Raysul Wasaaraha Dalka Somaliya Oo Maanta Safar ku Tagaya Magaalada Kismaayo
March 11, 2019 - Written by admin

Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha dalka Somaliya ayaa la filayaa in uu maanta soo gaadho magaalada Kismaayo, kadib mudo dheer oo laga sugayay in uu yimaado Kismaayo.

Raysul wasaaraha oo ay laba maalin kahor kasoo hormareen ilaaladiiisa iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska Raysul wasaaraha ayaa baaqday labadii maalmood ee ugu danbeeysay sababo la xidhiidhay  geeridii ku timid Wasiirkii wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Magaalada ayaa laga dareemayaa u diyaargaroowga soo dhaweynta wafdiga raysul wasaaraha, waxaana saaka xidhan wadada dheer ee laamig aah ee xidhiidhisa garoonka diyaaradaha iyo magaalada, ayadoo ammaanka magaalada ay sugayaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

Raysul wasaaraha ayaa la filayaa in imaatinkiisa kadib uu goob-fagaare ah kula hadlo shacabka.

COMMENTS