Dele Alli oo seegi doona kulamada saaxiibnimo ee ay xulka England wajahayaan Germany iyo Brazil, sababtana waa la xaqiijiyey
Sanaagmedia

Dele Alli oo seegi doona kulamada saaxiibnimo ee ay xulka England wajahayaan Germany iyo Brazil, sababtana waa la xaqiijiyey

November 5, 2017 7:19 pm in Sports.  by .

Dele Alli oo seegi doona kulamada saaxiibnimo ee ay xulka England wajahayaan Germany iyo Brazil, sababtana waa la xaqiijiyey

Kubadsameeyaha kooxda Tottenham Hotspur Dele Alli ayaa seegi doona ciyaaraha saaxiibnimo ee uu xulka qaranka England wajahayo xulalka Germany iyo Brazil.

Dele Alli ayaa waxaa soo gaaray dhaawac cajirka ah, kaasoo uu ku seegay kulankii ay kooxdiisu galabta guusha ka gaartay Crystal Palace. Xiddigaan ayaana qaab ciyaareed wanaagsan ku jiray kulamadii ugu dambeeyey isagoo dhaliyey afar gool afartii kulan ee ugu dambeysay.

Dhanka kale, tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa daaha ka qaaday inuu si weyn uga cabsi qabo in dhaawaca 21 sanno jirkaan uu halis yahay.

England ayaa wajaheysa Germany Jimcada kulan ka dhacaya Wembley Stadium ka dibna isla Wembley Stadium ayey kusoo dhoweyn doontaa xulka Brazil 14ka bishaan November.

Share