Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta + [ Sawiro / Muuqaal
April 18, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Image may contain: 2 people, people standing and sky

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo .

Image may contain: 1 person, standing, walking, suit and outdoor

Socdaalka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).

Image may contain: one or more people, people standing, sky, shoes and outdoor
Image may contain: sky, cloud and outdoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS