Deg Deg :- Somaliland Oo Soo Dhaweysay Ciidamo Dhawaan Ka Goostey ” Caare Waa In La Qisaasaa Waa Danbiile ..” + [ Muuqaal
August 25, 2019 - Written by admin

 Taliyaha Guud ee ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaciil Taani ayaa waxaa uu maanta ka hadley ciidamo Somaliland ka tirsanaa kuna sugnaa deeganka Badhan oo Somaliland ka goostey kuna biiray Maamulka Puntland .

Taliye Nuux Taani ayaa goosashada  ciidamadaas soo dhaweeyey isla markaana ku tilmaamay wax lagu farxo waxaana uu sheegay in ciidamadaasi aaney wax faa,ido ah Somaliland ugu filneen isla markaana lacag  uun Somaliland ka qaadan jiray

Sidoo kale Taliye Nuux ayaa waxaa uu ka hadley arinka taliye Caare waxaana uu sheegay in Caare uu yahay nin danbiile ah isla markaana ay tahay in loo qisaaso dad uu hore u laayey oo aan ka yareen 10 qof waa sida uu hadalka u dhigaye

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS