Komishaneerkii Ugu Mudada Dheera Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Cudur Daartey Inuu Mar Saddexaad Ka Mid Noqdo Guddidaas
September 15, 2019 - Written by admin

Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh   oo ahaa  komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu  ka cudur daartey kamid noqoshada  mar saddexaad  guddidaas oo la soo magacaabo

Cabdifataax Ibraahin Sheekh   waxaa uu ahaa  xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen  Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey  komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho  xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta

Komishaneerka  oo  warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay   in xilkaas loo magacaabo sida ay  ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen

Gudoomiyaha xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa madalo badan  kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan uu noqon doono Kominshineer Cabdifataax

Maalmihii ugu danbeeyey waxa jirtay daadaalo  lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad  jagadaas buuxiyo  balse dadaaladaasi ma noqon kuwo midho dhala

Gudomiyaha UCID  ayaa haatan waxa horyaala in muddo kooban uu ku hello cida buuxin lahayd jagadaas.

COMMENTS