Dowladaha Kuwait iyo Somalia Oo Iskaashi cusub Yeelanaya
June 16, 2019 - Written by admin

Wafdi Sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amin Cali iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgalada Col. Ciise Ahmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah ku gaadhay Dalka Kuwait.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait City Ee caasimadda Dalkaasi,Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Mudane Cabdullahi Maxamed Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa inta ay booqashada ku joogaan kuwait waxa ay la kulmi doonaan Taliyaha Ciidanka Xooga Kuwait S/Gaas Mohammed Khalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xidhiidho  xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah.

Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu wadaa in booqashadoodu ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah.

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Amaanka Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaag diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya.

Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa oo dhawaan loo magacabay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait ayaa sii dardargeliyay barnaamijdii Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Difaaca, Tacliinta Ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxaana la rajeynayaa in dhawaan Kuwait lagu qabto Shir Weyne lagu horumarinayo Tacliinta Soomaaliya.

 

COMMENTS