Madaxii Shirkada Dp World Ee Dekada Boosaaso Oo Goor Dhaweyd La Dilay
February 4, 2019 - Written by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay dekada  magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Boosaaso ayaa sheegay in dilka mas’uulka uu geystay qof hubaysan oo aan weli la aqoonsan dhinaca uu ka tirsanyahy,balse isagiina isla goobta lagu dilay.

Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso.

COMMENTS