Wargayska Telegraph Oo Kashifay Go,aanka Liverpool Ee Ku Aadan Soo Celinta Phillipe Coutinho Ee Anfield
January 17, 2019 - Written by admin

Philippe Coutinho ayaa wakhti xun ku qaadanaya kooxda Barcelona hal sano kadib markii uu lacagta qaaliga ah ugaga biiray kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin in ay Coutinho dib ugu soo celiso xilli lala xiriirinayo in uu ka tagayo Barcelona.

26 jirka reer Brazil ayaa Anfield kaga biiray Camp Nou suuqii Janaury ee sanadkii hore isaga oo ugu biiray 142 milyan euro laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu dib u helo qaab ciyaareedkii uu kaga mid ahaa xiddigaha ugu fiican premier League.

Coutinho ayaa kaliya ku bilowday 9 kulan oo ka mid ah 18-ka kulan ee ay Barcelona ciyaartay horyaalka La Liga isaga oo kaliya ciyaaray 40 daqiiqo 3-dii kulan ee ugu dambeeyay La Liga.

Waxa lagu soo waramayaa in uuna xiddiga reer Brazil ku faraxsanayn xaalkiisa haatan iyada oo wargayska Mundo Deportivo sheegayso in ay Man United la socotay xaalada inkasta oo ayna talaabo Rasmi ah u qaadin.

Laakiin wargayska Telegraph ayaa sheegaya in hogaamiyayaasha premier league ayna wax xiiso ah ama rabitaan ah u qabin in ay dalab ka gudbiyaan xiddigoodii hore iyaga oo doorbidaya in ay xiddigo kale oo tayo leh dadaalkooda isugu geeyaan.

COMMENTS