Wiil Dhalinyaro Ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Ceerigaabo
March 22, 2021 - Written by admin

Ceerigaabo (Sanaagmedia) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay magaaladaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ahaa.

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Shirwac Faysal Axmed ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu dilay xaafada Inji ee gudaha Magaaladda Ceergaabo.

Waxaa kale oo wararka aanu helaynaa ay intaas ku darayaan in in Maydka Marxuumka la geeyay cusbitaalka guud ee Magaaladdaasi.

Ciidamada Ammaanka ee gobolka Sanaag ayaa isla markiiba gaadhay goobta uu ka dhacay dilku.

Waxaanay ciidamadu gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay in ay dilkaas ka dambeeyeen, illaa haddana ma jirto cid ka hadashay dilka wiilkan dhalinyarada ah.

COMMENTS