 0-0 kusoo idlaatay una dhaxeeyo Chelsea iyo Man United.

Chelsea ayaa qaybto dareen ku aadan inay mudnaayeen qaybta hore inay hogaanka kulankaan u qabtaan inkastoo labada koox aad taxadir dheeraad ah u muujinayeen.

Phil Jones ayaa gool iska dhaliyay cayaarta oo 7-daqiiqo socoto balse waxaa loo diiday in Morata uu daafacan riixay ama qalad ku galay.

Cayaartan fursado qaali ah waxaa iska qasaariyeen Bakoyoka iyo Rashford sidoo kalena Hazard isagana fursado kala duwan ayuu sameeyay balse De Gae ayaa la tacaalay.

Sida guud qaybta hore ee cayaarta 0-0 kusoo idlaatay waxaa fir fircooneed Blues balse United daafaceed ayay ilaashatay madaama ay safar tahay.

Waxaa qasab ah in Conte kooxdiisa lasoo dar daarmi doono si ay weerar dheeraad ah qaybta dambe u qaadaan halka Mourinho isagana xidigahiisa ku boorin doono inay daafacooda xajistaan.

Share