DEG DEG: Chelsea oo xaaladdu ku xun tahay, xiddig muhiim ah ayaana seegaya kulanka ay wajahayaan Man United
Sanaagmedia

DEG DEG: Chelsea oo xaaladdu ku xun tahay, xiddig muhiim ah ayaana seegaya kulanka ay wajahayaan Man United

November 5, 2017 7:22 pm in Sports.  by .

DEG DEG: Chelsea oo xaaladdu ku xun tahay, xiddig muhiim ah ayaana seegaya kulanka ay wajahayaan Man United

Hal saac ka dib waxaa garoonka Stamford Bridge ee galbeedka London ka bilaaban doona kulanka xiisaha iyo xamaasadda leh ee ka tirsan horyaalka England Premier League kaasoo dhexmaraya kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Laakiin kooxda tababare Antonio Conte waxaa kulankaan ka maqnaan doona daafacooda dambeedka dhexe ee reer Brazil David Luiz, sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegeyso.

Sky Sports News ayaa sheegeysa inuu David Luiz yimid garoonka Stamford Bridge isagoo aan xirneyn maaliyadda rasmiga ah ee kooxda, kamana uusan qeyb qaadan almiintada.

Warbixintaan ayaa soo jeedineysa in uusan Luiz ku jirin liiska ciyaartoyda guud ee uu Conte usoo xushay derbiga ka dhacaya Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports News waxay sheegeysaa in uusan wax dhaawac ah qabin daafacii hore ee kooxda PSG.

Share