Ma Run Baa In Maayarkii Caasimada Hargeysa Oo Iska Dhiibay Dalka Sweden
January 25, 2019 - Written by admin

Warar Xog Ogaal ah oo iminka soo gaadhey shabakada Wararka ee Ilaysnews.com isla markaana aan si rasmi ah  loo shaacin karin  waxaa ay sheegayaan in Maayarkii caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Solteco uu iska dhiibay dalka Sweden .

Maayarka ayaa la sheegay  in uu laba cisho ka hor ka dhoofay magaalada Hargeysa siina maray magaalada Addis Ababa ee dalka  Itoobiya .

Cabdiraxmaan Solteco ayaa dhawr todobaad ka hor warqadihii dal ku galka Sweden la sheegay in uu ka soo qaatey magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Sidoo kale xogaha Ilaysnews.com soo gaadhaya waxaa ay sheegayaan in dhamaan maamulkii dawlada Hoose uu Maayar Solteco si qarsoodi ah ugu sii wareejiyey  Maayar Ku xigeenkiisii Cabdicasiis Cago Weyne .

Dhawaan ayey aheyd markii hanti dhawraha Somaliland uu baadhis kadis ah ka bilaabay dawlada Hoose ee Hargeysa isla markaana ilaa hada ay baadhistu socoto oo aanu wax war ah hanti dhawrku ka soo saarin

Dhinaca kale muddo xileedkii golayaasha deeganka ayaa waxaa hada ka hadhey oo kaliya Muddo laba bilood ah oo kaliya .

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqadii Uu Maayarki Ku XIgeenkiisa Ugu Wareejiyey Dhamaan Hawlihii Dawlada Hoose

 

COMMENTS