Haddii Aan Sii Dayn Kari Wayno Sh Mukhtaar Roobow Ma Sii Joogaayo Xilka..” Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya
January 22, 2019 - Written by admin

Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wali si is daba joog u dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo ku jira gacanta dowladda.

Kulamo magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ay kula yeesheen madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, ayeey ku dalbadeen odayaashu in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Rooboow oo la xidhay horaantii bishii December, ee sanadkii tagay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo magaalada Baydhabo kula hadlayay Odayaasha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu balanqaadayo sii deynta Mukhtaar Rooboow sida ugu dhaqsiyaha badan.

‘’Anniga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo iskaashaneyna waxaan balanqaadayaa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan uga sii deyn doono gacanta dowladda Mukhtaar Rooboow, haddii ay taa dhici weydo ma jirto sabab aan xilka ama kuraasta ugu soo fadhinno,” ayuu yidhi guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa intaa ku daray in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha intaba ka wada hadleen arintan, islamarkaana uu rajo wanaagsan ka qabo sii deynta Mukhtaar Rooboow.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay ku dadaaleyso sidii loo afjari lahaa khilaafkii ka dhashay qabashadii Mukhtaar Rooboow xiliggii olalaha doorashada iyo waliba khasaarihii ka dhashay dibadbaxyadii ka dhacay magaalada oo ay dad ku dhinteen.

COMMENTS