Diyaarad Sida Maxaabiis Reer Puntland Ah Oo Ku Wajahan Magaalada Garoowe
June 3, 2019 - Written by admin

Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Maxaabiistaasi  laga soo qaaday magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo ku xidhan magaalada Garoowe.

Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe.

Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas  ee ICRC.

COMMENTS