Dawlada Somaliya Oo Golaha Amaanka U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah Safarkii Imaaraadka Ee Madaxweyne Muuse Biixi
March 30, 2019 - Written by admin

Dawlada Somaliya  ayaa la sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey  u gudbisay cabasho ka dhan ah Socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta .

Warbaahinta Busiweek ee laga leeyahay dalka UGANDA ayaa baahisay inaanay dawlada Somaliya ku faraxsaneyn dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland  waddo ee Imaaraadka carabta iyo Itoobiya .

Warbaahintani waxaa ay sheegtay in Imaaraadka Carabtu doonaayo inuu  balaadhiyo wada shaqeynta uu la leeyahay Somaliland .

“ Lakiin dawlada Somaliya kuma faraxsana xidhiidh-yada ganacsi  ee ay Somaliland sameynayso  iyo sidii rooga cas loogu soo dhaweeyey  markii uu  madaxweyne Biixi uu socdaalka ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya “  waxaanu intaas raaciyey in calanka Somaliland la sudhey markii uu madaxweyne Biixi halkaas booqdey .

Warbaahintu waxaa ay intaas raacisay “  Dawlada Somaliya waxaa ay golaha amaanka Qaramada Midoobey u qortey cabasho ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada Somaliland “

Warbaahintu maa ay cadeyn nooca ay tahay dacwada ay Somaliya u gudbisay Qaramada Midoobey , mana ay soo bandhigin wax tix raac ah oo ku saabsan cabashadan Somaliya , lakiin wakiilka Somaliland ee dalka Kenya u fadhiya AMB  Baashe Cawil ayaa sheegay in dawlada Somaliland ay ka xun tahay cabashada  ay dawlada Somaliya u gudbisay golaha amaanka  ee la xidhiidha socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland ku tagay  dalka Imaaraadka carabta

“ Somaliland ahaan waxanu cadeynayaa  sida aanu uga xunahay cabashada ay dhawaan dawalada Somaliya u gudbisay  golaha amaanka eek u saabsan socdaalkii guusha ahaa ee uu madaxweyne Muuse Biixi  ku tagay dalka Imaaraadka Carabta “

 

Waxuu Mr Baashe sheegtay in Somaliland leedahay  xuduudo caalami ah oo la yaqaano iyo dawlada Dimuqraadi ah oo la doortay , waxuuna intaas uu raaciyey inuu rajeynaayo in Somaliland iyo Somaliya iska kaashadaan arimaha amaanka iyo ganacsiga , Lakiin aaney suuro gal aheyn midnimo danbe.

COMMENTS