Higuain, Morata, Ozil, De Jong & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.
January 17, 2019 - Written by admin

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Chelsea ayaa si aad ah ugu dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuain kaas oo Blues ugu soo biiri doona heshiis amaah ah oo ay dookh u haystaan in ay hal sano ku daraan (Telegraph).

Kooxda Atletico Madrid ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda chelsea oo ay ka doonayso weeraryahanka Alvaro Morata (Sky Sport).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay bixiso qayb ka mid ah mushaharka xiddiga Mesut Ozil si ay uga dirto kooxda inta lagu jiro suuqa January (Mirror).

Kooxda PSG ayaa ku dhaw in ay kooxda Man City iyo Barcelona ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Frenkie De Jong (Mirror).

Goolhaye David De Gea ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United (Mirror).

Kooxda Man United ayaa indha-indheeyayaal u diray kooxda PSV si ay u daawadaan xiddiga 25 milyan lagu qiimeeyo ee Steven Bergwijn (Sun).

Kooxda Tottenham ayaa bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Divock Origi (Telegraph).

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay wadahadalo kula jirto kooxda chelsea kaas oo ay ka doonayso xiddiga Callum Hudson-Odoi (Bild).

Kooxda Man City ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Hadjuk Split kaas oo ay ka doonayso xiddiga khadka dhexe ee Ante Palaversa kaas oo ay u aragto badalka Fernandinho (Mail).

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Ac Milan u sheegtay in ay 15 milyan ka xigto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bull Salzburg ee Moanes Dabour (Star).

COMMENTS